Gabaati mise gadasho?

I nkastoo guurku yahay dhaqan soo jireena hadana markasta waxaa go’aamiya
diimaha iyo dhaqamada kala duwan ee bulshooyinku kala leeyihiin. Guurka
Soomaalidu wuxuu asal ahaan ku qotomaa diinta islaamka iyo dhaqanka
Soomaalida. Sida wax loo meheriyo, waxa la akhriyo, marqaatiyada iyo ka idan
qaadashada waxa loo yaqaan “weliyul amriga” ama cidda gabadha dhashay oo la
weydiisto waa dhaqan islaamka laga dhaxlay. Dhanka kale dhaqanka Soomaalida,
odayaal ka kala socdka labada dhinac ayaa isu gola fariista, waxaa laga
bixiyaa gabadha gabaati sida geel ama qori marka la joogo miyiga, marka
magaalada la joogana intaasoo la lacageeyay ayaa labsiiyaa reerka gabadha.
Muhiimadda guurka guud ahaan waa hab dhaqan, dhaxal iyo dhiig dhowris looga
gol-leeyahay laguna ilaalinayo taranka iyo abtir raaca qoyska. Sidoo kale waa
calaamad lagu ilaaliyo sharafta ama qaab lagu qiimeyo hannaanka iyo hab-
dhaqanka qoyska Soomaaliyeed.
Waxaa jira waddooyin dhowra oo loo maro marka loo gol leeyahay guurka,
hayeshee waqtigaan la joogo waxaa jira labo wado ugu muhiimsan oo Soomaalidu
isu guursadaan, inkastoo ugu danbayn labaduba isku meel ku biyo shubtaan
intaan loo gudbin gunaanadka guurka. Mid waa in gabadha reerkooda laga doono
iyadoon wax wada hadala marka hore iyada lala yeelan, kadib hadduu ogolaado
aabaha gabadha inuu bixiyo ama raalli haka ahaato ama yeysan ka ahaane uu
markaas saas guurku ku dhaco. Waana shardiga ugu wayn ee guurku ku ansaxmayo
inuu aabuhu idmo, ama bixiyo gabadha, kadibna la siiyo wixii loo garto oo maal
iyo xoolaa ama isaguba ha sheegto intuu doonayo inuu gabadha siisto. Mida kale
oo ah in dhalintu wada hadlaan iskood soo heshiiyaan, waxaa isu doona rag ka
kala socda labada dhinac markaas ayaa gabadha gabaatiga sooryada iyo yaradka
la is dhaafsadaa.
Gabadhu markay qaan gaarto, Soomaalidu waxay dhahaan “Gashaanti” oo micnaheedu
yahay “Gasho-hanti” oo loogala jeedo waa in hanti la siistaa markii nin reerka
ka soo doono. Taas oo caddayn u ah in gabdha loo koriyo in xoolo la siisto
markay waynaato.
Hadaba in gabadha lacag ama xoolo laga bixiyo dhaqanka Soomaalida ha ahaato
laakiin caqli ahaan hadaan u fiirino. Maxay tahay qiimaha gabadhu ay ku
helayso in qadar yaroo lacaga ama dhowr halaad oo geela la siisto. Sidoo kale
labo nin ku gorgortamaan jirka gabadha in lacag iyo maal la siisto maxaa
sharafoo ku jira?!. Waxaa taa lamida meherka oo ah gorgortan kale ay gabadhu
gasho iyada u gaara, malahan qiime xaddidan laakiin gabadha ayaa goysa
qiimaha, isku soo wada duuboo ugu danbayn qadar lacag iyo xoola ah un buu
noqonayaa. Mar labaade maxaa sharafoo ku jira iinaa qadar lacaga jirkaaga ku
xirtid. Kaaga sii darane marka lakala tago gabadhu lacagtay qabsatay ama
meherka qabsatay ninku waa inuu halkaan soo dhigaa cirka iyo dhulka haka
keeno. Inkastoo islaamku qabo inay wanaagsan tahay in gabadha meherka loo
hormariyo hadana dhaqan ahaan marka lakala tagayo ayaa lakala qaataa. Bal
suurayso nin aad kala tagteen is nacdeen inaa lacag ka qaadato aad aaminsan
tahay inaa xaq ugu leedahay. Maxaase sharafoo ugu jira gabdhaha?
Dhanka kale, Labadaan qof waa labo qof oo qaan gaara, isku baahiya, isku
duruufa, waxaa laga yaabaa laba reer oo isku tabara inay kasoo kala jeedaan,
isku “High School” ka baxeen, isku jaamacad ka baxeen, hadana shaqo isku mida
ka shaqeeyaan ama labaduba shaqayn. Markaa maxay tahay xikmadda ku jirta in
mid culayska intaas le’eg la saaro. Kaba soo qaad in xujadii uu kasoo baxay,
intuu dadaalay dayn iyo deeq wuxuu helay ku bixiyey suu guurkaasi u hagaago.
Hadaba hadduu isna markiisa xujo kale la yimaado oo dhaho anigina nin baan
ahay shaqadaydu waxay ahayd inaan bixiyo yarad, sooryo, aroos, marriiin iyo
marasho, adna naag baa tahay waxaa laguugu talo galay inaa wax ii nadiifiso,
cunto iikariso, dharka iidhaqdo, ilmaha koriso anna jeego-jeegaan u
seeexanayaa markayga saad adiguba markii aan rafaadayey jeego-jeego ugu
huruday, isu cilaamaysay xaq buuxa ayuu u leeyahay. Waayo waa in masuuliyad si
siman loo wada qaato meel kasta, dhanka dhaqaale iyo dhanka hawlaha kale suu
reerku u dhismo, qofkasta intii awooddiisa 100/100 waa in uu miiska soo saaro.
Oraah caana ayaa tiraahda “If the feelings are mutual, the effort will be
equal.” Haduu dareenku isku mid yahay dadaalkuna isku mid buu noqonayaa. Ama
qaabkaan kor kusoo sheegnay dhaqanka duugaa ah oo kudhisnaa qaabka ganacsigaa
haloo wada dhaqmo.
Dhanka kale waalidka gabadha dhalay maxay tahay xikmadda ku jirta in idan laga
qaato, la siiyo awood ay ku takri fali karaan, hadday doonaan diidayaan, haday
doonaana yeelayaan. Gabadhoodu miyeysan ahayn qof waynoo nafteeda masuul ka
noqon karta, kala garanaysa qofka u wanaagsan iyo qofka u xun. Maxaa awoodda
gabadha looga qaadayaa ay wax ku dooran karto. Waalidku way ogyihiin in
gabadhu maalin guriga ka tagi doonto, in ay nin nolol lawadaagi doonto sidaa
darteed waxay xaq u leeyihiim kaliya in la ogaysiiyo iyadoo loogala jeedo
ixtiraam maahan in amar laga qaato waayo iyagu masuul kama ahan jirka gabadha.
laakiin way ku darsan karaan talo ay u arkaan inay wanaagsan tahay iyagoo
aakhirka ixtiraamaya go’aanka gabadha. Gabadha way dhaleen wayna koriyeen,
hada waa gabar wayn oo qaan gaara, waa in lagu ixtirmaa go’aan keeda sida
ninka loogu ixtiraamo go’aankiisa markuu guursanayo.
Waxaan ku soo gabo-gabaynayaa ma idinla tahay inaan wax ka badalno qaab
dhaqanka guurka soomaalida haddaan nahay dhalinyarada maanta annagoo ka
faa’iidaysanayna aqoonta iyo horumarka maanta dunida ka jira?!
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida