Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Geesiyaynta gabdhaha

W/Q: Aadan Xuseen
Aragtiyo 0
1.6k
ยท

2/9/2019

Geesiyaynta gabdhaha

H ablaha waxaa loo diyaariyaa markay yar yihiin inay ka fogaadaan
caqabadahaa iyo dhibaatooyinka nolosha, waxaa loo sheegaa inay qoslaan, si
nabad ah wax ku xalliyaan, waxbarashada ay si xeeladaysan u wataan oo dhibco
fiican keenaan. Dhanka kale, wiilasha waxaa la baraa inay adkaysi yeeshaan,
inay dhibaatooyinka u dhabar adaygaan, xitaa kubbadda inay si aan naxariisi ku
jirin u ciyaaraan oo geed yar iyo geed dheerba ka boodaan. Waxaas oo dhan
waxaa loo samaynayaa si marka ay qaangaadhaan u noqdaan rag gorgortama oo
xataa markay shukaansi samaynayaan libaaxeeya diyaarna u ah inuu laabta u
dhigto garnayl kasta oo lagu soo gano.

Dadka kasmanafeedka yaqaanaa waxay caddeeyaan inaan qofna dhegta kuu
raaricinayn haddaanad ka talaabsan jalaafooyin badan oo ka mid ah caqabadaha
nolosha; ugu yaraan waa inaad haystaa laba guuldarrooyin oo aad inta afka
ciidda dartay haddana ka kacday oo aad tiir adag oo aan laga waaqsan ku
tigtigtay. Habalaha waxaan u layliyaynaa inay noqdaan macsuumiin marka afka
gacanta laga galiyo aan dhareer mooyee ku qaniinin. Si taas ka duwan ragga
waxaa la barayaa oo lagu ababiyaa inay bahallo geesiyo ah noqdaan.

Bulshooyinka qaabkan loo tababaraa maaha kuwa guulaysta ee marar badan waa ay
guuldarraystaan. Macallimad Maria Catherine ayaa waxay ardayda ay u dhigaysay
u dhiibtay laylis adag oo ay la anfariireen adaygiisa. Dabcan macallimaddu
waxay doonaysay inay ogaato ardaydeeda sida kalsoonidoodu u kala duwanatahay
wiilasha iyo xaawalayda. Amakaag iyo fool cusub ayaa uga soo baxay shirrabkii
ay ugu talogashay ardaydeeda. Hablihii ugu (IQ) maskaxda badnaa waa ay
isdhiibeen halka wiilashii ay la sii rafanayeen oo waliba ay tamar iyo
muquunin isku dayayeen. Marar badan ayay ku celceliyeen tijaabadii loo
dhiibay, way labajibbaareen dadaalka. Maxaa ka socda meeshan? Ardaydan oo ahaa
fasalka shanaad hablaha ayaa ku wacnaa maaddooyinka badankooda, xataa
xisaabaadka iyo sayniska. Halkan waxaan ka arki karnaa inayna ahayn awoodda
waxbarasho ama garaad ee kala reebaysa ragga iyo dumarka. Farqiga u dhexeeya
hablaha iyo inamada waa habka ay u waajahayaan caqabadaha.

Arrinkani kaliya kuma koobna ardayda dugsiyada hoose dhexe ee waa tijaabooyin
soconaya ilaa marka shaqooyinka la raadsanayo, wiilasha waxaa la ogaaday
haddii aqoontoodu tahay 60% waxay bilaabaan inay shaqooyin raadsadaan halka
gabdhaha ilaa ay shahaadooyin 100% ah ay hesho aanay hawaysan shaqadoon iyo
dhiiranaan badan oo caqabadaha nolosha ku socdaan. Waa caddaymo dhab ah oo la
ogaaday arimahani.

Hadaba dumarku maxay u baahanyihiin? Waxay u baahanyihiin dhiirigalin iyo
kalsoonida oo loo dhiso. Hablaha waa in lagu dhiirrigaliyaa inay bulshaawiyiin
noqdaan, oo ay dhiggooda Labka la tartamaan. Waa in loo sheegaa inayna
macsuumiin ahayn waligeedna dadku qaladaadka nolosha la kacaakufi doonaan oo
tusaale; haddii magaalada Hargaysa lagu qabanayo Tababaro feedhka, iyo orodka
iyo shaqooyinka la xiniyeeyay, waa inay ku dhiirradaan inay ka qaybgalaan oo
waliba hoggaamiyaan haddii ay jecel yihiin ka qaybgalkooda. Haddiise ay ka
gaabsadaan wax walba iyaga oo ka cabsanaya inay jaraan xadadka ay jeexeen
bulshada maangaabnimada iyo dumar nacaybku saldhigatay waxa imanaysa in
waddanku u curyaamo dhinac walba maadaama ay dumarka matalaan kalabar
bulshada.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...