Gorgaynta sheekada fijiyaayo

HUMMAAGGA GUUD EE SHEEKADA
In kasta oo ay 317 bog keli ah ka kooban tahay waa sheeko dheer oo farta ay ku
daabacan tahay baa yaryar oo waxaa lagu madaddaalan karaa cabbaar iyo cabbaar
murti leh. Qacda hore qofku magaca FIJIYAAYO ayuu isweydiin karaa waxa uu
yahay, waayo ma aha magac soomaalida looga bartay, laakiin waa magac gabar
soomaaliyeed oo ay sheekadu ku bilaabanayso, kuna dhammaanayso, taas oo
waayaha ugu badan ku leh sheekada in kasta oo aysan keligeed ahayn jilaaga ugu
weyn ee ay dad kale qaybo lixaad leh qaadanayaan.
Sheekada FIJIYAAYO waxaa ugu xiise badan dhammaadka, waxaana ugu xiise daran
bilowga, sida ay u ka la danbayso ayeyna u ka la soojiidasho badan tahay oo
waxa ay dhammaanaysaa akhristaha oo xamaasaysan oo uu dareenkiisu cirka
marayo. Waxa ay ka kooban tahay 41 cutub oo sida ay isugu xigaani ay aad u
wanaagsan tahay oo dhacdooyinka la isku shaandheeyey oo kuwa ugu danbeeya
uusan akhristuhu ogaan karin baalasha buugga goor uu rogrogey ee uu akhrisku
ku siibanayo sidii caano dhay ah.
XILLIYADA, DEGAANKA IYO DADKA
Dhacdooyinka sheekada FIJIYAAYO waxa ay dhacayaan xilli dheer oo ah muddadii
uu kacaankii Soomaaliya jirey iyo intii ka la qaxa lagu jirey qaarkeedii hore,
waxa uuna qoraagu xoogga saaray in uu sawir fiican ka bixiyo noloshii
soomaalida ee xilliyadaas dal iyo debedba isaga oo dabaqadaha ka la duwan ee
bulshada oo dhan sawiray ama miyi iyo magaalaba muujiyey.
Degaanka ay sheekadu soo qaadanayso waxa aynu u dhigi karnaa labo siyaalood oo
ka la ah degaanka guud sida magaalada ama ceelka ay wax ka dhaceen iyo
degaanka gaarka ah sida qol ama xafiis la joogey xilli dhacdooyin. Bay’ada
guud ee ay sheekadu ka dhacayso waxaa ugu badan Galguduud iyo Muqdisho,
laakiin meelo kale oo ay Sweden ka mid tahay bay dhacdooyin xiise lihi ka
dhacayaan, si habboon ayeyna sheekadu degaanka guud u soo bandhigaysaa.
Degaanka gaarka ah sharraxaaddiisa sheekadu sabool bay ku tahay oo meesha ay
markaas wax ka dhacayaan muuqaalkeeda akhristaha la soo hor dhigi mayo ee
qoraagu waxa uu xoogga saarayaa dhacdooyinka iyo hadalka dadka in uu xiise u
yeelo. Meesha uu markaas akhristuhu joogo u ma uu jeedo ee waxa uu la mid
yahay qof indhaha isku haysta oo loo sheekaynayo.
Dadka sheekada jilaya shakhsiyaddooda waxaa laga dheehan karaa hadalladooda
iyo dhaqankooda oo uu qoraagu ilaa xad fiican soo dhoweeyey sida haweeneyda
dabaqadda sare ah oo qalbiga xun ee Xiddo Jaamac iyo lammaanaha dabaqadda
hoose ah ee Daahir Aweys iyo Muumino ee anshaxa suubban, bal se sida ay dadka
sheekadu u eg yihiin la ma garanayo oo qoraagu muuqaal ahaan ama jir ahaan u
ma uu muujin dadka uu abuuray, waxa ayna taasi la mid tahay in uusan degaanka
sawir muuqda ka bixin ee uu dhacdooyinka uun macaaneeyey.
SUURTAGALNIMADA DHACDOOYINKA
Waxyaalaha sheekooyinka laga eego waxaa ka mid ah sida ay dhacdooyinku isugu
xiran yihiin iyo sida ay u yihiin wax dhab noqon kara ama nolosha meesha wax
lagu jilayo ka suurtowda. Dhacdooyinka buugga Mubaarak Xoosh Gaashaan aad bay
u badan yihiin, aadna waa ay u xiise badan yihiin oo waxa aan u bixin lahaa
”Qoraagii dhacdooyinka”.
Sida ay wax u dhacayaan oo dhammi waa qaab hagaagsan oo sida badan aan
hadaltiro wakhtiga lagaaga luminayn ee mar kasta wax hor leh laguu sheegayo.
Meelo yaryar buu akhristuhu u malayn karaa in ay ka badbadini ku jirto sida
tirada lacagihii iyo dahabkii ay dadkii madaxda ahaan jirey ka la qaxeen
Muqdisho iyo in Sweden soomaali lagu jirdiley si fiican loo daweeyey iyaga oo
loo maleeyey in ay Hindi yihiin, markii la ogaadey in ay soomaali yihiinna
meel liidata isbitaalkii laga seexiyey. Lacagta ay madaxdu la qaxeen in ay
kiishash doollar ah noqotaa waa iska macquul, bal se Sweden dadka ku nool oo
dhan isku si baa loo daweeyaa.
Dhacdada kale oo uu akhristuhu isweydiin karaa waa in uu dhakhtarkii
ambalaasta watey gaarigaas caafimaad ku qariyey Fijiyaayo, Xasan, Daahir Aweys
iyo Muumino oo uu u yimid isla saacaddii gurigooda laga xoogey oo waxaa la
moodaa in uu dhaktarku ogaa in ay gargaar degdeg ah u baahan yihiin.
HAB QORAALKA SHEEKADA
Geli mayno hikaadda iyo meelaha ay xarfo garaaciddu khaladday kaga jiraan oo
maba aan calaamadin, isku mana hawlin oo qoraal soomaali ah kolley wax noocaas
ah laga waayi mayo, isla markaas ka doodi mayo sida ay ereyadu isu raacraacaan
iyo sida loo ka la jarjaro oo soomaaligu weli ma leh qoraal fadhiya oo la isku
raacsan yahay.
Guud ahaan qoraagan buuggiisu waxa uu u qoran yahay hab si wanaagsan loo
akhrisan karo oo tusaale ahaan meelaha uu hakadyada iyo joogsiyada dhigay waxa
ay u badan yihiin meelo ku habboon, isla markaas meelaha ah in sadar hoos loo
dego badankooda waa uu asiibay. Meesha ay dhalliisha ugu weyni ka imaan kartaa
waa qofka wax jilayaa marka uu toos u hadlayo oo sida caadiga ah qoraallada la
sameeyo labo midkood. Kow in sadar hoos loo dego oo hadalka calaammaddan ” la
dhex geliyo sida waxa ay tiri ”Ma seexatay?”. Labo in sadar hoos loo boodo oo
calaamaddan ─ laga hor mariyo hadalka tooska ah sida waxa ay tiri ─ Ma seexay?
Hab qoraalku sheekonimada saamayn weyn ku ma laha oo daabacaadda labaad baa
waxyaalaha qaabka qoraalka ka si ah la tifaftiri karaa ee waxa madhaafaanka
ahi waa nuxurka sheekada. Af soomaaliga ay sheekadani ku qoran tahay aad buu u
sarreeyaa oo yar iyo weyn baa fahmi kara badankiisa.
GABOGABO
Sheekadani waa middii ugu horraysey ee uu qoray Mubaarak Xoosh Gaashaan,
waxaana la og yahay in qoraalka qofka ugu horreeyaa uu dhalliilo badan yeesho
maaddaama uusan waayo’aragnimo hore lahayn. Marka aynu taas ka duullo waxa uu
qoraagu sheekadiisii kowaadba ina tusay wacdaro hal’abuur oo aan laga filan
karin in uu qof curiskiisa kowaad sidaas ugu faroyaraysto. Haddii uu afafka
suuqa leh sheekadan oo kale ku qori lahaa waxaa laga yaabi lahaa in ay dhici
lahayd waxa afka ingiriiska lagu yiraahdo ”Breakthrough” oo ah guul caannimo
oo degdeg ah. Soomaalida far soomaalida kicin kara oo dhan waxa aan ku la
talin lahaa in ay sheekadan akhriyaan oo ay fiiro gaar ah u yeeshaan, siiba
dhallinyaradii xilliga burburka kacaamay oo aan soo gaarin arrimihii dhacay
muddadii kacaanka. Akhriska oo dhan baa soomaalida ku yar oo weliba xagga
sheekooyinka aad baynu ugu liidannaa, qisooyinka la jilaana waxa ay hormood ka
ahaayeen waxyaalihii ay ku horemareen ummadaha farsamada iyo fakarka ku
fogaadey. Sidaas awgeed waa in ay soomaalidu beddelaan dhaqanka ah in afka
laga murmo oo aan wax la akhriyin oo siiba dhallinyaradu ay maskaxdooda ku
kobciyaan sadarro badan.
Mubaarak waxa aan ugu hanbalyaynayaa hawsha hal’abuur ee uu ka soo dhalaalay,
waxa aanna u naawilayaa in uusan ka caajisin hawlaha noocaan ah oo uu ku
hindisoodo dhigaallo kale oo murti iyo madaddaalo ah.
Qoraalkan waxa aan ugu riyooday in dhallinyarta ha’abuurka leh sida Mubaarak
ay wax uun ka kororsadaan oo uu sheekooyinka soo socda dhiirrigelin iyo
dhalliilba u noqdo. Waxa aan ogahay sheeko marka ay soo baxdo in ay u baahan
tahay xayeesiis keli ah oo wixii turxaanbixin ah loo baahan yahay inta aan la
daabicin, bal se naqdiga laftiisu waa wax adduunka ka jira oo haddii aan
qoraallada jira la lafogureen horemar la ma gaareen. Waxaa habboon in la isku
gees wado bogaadin iyo dhalliiltirid qofka samaynaya la moodo in uu labo wadne
leeyahay.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida