Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Farsamada Alle: Xamaaratadii dheddiga ahayd

W/Q: Gallad Gurxan
Awood sare 1
3.3k
·

9/3/2019

Farsamada Alle: Xamaaratadii dheddiga ahayd

X amaaratadan yar ee uu sawirkeedu hoos ka muuqdo, waxaa loo yaqaan
desert grassland whiptail lizard , waxaana aad looga helaa meelaha lama-
degaanka ah (desert) iyo lama-degaan-lamoodka (semi-desert). Waxa cajiibka ka
ah noolahan yari waa in dhamaantiis yahay dheddig oo keli ah oo aanan lahayn
wax lab ah. Waxa ay u tarmaan hab gooni ah oo loo yaqaano parthenogenesis,
habkani uma baahna in ukunta dheddiga uu bacrimiyo lab, sidaas daraadeedna
labka muhiim uma aha bulshadani.

Parthenogenesis-ka waxa uu u shaqeeyaa qaab dheddigu keligiis samaynayo nuqul
hida-sidahii labka looga baahnaa ah, oo ukunta aysan u baahnayn qeybtii hida-
sidaha labka looga fadhiyay sida dhacda marka la joogo taranka quman (sexual
reproduction). Taranka noocani ah waxa uu sababaa jiil isku wada eg oo
fursadaha kala duwanaanshuhu aad ayay u yaryihiin. Habkani ukunta kaligeed
ayaa u hormaraysa in ay isku badasho noole cusub ayada oo aanan bacrimin ka
helin wax lab ah.

Arrinta kale ee cajiibka ka ah noolahani waa in – maadaama ay kasoo tadawureen
noole kale (evolution), kaas oo si quman u tarmi jiray – ay wali leeyihiin
dhaqankii rabitaanka galmada. Inkasta oo aysan wax faa’iido ah u lahayn
tarankooda, ayaa haddana marka dheddiggu jirkeeda ku bato hormoonka estrogen-
ka (estrogen waa hormoonka maamula dheddignimada qaasatan soo ifbaxa dhammaan
tilmaamaha dheddignimo), waxa ay bilawdaa in ay aqbasho in dhabarka laga fuulo
ayada oo uu ka fuulayo dheddig kale, kaas oo markaasi hormoonka progestrone-ka
(waa hormoon lasoo daayo xilliga uurka kadib ama marka aysan jirin ugxanayn),
ku badanyahay jirkeeda. Labadaas hormoon ayaa marba ka dhiga in dheddig uu u
dhaqmo sidii labkii oo uu dhabarka ka fuulo dheddig kale. Midii dhowaan
cayaaraysay doorka labnimada ayaa saacaddo kadib muujin karta dheddignimo oo
tabi karaysa in ay aqbasho in ayada dhabarka laga fuulo. Markale aan ku
xasuusiyee arintani waa dhaqan uun oo wax faa’iida ah uma laha tarankooda.

Arintani meelo badan ayay ka saamaynasaa diinta oo ay ugu horayso in uu Allaah
abuuray bulsho dhan oo isku jinsi ah oo isdulfuusha halkaasna galmo beenaad ku
samaysa. Waxaa kaloo arintani ay khilaafaysaa aayaddii Qur’aanka ahayd ee
lahayd; (وَمِنْ كُلِّ شَيْءٍ خَلَقْنَا زَوْجَيْنِ – Shay walba waxaan ka
abuurnay laba jinsi)
-Suuraadda Al-daariyaat, aayadda 49-aad.

Ugu dambaynna, waxa ay su’aal galinaysaa in Nabi Nuux uu hal ka mid ah
xamaaratadan qaaday oo uu saaray doontii maadaama, ayada oo aan maskaxda ku
hayno in Nuux lagu amray in uu noole walba labo jinsi oo lab iyo dheddig ah ka
qaado (حَتَّىٰ إِذَا جَاءَ أَمْرُنَا وَفَارَ التَّنُّورُ قُلْنَا احْمِلْ
فِيهَا مِن كُلٍّ زَوْجَيْنِ اثْنَيْنِ وَأَهْلَكَ إِلَّا مَن
) – Suuradda
Huud, aayadda 40-aad
.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...