Fan (Art)

F anku waa luuqadda ay quruxdu ku hadasho. Marba haddii wax loo soo
bandhigayo si farshaxamaysan, masrixiyad leh, laabtu u bogayso, waxaa la galay
caalamkii fanka. Fanka la’aantiis cidina nolosha quruxdeeda ma dareenteen.
Sida ay noloshu u leedahay waji maaddi ah, oo sayniska lagu fahmi karo; iyo
waji “abstract” ah, oo caqliga lagu fahmi karo; ayaa ay u leedahay waji kale
oo qurux ah, oo lagu fahmi karo fanka.
Fanku ma ahan heesaha oo kaliya, sida ay dad badan u maleeyaan. Fanku waa
shaqo kasta oo aadanuhu qabto, oo masrixiyad iyo farshaxan leh. Fanku waa
marka si qurxoon wax loo hormeeyo (harmony). Nolosheenna oo dhan baa wada fan
miiran ah. Meel fog haka raadin, sida aad u labbisato mararka qaarkood waa
fan, marka aad isla-doonanaysid dhar iyo kabo isku soo baxaya, shaqada aad
haysid waa nooc fanka kamid ah.
Marka lagu soo hordhigo saxan cunto ah, oo sharraxan, si habaysan oo aan isku
dhex yaacsanayn geesaha qudaar uga saar-saaran tahay, midabbo kala duwanna
leh, caraf iyo dhadhan darteedna aad cayga daadinayso, cuntadaas sida loo soo
diyaariyay waa si fan ah. Marka aad aragto guri naqshaddiisu qurux badan
tahay, oo soo jiidasho leh, waa nooc kamid ah fanka. Marka aad soo gasho goob
ganacsi, oo alaab kasta oo is-leh, isku meel lagu sharxay, layr midabaysana ka
shidan yahay, oo shaygaa qaaddaba kula noqonayo dahab-dahab, sida loo habeeyay
waa nooc fanka kamid ah.
Haddii aad aragto qof marka uu qoob-ka- ciyaarka dheelayo, aadan ka jeensan
karin, oo aad ku raaxaysanayso daawashadiisa, waa nooc fanka kamid ah. Marka
aad aragto qof sawir gacmeed u sawiraya, si aad is leedahay ma kaamiraa lagu
qaaday, waa nooc fanka kamid ah. Sidaas oo kale qof sawir-qaade ah oo
kaamiradda inta uu “setting”-ka “default”-ga ah iska beddelo, isagu u yeeriya
kaamirada sida ay sawirka u qaadayso, waa nooc fanka kamid ah. Sidaas oo kale
qofka isaga oo aan hadlayn, dadka ka qosliya (mime; wax canjilaya), isaga oo
adeegsanaya wajiga, gacmaha iyo jirka dhaq-dhaqaajintiisa, waa nooc fanka
kamid ah.
Mid isagoo hadlaya dadka u sheekaynaya oo ka qoslinaya, iyaduna waa fan.
Sidaas oo kale qoraaga sheeko-faneed qoraya, ee inta jilayaal male’awaala,
haddana kasoo saaraya sheeko dareenkaaga hantinaysa, waa nooc fanka kamid ah.
Midka dhoobada iyo waxa lamidka ah inta ku falaada, kasoo saaraya magaalo yar
oo miiska hortiisa yaal dul saaran, waa fan. Midka codka halaalsiga ah leh ee
heesaya, waa fan. Sidaas oo kale midka noocyada kala duwan ee muusigga
gacmihiisa ku maamulaya, ee xarakaynaya, waa fan. Midka erayada isku
aaddinaya, ee maansooyinka, gabayada, iyo noocyada kale ee suugaanta curinaya,
ee deelqaafka ka ilaalinaya, ee soo saaraya quruxda luuqadda, waa fan.
Shirkadda soo saaraysa moodeello gawaari ah oo indha daraandar ah, waa fan.
Aflaamta aad daawanayso waa nooc fanka kamid ah. Laacibka banooniga kala dhex
baxaya toddobada ciyaaryahan, ee diiqa u sawiraya, waa fan. Dhammaan
tusaaleyaashaas kore iyo kuwo kale oo badanba, dadka samaynaya waa wada
fannaaniin. Kii sida quruxda badan u labbisanayay waa fannaan, sidaas oo kale
tii cuntada ku fara yaraysanaysay waa fannaanad, kuwa kalana waa la mid.
Aadanahu waa noole fannaan ah. Waa noole baadi goobaya wajiga qurxoon ee
nolosha. Wax kasta marka hore baahi buu u samaystaa, balse hadhaw wuu ku
xarragoodaa. Markii ugu horraysay aadanuhu dharka waxa uu u samaystay, inuu
cawrada ku asturto, balse marki danbe wuu ku xarragooday.
Fanku qaybo kala duwan ayuu leeyahay, sida fanka la jilo (performing arts);
fanka la qoro (literary arts); fanka muuqaal ahaan loo sameeyo (visual arts);
iwm. Balse innagu fanka waxaan u kala saaraynaa labo qaybood oo waawayn: qayb
xarrago ah; iyo qayb madaddaallo ah. Qaybta xarragada ah waxa ay ka muuqataa
nolosheenna oo dhan, dharka, cuntada, gawaarideenna, guryaheenna,
teleefannadeenna, iwm; qaybta madaddaallada ahna waa fanka sida gaarka ah loo
soo bandhigo, ee aan nolosha kale dul saarnayn, waa qaybta xitaa mihnadda
shaqo laga dhigto (entertainment industry).
Murtida kujirta fanka, waxaa ugu wayn soo bandhigidda quruxda iyo qaayaha ku
qarsoon nolosha. Dadkuna waa fannaaniin aan ku qanacsanayn nolol kakan oo
bilaa qurux ah. Waxay baadi goobayaan wajiga quruxda badan ee nolosha. Waxaad
tahay fannaan.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida