Falsafadda siyaasadda ee Spinoza

W ixii ka horreeyay kacaankii faransiiska Yurub iyo adduunka waxaa ka
talin jiray maamulo siyaasi ah oo ku dhisan kaligi-talisnimo, kuwaas oo ahaa
kuwo u dhaxeeya boqorrada iyo diimaha am raga diinta. sidaas darteed aqoon-
yahamiintii iftiinku waxay xil wayn iska saareen in falsafaddu meel u yeesho
arrintaas iyaga oo xoogga saaray maadada falsafadda siyaasiga ah ((political
philosophy). Hadaba Ba-rouch Spinoza wuxuu ka mid haa aqoonyahankii arrintaas
kaalinta wayn ku lahaa, inkasta oo waddanka Dutch ee uu ku dhashay uu ahaa
waddan furfuran oo ay ku soo hiran jireen dadka laga badan yahay diin ahaan
iyo dadka xorta ah xilligaas. Hadana arrinta xukunka iyo diinta isku dhex
jiray waxay ahayd arrin wali taagan oo aan loo helin xal waara.
Spinoza in uu siyaasadda wax kaqoray waxaa u dheerayd in uu siyaasadda ku dhex
jiray oo uu dhaq-dhqaaq siyaasi ah ka mid ahaa sida dhaq-dhaqaaqii jamuhhuriga
ahaa ee uu hogaaminayay siyaasigii caanka ahaa Johnan De Witte kadib markii
uu qoray buuggiisa caanka ah (Theological Political Treatise) hadaba maxay
tahay figradda siyaasiga ee Spinoza?
Spinoza wuxuu ka soo horjeeday xukunka kaligi taliska ah oo ah kan boqoradda
ama diinta wuxuu qabay in la dhiso xukun dastuuri ah oo dimuquraadi ah kaas oo
aan ahayn mid ku sharciyaysan awoodda diinta iyo tan qofka kaligiis ah,
maamulkaas oo ku yimid heshiis dhexmara bulshada ama “Contract Social” ama
heshiis bulsho taas oo ah in dadku ay doortaan dawladda ay rabaan, dawladdaas
oo ku dhisan waajibka iyo xaqa dadku leeyihiin. Wuxuu rumaaysnaa in diinta iyo
siyaasadda la kala saaro balse diinta loo adeegsan karo marka ay timaado
xeerka madaniga. wuxuuse ka soohorjeeday in dadka lagu kala saaro diinta ama
dawladdu u eexato diin gaar ah. waxay lahayd Spinoza in dawladdu xaqdhawrto
dadka laga badan yahay iyo in xoriyadda fikirka diinta iyo siyaasaddu yihiin
arrimo asaas u ah dawladda dimuquradiga ah, inkasto oo uu la kulmay cadaadis
dhinaca diinta ah hadana kama soo horjeedin in diintu kaalin ku lahaato
bulshada iyo dawladda, hayeeshee taasi maahan in dawladdu ahaato diini ama
“theocratic state” taas oo meesha ka saaray dulqaadka in diimuhu wada
nooladaan iyo xoriyadda diinta iyo fikirka.
Mabaadiida kala saaridda diinta iyo siyaasadda iyo sinnaanta muwaadiniinta oo
ku siman waajibka iyo xaqa waa mid dhextaal u ah muuqaalada dawlada casrigaa
“Modern State” inkasta oo figradda falsafadda siyaasiga ah mar walba ay heer
joogtay, hadana qarnigii 17sad waxaa ay ahayd markii uu dhashay dhaq-dhaqaaqii
iftiinka “Enlightenment” kaas oo badalay wax badan oo soo jireen u ahaa
qaaradda yurub sida hab xukunka, fikirka, aqoonta, sinnaanta, xoriyadaha,
anshaxa, diinta iyo suugaanta. Spinoza wuxuu kaalin wayn ku lahaa dhaqdha-
qaaqaas kaas oo markii danbe keenay kacaankii waynaa ee faransiiska kaas oo
sababtiisu ay ahayd in laga taqaluso xukunka kaligii taliska ah iyo kaniisadda
iyo in dadku sinnaadaan, taas oo hirgashay ugu danbayn.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida