Fahan xumada culimada islaamka

W adaaddada islaamku waxyaalaha aysan fahmin waxaa ka mid ah qofku in uu
camalkiisa xukumo ee uusan caqiidadiisa xukumin. Qofku waa uu tukan karaa oo
awooddaas waa uu leeyahay, laakiin isaga oo aan Eebbe jiritaankiisa rumaysnayn
ma uu samayn karo in uu rumeeyo, isaga oo rumaysanna ma uu samayn karo in uu
beeniyo. Caqiidadu waa wax qofka isaga dhasha ee ma aha wax uu qofku kasbado,
taasna diinta islaamku meelo ayey ku sheegtay oo waxa ay ku tilmaantay in
hanuunku uu Eebbe ku xiran yahay, in kasta oo meelo ka sii badan ay ku
sheegtay wax taas khilaafsan oo meelo badan dad lagu caayey waxa ay rumeeyeen
ama beeniyeen, laakiin kolley wadaaddadu waxa ay sheegi doonaan in uusan
Qur’aanku iskhilaafin.
Khaladaadka fakarka wadaadda ku jira waxaa ka mid ah in ay jiraan ama jireen
dad diinta islaamku in ay xaq tahay rumaysan haddana diiddan ama diidey, taas
oo caqliga aad uga fog, waayo qof rumaysan naarta iyo jannadu in uu naar in uu
ku waaro doortaa caqliga ma geli karto. Ujeeddada wadaaddadu waa ay iska
caddahay oo waxa ay rabaan in ay diinta ka dhigaan wax ay xaqnimadiisu
caddahay oo dadka rumeeyey ay xaq cad aammineen, kuwa beeniyeyna ay xaqii oo u
cad iska indhotireen, sidaasna ma aha oo haddii uu xaq sida qorraxda iska
caddi jiro waa la isku waafaqi lahaa sida qorraxda la isugu raacay ee meel uun
bay khiyaamo ka jirtaa.
Fakradaha aan shaqayn karin ee wadaaddada waxaa ka mid ah in diinta islaamka
uu Eebbe wado oo uu isagu faafiyo, waana been iska cad oo taariikhda diinta
iyo maanta oo aynu joognaba waxa aynu ku arkaynaa in ay diinta dad faafinayeen
oo ay ku dadaalayeen in ay faafto, mana aynu dareemayno awood dadka aan ahayn
oo diinta wadda, been iyo khuraafaadna dadku waa ay ku daaleen oo xaq bay u
baahan yihiin. Weliba diinta islaamku waa diin diig badan loo daadiyo oo dadka
lagu khasbo oo uusan qofku ikhyaarkii uu ku galay kaga bixi karin, isla
markaas dadka rumeeyey la laayo oo la dilo midkii aan tukan, midkii sinaysta,
midkii firqada talada haysa ka hor yimaada iwm.
Aragtiyaha gaagaaban ee wadaaddada waxaa ka mid ah in ay diinta iyo aqoonta
casriga ahi iswaafaqsan yihiin, taas oo been cad ah, waayo diintu waxa ay
sheegtay in ay jirto samo dhulka ka sarraysa, dhulkuna meel ka sarraysa ma leh
oo dhinac kasta waxaa ka muuqda hawo buluuq ah oo xilligii diinta samo loo
qayiin, waxa ayna diintu sheegtay in hawadaas baluugga ah ay xiddiguhu ku
sharraxan yihiin, waxyaalahaas oo dhanna waxba ka ma jiraan oo xiddiguhu isku
meel siman ma joogaan. Xagga maamulka iyo siyaasadda diintu aad bay uga
danbaysa hababka casriga ah oo xataa diinta islaamku ma leh hab qeexan oo ay
madaxda islaamku u soo baxaan si ay u noqdaan madax qaab loo raaco leh.
Abuukar oo ugu horreeyey Cumar baa inta gacanta qabtay goob ka sheegay in uu
isagu ammiir yahay, rag markaas meesha joogeyna waa ay ku raaceen ee ma sidaas
ayaa ah si madax loo dooran karo oo ay ku heli karaan kalsooni ummadeed? Midda
kale wadaaddada caddaalad laga ma sugi karo inta ay diin ahaan u rumaysan
yihiin in ay dadku is addoonsan karaan, taas oo carabtii ama ummadihii hore ka
jiri jirtey, maanta se aan suurtaggal ahayn. Diinta islaamku waa taariikh la
soo maray, taariikhda la soo marayna la ma soo celin karo ee waa in waayo
cusub looga guuraa, intaas ayeyna wadaaddadu garan la’ yihiin.
Wadaaddadu waa nimanka sheegay in aan dhulka la ka la xigin oo uu dhammaantiis
Eebbe leeyahay, haddana meel kasta ka wada dagaal ay ku sheegeen in ay gaalo
dhulkooda ka xoraynayaan! Marmar baad is oranaysaa diinta islaamka ma in dadka
la jahawareeriyo ayaa loo allifey.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida