Gawricii Kiisha

Waxad ahayd wiil yar oo dagana magaalo KIISHA la yidhaa oo dhashay sanadku
markuu ahaa 620 (miilaadi). laba jir adoo ah magaaladiina waxa soo galay nin
reerkiisii ka soo cararay oo la soo caydhiyay. reerka aad ka dhalatay iyo laba
reer oo kale ayaa ku heshiiyay inay ninkan la soo caydhiyay si nabdoon
magaalada u soo galiyaan oo aanay dib ugu celin reerkiisii.
ninkan wuxu Sheeganayaa inuu yahay kii badbaadin lahaa isagoo codsanaya in
hogaamiyaha magaaladaa laga dhigo askar iyo ciidanna la siiyo si uu dagaallo
ugu qaado magaalooyinka jaarka ah.
Nasiib darro labadii reer ee kale ayaa arintaa ku raacay, laakiin reerkii aad
ka dhalatay waa iska diideen oo colaad ma rabno ayay dheheen. heshiisbuu
reerkiina la galay ah in aynaad reeraha kale uga hiilin xiliga uu dagaalka
kula jiro.
Ninkii magaaladii aad ku noolayd wuxu ka noqday taliyaha 1aad, waa nin dagaal
jecele wuxu weeraray reerkiisii uu cago-cadaan kaga soo cararay isagoo aar
gudasho u socda. dagaalo dhawr ah ayuu la galay qaarna waa ku guulaystay
qaarna waa lagaga guulaystay.
Ninkan dagaalka jeceli wuxu dadka magaalada KIISHA baraa nacaybka reerkaaga,
isagoo aflagaadeyn iyo xumaan badan idinku sheega. Reerkiini iyo labadii reer
ee kale nacayb ayuu dhex dhigay oo reerkina wuxu ku tilmaama inay daayeero iyo
khinziir ka soo jeedan, labada reer ee kalana dad sharaf leh oo u hiilayay
inay yihiin ayuu ku beer laxawsadaa.
Iyadoo xaalada magaalada KIISHA ay sidaa tahay ayaa waxa weerar cudud leh soo
qaaday reerkii soo caydhiyay ugu horayntii iyagoo ka dhiidhinaya weerarada uu
ku hayo iyo ganacsigooda oo uu luuqyada u galo isago khasab iyo xoog ku booba.
Dagaalo koo-kooban ayaa la galay, waxay u ekaatay in ninka laga tamar badan
yahay oo laga guulaysan rabo. reerkiini ayaa wuxu go’aansaday in uu wada hadal
sir ah la yeesho abaanduulayaasha magaaladiina ku soo duulay si ay u
badbaadiyaan hadii ay magaalada qabsadaan.
Arrintaa waxa ogaaday xaaji xanaaq badane oo aad uga cadhooday kuna tilmaamay
balan-jabin iyo munaafaqnimo lagula kacay heshiiskii uu reerkiina ku
harawsaday. inkastoo uu nacayb iyo sumcad xumayn ku wajahan reerkiina ka waday
golayaasha magaalada.
dagaalkii markii uu soo idlaaday ee uu ka guulaystay reerkiisi, isaga iyo
ciidankiisi waxay u soo kicitimeen dhankaa iyo reerkaagi iyagoo hareeraynaayo
xaafadii aad ka daganaydeen magaalada KIISHA.
25 cisho ayuu go’doon ku hayay xaafadiina, cunto iyo wixii idiin kaydsanaa
markay dhamaadeen odayaashii reerkiinu waxay go’aan ku gaadheen inay isu
dhiibaan MA NAXE. Labadii reer ee saaxiibka la ahaan jiray reerkiina ayaa mid
ka mid ahi ergo ugu tahay MA NAXE iyagoo ka codsanaya inuu xukunka ka
khafiifiyo reerkiina.
MA NAXE, wuxu ku xukmay reerkiini sida tan ” Guud ahaan Odayaasha, dhalin
yarta, doobabka, madaxa ayaa laga jarayaa naxariis iyo jixin jixna ma jiri
doono, DUMARKA IYO CARUURTA waxa qaybsan doona labadii reer ee kale, iyagoo la
adoonsan doono suuqyadana lagu kala iibsan doono inta noloshooda ka dhiman”
Adiga, Hooyadaa, ina adeertaa, habadaa, ededaa, ayaydaa, ina abtidaa, ina
adeertaa iyo 10 hablood ood walaalo tihiin waxa qaatay oo xoolo ahaan loo
siiyay Abaan duule MA NAXE.
Sidoo kale wuxu dilay Aabaha iyo 5 wiil oo kula dhashay, adeeradaa iyo dhamaan
abtiyaashaa iyo wiilashay dhaleen.
Adoon yar ayaad u ahayd MA NAXE, sida dameeraha ayuu ku raran jiray. Habeenkii
marka aad seexanayso waxa aad maqli jirtay cabaadka iyo qaylada ka yeedhaysa
hooyadaa iyo walaashaa oo fal kufsi ah loo gaysanayo.
Intaa kuma joogine, taariikhda ayuu ka masaxay reerkiina, wuxu amray dadkii
isaga taabacsana inayna mar naba u ogolaan in reerihiinu ay deegaanadan soo
galaan. Umudaha gadaal ka soo bixi doona ee isaga afkaartiisa raaci doona ayuu
sidoo kale fariin u diray ah inay dilaan meel kasta oo ay ku arkaan qof ku
abtirsanaya reerkaaga.
Dadbaa jira ku odhan doona Abaanduule MA NAXE wuxu ahaa ninkii ugu naxariista
badnaa guud ahaan dadkii dunida soo maray iyo kuwa soo mari doonaba.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida