Falsafaddii Spinoza

F alsafadda Spinoza waxay ka koobantahay qaybo badan oo muhim ah, waxaanse
ku soo koobi lahaa laba qaybood oo aan isleeyahay waa ugu muhiimsan yihiin,
labadaas qaybood oo kala ah falsafadda diinta iyo tan siyaasadda. labaadaas
qaybood oo si faah-faahsan uu kaga hadlay buuggiisa caanka ah ee Ethics ama
Ethica. Sida ay caanka ku ahaayeen aqoon yahamiintii iftiinka ee qarnigii
17-naaad iyo 18-naad Spinoza wuxuu ka horyimid in uu aamino habka ay diimuhu u
soo bandhigeen fahanka adduunka iyo dabeecadda dunida iyo sida ay diimuhu u
sheegeen jiritaanka Eebbe ama Ilaah.
Wuxuu gabi ahaanba diiday figradaha Baybalka ama buugga muqadaska ah ee
Kiristaanka, kuwaas oo sheegaya in Eebbe adduunka abuuray kadibna uu nabiyo u
soo diray dadka toosiya wuxuu meesha ka saaray in Baybalku yahay buug ilaah
qoray ama ilaah xaggiisa ka yimid, balse uu yahay buug dad qoreen asaga oo ku
gacan sayray mucjisooyinka lagu sheegay buugga Muqdaska. Wuxuu ku dooday in
adduunku waligii jiri doono oo uusan dhammaad lahyn taas oo ah mid sicad ooga
soo hor-jeedda fikradda ku xusan Baybalka. Spinoza wuxuu ku dooday in uusan
jirin ilaah meel jooga oo adduunka dhisay, balse eebe uu yahya dabeecdda
dunida duniduna ay tahay Eebbe figraddaas oo loo yaqaan Pantheism ama wada
jirka dabeecadda iyo Eebbe waa fikrad soo jireen ah oo ka facwayn diimaha
waxaana rumaysnaa giriiggii hore, hayeeshee kaniisadda Kaatooliga ayaa waxay
kala hortimid fikradaas dagaal cad, sababta oo ah in ay tahay fikrad xor ah oo
hadana diiddan tan diimaha marka ay timaado habka dhismeedka adduunku ayada oo
u aqoonsatay gaalnimo fikraddaas. Pantheism -ka.
Sanadadii 1600 ayaa kaniisaddu gubatay Giordano Bruno oo ahaa Aqoonyahan iyo
wadaad ka tirsan kaniisadda asaga oo lagu eedeeyey in uu difaacay fikrada
Pantheism -ka. Inkasta oo uusan sheegan Spinoza in uuyahya Eebbe diid ama
Atheist hadana wuxuu diinta ku tilmaamay mid aan ahayn maangal kana soo
horjeedda cilmiga iyo dareenka iyo xeerarka dabeecadda taas oo ka dhigaysa wax
aan la rumayn karin inkasta oo uu sheegay in uu ilaah jiro hab ka duwan kan
diimaha hadana taasi maysan badalin fikradda ragga diinta ee ahayd in uu
Spinoza yahay qof ka baxay diiinta yahuudda.
Taas oo keentay cadaadiskii kaga yimid bulshada yahuuda iyo dawladda sida inta
badan ku dhici jirtay aqoonyahankii xorta ahaa xilliyadaas noolaa.
Difaaca iimanka iyo fikradda xorta ah waxay ahaayeen walina yihiin kuwo iska
soo horjeeda, waayo iimaanku waa rumayn aan la tijaabin karin marar badanna
aan ahayn maangal halka cilmiga yahay wax ku dhisan caqli-gal iyo iyo tijaabo
aan la shaki galin Karin.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida