Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Fursad iyo xorriyad

W/Q: Cawil Cabdille
Arrimaha Bulshada 0
11.9k
·

2/5/2020

Fursad iyo xorriyad

M aalin dhawayd ayaa waxa aan dhagaystay muxaadiro uu jeedinayo wadaad
Soomaaliyeed (Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil). Waxa uu ka hadlayay arrin
aynaan uga baran wadaad Soomaaliyeed in uu ka hadlo. Wadaad waxaa lagu
yaqaannay in uu ka hadlo aakhiro iyo adduun; adduun qofka joogaa hamayn-dhaxmo
ku yahay iyo aakhiro lama huraan ah. Adduunyadu agtiisa macno kama leh oo
waxaa liibanay qofkii cimrigiisa oo dhan cibaado ku khasira. Qofkii isaga oo
aan tukan ama soomin ama xajiyin dhintay, isaga oo boqol jir ah, miyuusan
khasaarin – Xitaa haddii uu ka tagay boqollaal buug oo cilmi ah? Wadaadka
Muslimka ah adduun-araggiisu waa sidaas.

“Meeshaan adduunyada la yiraahdo ma ahan wax sii ridan oo uu qof caqli lihi
wakhti isaga lumin karo in uu ammuureheeda kaga fikiro. Waa huteel aad hamayn
iyo labo kusii hoyanayso adiga oo safar ah, marka maxaad uga fikiraysaa in aad
sariirihiisa badasho, suuliyaashiisa hagaajiso, qolalkiisana dayac-tirto?!”

Haddaba, marka uu wadaadkeenna adduun-araggiisu caynkaas yahay, in uu ka hadlo
mushkilad ijtimaaci ah waa arrin aan looga baran. Waa sababta aan ula yaabay
markii aan arkay wadaadkaani isaga oo ka hadlaya; dadka Soomaalida ah ee Yurub
iyo Ameerika aadaya misana aan laga filayn in ay dib u soo noqon doonaan.
Wadaadku waxa uu sheegay in kunkii qof ee dhoofa uu hal mid oo keli ahi soo
laabto. Tusaale ahaan, waxa uu yiri, “Waddanka Norway oo keli ah afartan iyo
labo kun oo qof oo Soomaali ah ayaa galay, kun qof oo keli ah ayaa soo
laabaatay. Inta kale rajo laga ma qabo in ay soo laabtaan.”
Dadkaasi weli
waa jiilkii koobaad ee waddanka ka tagay, sidaas awgeed, la fili maayo in is-
baddal ballaaran oo dhaqan iyo diinneed ku dhoco. Balse, arrintu sidaas ma sii
ahaanaysaa marka ay dadkaasi dhintaan ee kuwii ay Yurub ku dhalleen ay sii
dhallaan kuwo kale?

Isla wadaadka ayaa isaga jawaabaya su’aashaas. Waxa uu sheegayaa in jiilkii
koobaad ee Yurub ku dhashay – wax yar mooyaane – intii badnayd ay durba afkii,
dhaqankii iyo diintiiba ka tageen. Haddii ay arrintu sidaas tahay, muran kama
taagna kuwaasi kuwa ay Yurub kusii dhallaan in ay jinsiyaddoodii iyo
diintoodiiba ka sii fogaanayaan. Waxa uu waddaadku intaas ku darayaa in jiilka
koobaad ee Yurub ku dhashaa ay aqoontooda diintu ku koobnaan doonto in ay
yiraahdaan, “wax un baannu soo gaarnay, ayeeyooyinkayo oo tuktukada!”
Balse, jiilka kuwaasi kasii dambeeya iyagu ayeeyo tukatana ma aysan soo gaarin
ee maxaa laga fili karaa? Waxa laga filayo waa un in ay sii libdhaan oo ay ku
milmaan deegaanka iyo dadka ay u tagaan.

Arrinta is-waydiinta mudani waxa ay tahay: wadaadku sidee ayuu u arkaa in
mushkiladdan lagu xallin karo? Xalkiisu waa uu fudud yahay. Marka koobaad waxa
uu leeyahay “af-Soomaaligu waa diin” , oo waa in carruurta af-Soomaali la
baro. Markaas ayay iyaga iyo wadaaddadu is af garanayaan, maxaa yeelay
“wadaadka Soomaaliyeed kuma hadlo luuqaddaha Yurub looga hadlo.”

Marka labaadna waxa uu leeyahay, waa in aan carruur dambe Yurub lagu dhalin,
dadka waawayn ee soo hijroonayaana ay waddankooda iska joogaan. Labadaas
arrimood oo keliya ayuu wadaadku ku xalliyay mushkiladdii waynayd ee aynnu soo
sheegnay.

Haddaba, su’aasha is-waydiinta mudani waxa ay tahay, maxay dadkaani
dhulalkooda uga tacabirayaan? Waxaa laga yaabaa in aynu dhahno dagaallo. Waxaa
jira dalal aan dagaallo sokeeye ka Jirin haddana dadkoodu ay Yurub iyo
Ameerika buux dhaafiyeen. Tusaale ahaan, sagaashan kun oo Keenyaan ah ayaa
Mararkanka ku nool, boqol iyo konton kun oo Itoobiyaan ah ayaa iyaguna
Maraykanka deggan. Sannadkii 2017-kii, soddon iyo lix kun oo Nayjeeriyaan ah
ayaa Yurub galay. Dadkaas oo dhani ma dagaallo sokeeye ayay ka carareen?

Jawaabtu waxa ay tahay, dadkaani haddii ay dagaallo ka carareen waa ay
suurowdaa in ay waddankoodi dib ugu soo laabtaan, balse xaqiiqadu sidaas waa
ay ka fog tahay. Dagaallo kama kaxayn dalalkoodi dadkaan. labo arrimood oo ay
dalalkoodi ka waayeen, kuwa ay aadeenna ay ka heleen ayaa sabab u ah
safarkooda. Waa xorriyad iyo fursad. Meeshii labadaas arrimood laga helo cid
waliba waa ay kusoo hirataa, meeshii laga waayaana waa laga hijroodaa.

Xorriyaddu waa madaxbannaanida uu shaqsigu u madaxbannaanaado fikirkiisa,
dhaqankiisa, diintiisa iyo doonistiisaba. Dalalkii ugu xorriyadda badnaa
dunida ayaa ugu bulsho badnaa intii aan la soo rogin shuruucda socdaalka iyo
dalkugallada. Yurub markii ay xorriyadda fikirka innaga ina ga la mid ahayd,
dadkeenna qafaal ayaa lagu gayn jiray, maantana barbaarteennu naftooda ayay
halligaan si ay u gaaraan.

Arrinta labaad ee muhiimka ahi waa fursadda, waayo fursaddu waxa ay abuurto
maadada. Maanta ilmaha ku dhasha dhulka saxaraha ka hooseeya fursadda qura ee
uu haystaa waa abbihiis. Waxaa uu baran karaa wixii aabbihiis awoodo, waxaa uu
cuni karaa wixii aabbihiis siiyo, waxaa uu caafimaad heli karaa wixii aabbihii
awoodo. Intaas oo dhanna waxaa la wadaaga wixii aabbihiis dhalay. Fursad loo
siman yahay dhulkaani kama jirto. Hoddannimada iyo saboolnimaduna ma ahan wax
karti iyo dedaal qof ahaaneed ku xiran ee wax uurka hooyo laga la soo boxo.

Labadaas arrimood ayaa dadka madow iyo dunida muslimka ah ba asaaggood ka
reebay. Tusaale ahaan, in aad aamminto ragga iyo dumarku in aysan waxba ku
kala duwanayn marka laga reebo ‘sida ay u kaadjaan’ ayaad noloshaada oo dhan
ku waayi kartaa ama madaxwayne ku waayi kartaa.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...