Farshaxanka qoraalka iyo aftahanimada

A nigu waan xurmeeyaa dadka qalin maalka ah ee wixii fikrad, cilmi, caqli
iyo maskaxba ah ee ay hayaan kusoo gudbiya qalinka. Dadka wax qorana isku mid
maaha oo waa kukala duwan yihiin hab qoraalka iyo siday isugu duwayaan
iskuguna aadinayaan waxay qorayaan.
Qalinlaydu waa dad cajiiba! In qalin la qaatana maahan wax sahlan sida la
moodo. In qoraa la noqdaana waxaa ka horeysa in la dhaansan yahay wax badana
la akhriyay. Dadka qalinka ku xaragoodana waa dad hibo uleh.
Dabcan qof kastaa waxbuu qoraa laakiin qof kastaa qoraa ma ahan, oo dadka aan
ka hadlaayo waa qalinlayda ama qoraayaasha.
Hadaba dadka noocaas ah ee qalinka iyo warqadu balwada utahay in badan oo ka
mid ahi kuma soo gudbin karaan fikradaha iyo cilmiga ay qalinka ku qorayaan
afka (Orally), taasoo dhalisay in dadkeenu xiiseeyo hadalka iyo fadhi
kudiriryada ay ku kulmaan inta afmaalka ahi loona cidleeyay qolalka akhriska.
Tusaale, qoraa dhan oo qoraaladiisa markaad akhrinaysid aad la yaabaysid
haybadiisa qoraanimo iyo farshaxanka uu adeegsanaayo ee uu kusoo gudbinaayo
waxa uu dhaansan yahay, ayaa hadana haduu damco inuu dad lahadlo ama hadal
jeedinayo aan la macaansanayn waxa uu kahadlayo!
Sidaas oo kale ayaa dad badan oo aftahanno ahi qoraal ahaan waxba ku gudbin
karin siday hadalkaba ugu raaxaysanayaan. Sababtuna waa inaysan qalinka iyo
qoraalkuba afka lamid ahayn.
Aftahanimudu ama codkarnimadu waa hibo gaara sida qoraanimaduba hibo utahay oo
kale oo dadkoo dhan mawada ahan codkarro sida aysan uahayn qoraayaal, sidoo
kalena way jiraan dad labadaba isku darsaday!
Anaga soomaali ahaan, qoraalka, akhriska iyo naqdiguba aad bay inoo ku
yaryihiin, sidaas darteedna waxaanu nahay umad afka uun wax iskugu gudbisa (
Oral society), tusaale siyaasiyiinteenna oo ah dad hadal badan waa ay ku yar
yihiin dad wax ka qora mudadii ama marxaladihii ay soo mareen intay xafiiska
joogeen ama siyaasadda ku jireen, taas badalkeedna waxay doorbidaan inay
warbaahinta uun ka sheekeeyaan.
Sidaas darteed hadayna usoo noqono isbarbardhigeena mowduuca, qoraa aan codkar
ahayn ayaa ka wanaagsan codkar aan waxba qorin ama qalinka ayaa ka saamayn
badan qowlka. Waana halka gabaygii soomaaliyeed ahaa;
Wixii qoran baa quruumo haree, muxuu hadal qiimo leeyahay!
Hadaba si aan uga baxno ku tiirsanaanta afka ama hadalka uun waa inaynu
buuggaagta la darisnaa oo wax badan akhrinaa si aan uga korno nidaamka fadhi
kudirirka. Waxna qornaa, qalinka iyo buugguna noqdaan habka aan wax iskugu
gudbino.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida