Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Frasamada Alle

W/Q: Gallad Gurxan
Awood sare 0
12.4k
·

5/12/2019

Frasamada Alle

J irka insaanka ma ahan mid si la yaab leh u samaysan – waa ay jiraan
xubno aynu uga wanaagsanyahay xayawaanka kale – laakiin sidoo kale, waxaa jira
oo badan xubnaha ay xayawaanku inooga wanaagsanyihiin. Tusaale, aragga waa ay
inooga wanaagsanyihiin xayawaanka badankii qaasatan gorgorka, halka qaarna ay
ba awood u leeyihiin in ay mugdiga/gudcurka wax ku arkaan. Xawaaraha iyo
orodka kuma gaarno xayawaanka qaarkii ka tirsan bahdeena naaslayda. Sidaasi si
la mid ah, urinta, maqalka, dareenka iyo iska difaaca cudurada kuma gaarno
qaar kale oo xayawaanka ka mid ahi.

Arintani waxaa lagu sababeeyaa aragtida tadawurka (evolution-ka) oo ay nooluhu
maraan. Noole kasta halka uu ku noolyahay, xirfadaha iyo qaab dhismeedka
jireed ee looga baahanyahay haddii uusan la imaan waa uu dabar go’aa, waxaana
tarma midka la yimid hab jiritaankiisa iyo jirkiisu ku wada shaqayn karaan.

Arinta cajiibka ah, dhabar jabkana ku ah kuwa aaminsan in jirkooda si heer
sare ah loo farsameeyay ayaa waxa ay tahay, qaabka dhalmada ama foosha oo ah
mid muujinaysa farsamo xumo. Rafaadka iyo dhibka fooshu leedahay oo ay
naaslaydu – haba ugu darnaadeen insaanka e – badankood maraan ayaa muujinaysa
in wax badan qaldanyihiin. Sida ay muujisay daraasad ay samaysay Jaamacadda
New Mexico, celcelis ahaan 9 saacadood ayay ku qaadataa insaanka in ay la
gadgadoomaan xanuunka foosha, halka naaslayda kuwa inoogu dhowna, sida bahda
daanyeerka, ay ku qaadato laba saacadood uun. Miskaha insaanka oo yar ayaa
owda in ilmuhu soo maro marinkaas cariiriga ah ayada oo ay hooyooyin badan u
dhintaan xanuunka daran ee foosha halka qaarna ay u baahdaan in gees laga
dooxo lagana soo saaro ilmaha uur ku jirteeda. Xanuunka foosha ayaa lagu
sheegaa xanuunka ugu daran ee uu insaan dhadhamiyo.

Makula tahay in uu Allaah salaadiisa uun iska eeganayo oo uu u caroonayo cidii
ka taktaa, asaga oo iskaga gaabsanaya xanuunka ka dhashay farsamadiisa oo ay
maraan insaanka?

SAWIRRO IS BAR-BAR DHIG AH OO MUUJINAYA AWOODAHA JIDHKA EE XAYWAANKA IYO

DADKA

Is bar-bardhigga orodka dadka iyo ka xayawaanka

Is bar-bardhigga bootada dadka iyo ta xayawaanka

Is bar-bardhigga awoodda culays qaadista dadka iyo ta xayawaanka

Is bar-bardhigga dabbaasha dadka iyo kalluunka

Photos Credit: [Lazy Penguins](https://lazypenguins.com/physical-
abilities-of-humans-compared-to-animals/)

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...