Gumaysiga reer Yurub iyo gumaysiga carbeed

G umaysiga reer Yurub iyo gumaysiga carbeed waxyaalaha ay xagga soomaalida
ku ka la duwan yihiin waxaa ka mid ah in gumaysiga carabta aynu raalli ka
nahay oo aynu ku faraxsan nahay, halka gumaysiga galbeedka aynu neceb nahay,
laakiin aynu ku khasban nahay. Carabta waxa aynu u aragnaa in ay Eebbe wakiil
i nooga yihiin oo uu i noo soo diray maaddaama uu Maxamed carab ahaa. Yuhuudda
oo uu Maxamed ka hor Eebbe wax soo fari jirey ma aynu jeclin mar haddii ay
iyaga iyo carabtu isximiyaan oo ay colaad sokeeye leeyihiin. Waxyaalaha ay
gumaysiga galbeed iyo gumaysiga carbeed ku ka la duwan yihiin waxaa ka mid ah
in ay galbeedku saameeyaan caalamka oo dhan, halka ay carabtu saameeyaan
caalamka diintooda haysta qaarkiis. Waxaa kale oo ka mid ah in ay carabtu
rabaan in ay musliinta taagta daran carabeeyaan oo ay afka iyo dhaqanka ka
beddelaan, halka aysan reer galbeedku u socon in ay af iyo dhaqan dunida ka
jira ciribtiraan, waayo ilbaxnimadooda ayaa ku salaysan in ay ka la duwanaanta
afafka iyo hiddeyaashu caalamka u tahay hodannimo iyo wanaag.
Dunida islaamka kuwooda awoodda leh sida iiraanta iyo turkida carabtu ku ma
dhiirran karaan in ay afka iyo dhaqanka ka beddelaan, laakiin kuwa taagta
daran sida soomaalida ayey faro baas ku hayaan, waxaana doorinta soomaalida ka
la shaqeeya dad innaga ah oo diin ahaan maskaxda looga beddeley oo aan dareemi
karin in ay afkeenna iyo afka carabtu siman yihiin, diintuna ay caqiido tahay
ee aysan ahayn in ummad lagu qaado duullaan lagu ciribtirayo jiritaankooda iyo
asalkooda. Waxaa jira dad badan oo soomaaliyeed oo laga soo buuxiyey in ay
soomaalidu carab tahay ee aysan afrikaan ahayn, soomaaliduna joqoraafi ahaan,
midab ahaan iyo af ahaanba waa dad afrikaan ah oo aan muran la gelin karin.
Dadka carbaynta u heellani waxa ay carabiyeeyeen magacyadii meelaha
waxbarasha, meheradaha iwm, waxaana la yaab leh in dastuurka Soomaaliya lagu
qoray in uu afka soomaalidu carabi yahay iyada oo dadka carabida garanayaa ay
weli aad u kooban yihiin. Waxaa kale oo yaab lahayd in ay Soomaaliya gashay
jaamacadda carabta iyada oo la mid ah dalalka kale ee islaamka oo aan
jaamacaddaas ku jirin sida Iiraan, Turkiya, Tansaaniya, Malaawi, Senigaal,
Maali, Indunuusiya, Mallaysiya iyo dalal kale oo badan. In uu dal carabta diin
keli ah la wadaaga oo aysan wax kale ka dhexayni ka mid noqdaa waa addoonsi
toos ah iyo been’abuur, waxaana xusid mudan in aysan Soomaaliya waxba ka
dheefin isku lifaaqidda carabta.
Haddii ay dalalka carabtu soomaalida u soo dhaweyn lahaayeen sida reer
galbeedka oo ay siin lahaayeen kaalmooyin sida degganaansho, shaqooyin,
waxbarasho iyo baasabboorro soomaalidu aad bay ugu sii addoonsami lahayd
carabta, laakiin carabtu soomaalida aad bay u xumeeyeen oo dalalkoodu in ay
kaalmo iyo sharci siiyaan iska daa ee qofkii taga waa laga raafaa oo
Soomaaliya oo ololaysa ayaa laga tuuraa. isla markaas soomaalida ku dhashay
dalalka carabta ama ka shaqeeyaa wax xuquuq ah ma leh oo Khaliijka dadkii ku
dhashay tacliin loo ma oggolaado. Soomaali badan oo ay carabtu maskax ahaan u
gumaystaan baa markii ay helaan dhalashooyinka ama baasabboorrada waddamada
reer galbeed waxa ay u guuraan dalalka carbeed, waayo qofka dhalasho galbeed
wataa carabta xuquuq buu ku leeyahay oo carabta laftooda ayaa galbeed u
addoonsan, waxa ayna soomaalidaasi rabaan in ay carruurtoodu carab noqdaan.
Soomaalida lagu soo dhaweeyey dalalka galbeed badankoodu ma ay jecla dalalka
soo dhaweeyey oo carruurtoodu in ay wax ku bartaan aad bay uga walbahaarsan
yihiin, waayo waxa ay u haystaan in ay ka fogaanayaan af carabiga iyo diinta,
mana aha in ay xeerinayaan soomaalinnimo iyo afkooda. Waxa aan arkay
dhallinyaro soomaaliyeed oo Khaliijka ku soo koray oo Yurub qaxooti ku ah oo
ku wada hamminaya markii ay baasabboorro helaan in ay carabtu xushmayn doonto
oo ay ku laaban doonaan dalalkii carbeed ee soo bahdiley, waayo waxa ay
dareemayaan in ay galbeed ku raagaan in ay carabnimada iyo diinta wax u
dhimayso. Carabta galbeedka lagu soo dhaweeyey cuqdaddaas ma ay qabaan oo
dalalka ay joogaan bay horemar ka samaystaan, waxaana yaab leh in carabta oo
sidaas ah aynu innagu dartood u neceb nahay gaalada oo uga qaxno dalalkii ina
soo dhaweeyey. Dadku waa jaranjarooyin oo carabtu waxa ay caabudaan galbeed,
soomaaliduna carab bay u addoonsan yihiin oo kuwa uu ilaahooda carabka ahi
caabudo soomaalidu toos u ma caabudi karaan.
Nafsadda qofka soomaaliga ah waxaa ka buuxa gacaltooyo carabta loo hayo oo
aysan carabtu abaal ugu hayn, waxaana sidii aynu sheegnay jacaylkaas keenay in
uu Maxamed carab ahaa oo ay Eebbe xaggiisa i noo metelaan iyo in ay
ilbaxnimada iyo wacyigeennu ka hooseeyaan heer aynu dunida iyo danteenna
qiimayn karno. Soomaalida qabiilooyinkooda badankoodu waxa ay abtiriskooda
geliyaan carab siiba Quraysh si ay nebigii ugu dhowaadaan, waana arrin ay iska
caddahay in ay been tahay oo soomaalida ayaa Quraysh ka fac weyn, kana
taariikh horraysey. Nafsad ahaan sida aynu ugu jabnay carab aynaan dan ku
qabin waxaa garab socda su’aal ah “Qofka soomaaliga ah oo af ingiriis yaqaan
iyo qofka carabi garanaya kee baa soomaalida dhexdeeda ku sharaf badan?”.
Waxaa laga yaabaa in uu sharaf badan yahay midka ingiriiska yaqaani,
sababtuna waa in aysan soomaalidu niyad ahaan inkirsanayn in uu carabigu ka
ilbaxnimo liito afafka galbeedka iyo in aan nacfi badan lagu qabin carabta.
Dunida ilbaxa ah qofka dadkooda ugu sharaf badani waa qofka ugu badiya
afkooda, waxa ayna u arkaan in ay ilbaxnimo iyo sarrayn tahay in uu qofku
afkiisa aad u garanayo xataa haddii ay afkaas ku hadlaan dhowr malyan keli ahi
sida afka iswiidhishka, laakiin af soomaaliga oo dadka ku hadla maanta lagu
qiyaaso 40 malyan qofka ku xeeldheeri sharaf ku ma leh. Iskaba daa in sharaf
iyo sarrayn laga raadiyo ee waa ceeb laga dhuunto in af soomaali badan la
gartaa, waayo af soomaaliga xudduntiisu miyi bay ku aasan tahay, soomaalidana
waxaa ku badan dareen ah in baadiyaha laga cararo oo la sheegto in reer magaal
la yahay. In badan waxaa la arkaa dad ku faanaya in aysan ereyada afkooda
garanayn maaddaama ay yihiin dad sharaf leh oo reer magaal ah, dad badan oo
tuulooyinka iyo miyiga ka soo jeedaana waxa ayba qariyaan oo ka dhuuntaan
taariikhdooda nololeed oo ay been ka sheegaan.
Waa arrin wanaagsan oo lagu faano in ay dadku ilbaxaan oo aysan badaawi ahayn,
laakiin in ilbaxnimada laga raadiyo jaahilnimo ayaa yaab leh oo qofka
soomaaliga ah oo aan afkiisa iyo hiddihiisa aqooni waa jaahil aan ilbax ahayn,
waxaana nasiibdarro ah in ay soomaalida ugu jaahilsan yihiin oo ugu badowsan
yihiin kuwa magaalooyinka ku barbaaray, waayo dhulkooda iyo afkiisa macluumaad
fiican ka ma haystaan, isla markaas ma badna soomaalida aqoon kale ku
xeeldheeri, ilbaxnimana ma aha in uu qofku biibitooyin iyo marfid qaad fadhiyi
jirey oo waxaa kuwaas dhaama kuwa geela raaca oo afkooda ku gabyi kara.
Ummadaha ilbaxa ah waxaa afkooda iyo dhaqankooda ugu badiya kuwooda
caasimadaha ku kacdoomay, waayo afkooda ayaa qoraallo iyo aqoon galay oo xilli
hore ka soo xerooday miyiga, waxa ayna afafkooda ereyadoodu ku jiraan
buugaagta, filimada, riwaayadaha iyo nolosha magaalada, in aynu heerkaas
gaarnaana waa hawl i na sugaysa oo aynaan fursanayn haddii aynu rabno in aynu
ummad jirta ahaanno.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida