Goob gooni ah, goob walba mise goob la'aan?

L uuqad ahaan, goob waa madal, bar, bed maran ama boos. Marka aynu
leenahay wax baa ‘JIRA’ waxaan ula jeednaa in waxaasi ay dhex joogaan goob ama
boos. Ma cadda sida ay wax u jiri karaan goob la’aan. Haddii uu qof yiraahdo
wax baa jiri kara goob la’aan, asaga ayaa looga baahanyahay in uu caddeeyo
waxa uu ula jeedo markaasi erayga “JIRITAAN”, waayo erayga jiritaan macno ma
yeesho goob la’aan. Haddii uusan caddayn karin waxa uu ula jeedo jiritaan goob
la’aan ah, markaasi waxba kama duwana ayada oo la yiraahdo, waxaasi “MA
JIRAAN”.
Haddaba Allaah ma inoo sheegay goob uu ku suganyahay? Inkastoo ay dood badani
ka taagantahay, dad badani oo ahlul-diin ahna ay la qurxanaan wayday in ay
yiraahdaan, Allah goob buu ku suganyahay, haddana waxaa jira aayaddo iyo
axaadiis muujinaya in uu Allaah goob leeyahay:
وَكَانَ عَرْشُهُ عَلَى الْمَاءِ “Carshigiisa (Allaah) waxa uu ahaaday
biyo dushiis” (Huud, aayadda 7-aad)
وَإِنَّ يَوْمًا عِندَ رَبِّكَ كَأَلْفِ سَنَةٍ مِّمَّا تَعُدُّونَ
“Maalinta Allaah agtiisa waxa ay ka tahay wax u dhigma kun sano oo waxa aad
tirsataan ah (sannadkeena)” (Al-Xaj, aayadda 47-aad)
Aayaddani waxa ay muujinaysaa in uu Allaah waqti leeyahay, oo waxaaba jirta
aayad kale oo uu Allaah sidan oo kale uga hadlayo waqtigiisa. Kol haddii uu
Allaah waqti leeyahay, waxaa iyana soo galaysa in uu cuf-is-jiidad leeyahay,
maadaama waqtiga iyo cuf-is-jiidadku ka dhaxeeyo xiriir toos ah.
Arrintase ugu yaabka badan waa mida ku xusan xadiiska uu Abii Hurayrah wariyay
ee la isku waafaqay kuna qoran Saxiix Al-Bukhaari (2/144-174) iyo Saxiix Al-
Muslim (1712), xadiiskani waa midka ka hadalaya todobada qof ee harsan doona
harka Alle maalin uusan har kale jirin (waxaan filayaa in badankiin aad
maqasheen xadiiskan). Haddaba, annaga oo maanka ku hayna in uu Allaah nagula
hadlayo luuqad caadi ah oo ay dadka carbeed fahmayeen, waxaa mudan in aan
iswaydiinno, maxaa sababa in uu har samaysmo? Ma Cadceedda ayaa ka saraysa
Allaah waqtigaasi? Waa laba su’aal oo aan tusaale ahaan u soo qaatay, balse
waxaa ka dhalan kara xadiiskan harka, Cadceedda iyo Allaah kulmiyay su’aalo
badan. Waxaase ujeedkaygu yahay in ay halkani ka caddaanayso in wax goob lihi
uun ay harayn karaan, wax jooga goob (insaanka).
ثم استواء علي العرش “Kadib buu [Allaah] ku *istawooday carshiga dushiisa”
(Acraaf, aayadda 54-aad).
*[kelmadda “istawaa” macnayaal badan ayay leedahay, waxaana ugu xoog badan, ku nagaansho (goob) iyo ka saramarid (goob)].
Kelmadda “istawaa” waa kelmad ka mid ah luuqadda Carabiga, oo ay carabtu
isticmaali jireen kahorba inta uusan Qur’aanka soo dagin. Macnayaal badan ayay
yeelataa, laakiin dhamaan macnayaasha ay xambaarsantahay waxa ay tilmaamaan
ama la xiriiraan goob.
Naxwa ahaan, marka ficilka “istawaa” la adeegsado, waxa uu qaataa badanaa oo
uu “fal-lagu-sameeye” ahaan (object) u qaataa goob. Tusaale, waxa uu ku
nagaaday goob. Oraahdani waxa ay ka jawaabaysaa su’aasha ah, xaggee ayuu ku
nagaaday? Sidoo kale, waxa uu ka saramaray goob.
Allaah waxa uu la hadlayay insaanka, waxa uuna u sheegayay wax uu doonayay in
ay fahmaan oo uu waliba ugu sheegayay dadka carbeed luqadooda, haddaba soo
khalad noqon mayso in maanta laga kala cararo in carrabka lasoo mariyo macnaha
ay kelmaddaasi xambaarsantahay? Dadku gar bay lahaan lahaayeen haddii kelmaddu
markaasi uun ku cusbaan lahayd dhagahooda, oo Nabiga uun laga maqli lahaa,
balse xaalku sidaas ma ahayne, kelmaddu waxa ay ahayd kelmad caadi oo ay dadka
ku wada xiriiri jireen, macna gooni ah iyo fariiinna gubin jirtay.
Sababaha looga kala firxado macnaha kelmadda, waa in ay soo jiidanayso
iskhilaaf farabadan iyo jahwareer ka dhalanaya qaabka uu ilaaha Allaah la
yiraahdo u jiro iyo qaabka ay carabtu doonayeen in ay u muujiyaan. Inta badan
wadaadada carbeed waxa ay qabaan in Allaah uusan goob walba ku sugnayn, balse
uu hal goob ku sugnaaday, waxa ayna ku tilmaamaan gaalnimo qofkii yiraahda,
ilaaha Allaah la yiraahdo goob walba ayuu ku suganyahay. Sidoo kale, waxaa
jirta koox qabta in uusan Allaah wax goob ahi lahyn oo uu goob la’aan jiro.
Balse isdiidka ugu weyn waxa uu ka dhex dhalanayaa labada koox ee kala
aaminsan in ay wax jiri karaan goob la’aan iyo kuwa aaminsan in waxa jira
aysan goob walba ku sugnaani karin.
Haddii ay Wadaadada Carbeed ku sheegeen Allaah in uu goob gooni ah joogo,
waxaa ka dhalanaya su’aalo farabadan, tusaale, maxaan ku magacawnaa goobtaasi?
Ileen goobta uu Allaah joogo iyaduba waligeed waa ay jirtaye. Sidoo kale waxaa
iswaydiin mudan, goobta iyo Allaah yaa muhiimsan? Haddii hal qol iyo adiga
aqristaha ah oo kali ah aad jirtaan oo aysan jirin wax kale, ma qolka ayaa kaa
muhiimsan mise adiga ayaa ka muhiimsan qolka? Qolka la’aantiisna ma jiri kari
lahayd adigu?
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida