Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Gumaystaha reer Yurub maxaa lagu maagay?

W/Q: Shaafici Xasan Maxamed
Aragtiyo 0
5.6k
·

10/26/2019

Gumaystaha reer Yurub maxaa lagu maagay?

D unida la gumaystey waxa ay sheegaan in gobannimodoonkoodii ay halyeeyo u
soo halgameen ama kaga dhinteen. Waa arrin wanaagsan, laakiin dal kasta
xilliga in uu xoroobey la sheego ka dib waxaa ilbaxnimo u ahaa af ahaan iyo si
kasta dalkii gumaystey oo aqoonta iyo tabobarrada waxaa ka darnaa sida uu ugu
milnaa dalka oo dhan oo loogu hiranayey ama loogu arkey sarreeyaha af ahaan
iyo ilbaxnimo ahaa la iska yeelyeelo.

Haddii uu shalay ahaa gumaysi cadow ah oo dadkii la halgamey taallooyin loo
dhisay maxaa maanta ka dhigay midka lagu daydo oo afkiisa iyo dhaqankiisu ay
kuwaaga ka sharaf badan yihiin? Haddii uu yahay macallinkii dalka oo ku
barbaarinayey oo aqoonta iyo wax kasta oo saamayn sharaf leh ah isagu kuu
hayey maxay yihiin taallooyinka la soo halgamey oo aad dhisaysaa? Waxa aad ka
hadlaysaa ma cadow baa ma se waa aabbahaa?

Af talyaannigu waxa uu ka mid yahay afafka aan run ahaan faafin oo weli
dalkooda iyo meelo aad u yaryar ee dunida ah lagaga hadlo, waxa aanna la
yaabaa dad badan oo waaweyn ee soomaaliyeed marka ay qorayaan far soomaalida
bilaha waxa ay tusaale ahaan qoraan Luulyo oo aan laftaydu qiyaas ku keenay in
laga wado Juulay oo talyaanni ah. Haddii uu talyaannigu yahay gumaysi ku
guuldarraystay in uu dunida aad u gumaysto oo uu afkiisu dalkiisa dhaafi
waayey maa la iska raaco gumaysiyada guulaystey waa maxay Luuliyo? Gumaysi
niyad ahaan laga xoroobey iyo dad isku filnaan kara midna ma jiro, run
ahaantiina reer Yurub dunidu waxyaalo aan la inkiri karin bay ka baratay oo in
aynu been isu sheegnaa waa foolxumo. Soomaaliya taalladii ugu weyneyd waxaa
lahaa Maxamed Cabdulle Xasan, haddii maalintii uu dalka soo galay ay gumaysigu
ku oran lahaayeen “Shiikh soomaalida xukun waa aannu kaaga tegaynaaye” waxaa
laga yaabaa in uusan dowladnimo gaarsiiyeen ee uu ummadda layn lahaa, laakiin
ummadaha danbeeyaa runta ma jecla ee waxa ay jecel yihiin caaddifad iyo heeso
faaruq ah. Dalka Soomaaliya ninkii in uu ka la gooyo raba iyo midkii in uu
midaysnaado doonaya ma aha dal isku filan 60 sano markii uu madaxbannaanaa ka
dib, waxaana la sheegaa in uu yahay dalalka adduunka ugu khayraad badan dhan
kasta. Khayraadka aan hubo waxaa ka mid ah cimilada sanadka oo dhan isku midka
ah oo qofka dalka joogaa uusan ogeyn iyo meesha uu dalku dunida ka dhaco oo
qof kasta oo aqoon yar lihi uu yaabi karo. Marka khayraadka dalka laga hadlayo
aqoonyahannada qaar baa iska aammusa inta ay ku ilxaaxaan sida ay meeshu u
yaab badan tahay, waxaana la sheegaa in dalxiiska qorraxda u imanaya keli ah
lacagtoodu ay deeqi lahayd dadka yar oo meesha jooga.

Anigu ka mid ma ahi dadka sheega in uu matoorka soomaalidu u nuuxsan waayey
qabyaalad darteed. Horta soomaalidu qabiilka iyo diinta kee bay jecel yihiin?
Wadaaddadu waxa ay markiiba ku jawaabayaan in ay soomaalidu qabiilka iyo
diinta qabiilka jecel yihiin si ay dadku diinta ugu soo jeestaan, laakiin
marka baaritaan dhab ah la samaynayo wax jeclaysiga meel baa la iska dhigaa.
Anigu waxyaalaha aan ogahay waxaa ka mid ah in aysan soomaalidu in ay wax
akhriyaan jeclayn oo qofka soomaaliga ahi haddii aad buug tustid uu u arko in
aad dhibtay, sababtana ma garanayo. 1972 oo farta la qoray ilaa 1991 ardadii
dugsiyada ka soo baxday far soomaali bay wax ku baran jireen, welina ma aan
arag qof ardadaas ka mid ah oo farta qori yaqaan marka laga reebo qaar yar oo
iskood waayo danbe ugu halgamey in ay farta isbaraan, dadka far soomaalida
sixi karaana ilaa maanta aad bay u yar yihiin. Sidaas darteed iskuulladu ma
lahayn wax la akhriyo iyo macallin laftiisu curisyada sixi kara. Qofka
soomaaliga ahi aad buu u neceb yahay in buug la tuso iskaba daa in uu
akhriye’e oo waxa uu cuslaystaa in waxaas oo waraaqo ah lagu kallifayo. Dad
baa sheega in aynu abuur ahaan nahay dad hadalka iyo daawashada wax ku fahma,
laakiin taas dadka oo dhan baa ahaa oo akhriska iyo qoraallada badani waa wax
dunida ku cusub, ma se la hubaa in ay soomaalidu aad wax u dhegaystaan ama u
daawadaan? Gaajo badan baa jirta oo dadka aan dalkii joogin laftooda ku leh
saamayn ka weyn kuwa waddankii jooga, taasina waxaa laga yaabaa in ay dadka ka
dhigto ummad dhimman. Dhanka qabiilka haddii aynu u yaacno iyo dhanka diinta
haddii aynu ku qamaamno labaduba waa iska caaddiyad iyo gabayaal hore ee runtu
waa in aynu dad deggan noqonno oo aynu aamminno in dhulka meesha aynu ka
joogno aynu leenahay oo ay meel fiican tahay, meeshuna ay aqoon u baahan
tahay.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...