Ex-Muslim Misogynist

DIINTA DABEECADDA IYO DOORKA HAWEENKA
H adaan ku hormaro qeexidda erayga “Misogyny” micno badan ayuu eraygaan
leeyahay laakiin guud ahaan wuxuu u taaganyahay fikradda liididda ama hoos u
dhigista haweenka jinsigooda darteed. Sida uu aaminsan yahay aqoonyahanka
dhinaca cilmiga bulshada ee Allan G. Johnson “Misogyny waa dhaqan ku dhisan
nacaybka dumarka, dumar ahaantooda oo kaliya”.
Marka aan fiirino taariikhda, in haweenka la liido waxay ahayd wax soo jireena
iyadoo hadba heerar soo maraysay. Iyadoo hadba loogu marmarsiiyoonayo doodo ku
salaysan diimo iyo dhaqamo ama hab dhismeedyo bulshooyin kala duwan oo muddo
soo jiray.
Hayeeshee waxaa waayahaan danbe soo banbaxay ama soo muuqday dhalinyaro
Somaliyeed oo ka baxay diinta Islaamka kuwaas oo ku doodaya in dabeecaddu
haweenka u yeeshay ama u doortay kaalin gaara oo ka hoosaysa tan ragga. Taasoo
ah inaan waxba laga qaban karin maadaama dabeecaddu sidaas u doortay. Halka
ragga diintu ay ku doodaan in haweenka ilaahay u dooray inay ragga ka
hooseeyaan. Hadaba aniga malahayga waxay ila tahay in dhalinyadaani ku
qaldameen ama is mood siiyeen fikradda ah “Social Darwinism” ku inay tahay
runta biyo kama dhibcaanka ah.
Hadaba waa maxay “social Darwinism”. Aragtida “Social Darwinism” waxay markii
ugu horraysay maskaxdiisa ka timid aqoonyankii ingiriisiga ahaa “Herbert
Spencer” dhamaadkii qarnigii 19aad markay soo caan baxday aragtidaan. Isagoo
ku dabaqaya aragtii caanka ahayd ee uu lahaa saynisyahankii caanka ahaa
“[Charles Darwin](https://kaashomaanka.com/ibo-furka-iyo-fahanka-guud-ee-
aragtida-horumarka-noolayaasha-evolution/)” oo ahayd “Natural Selection” ama
[doorashada dabeecadda.](https://kaashomaanka.com/asalka-aragtida-horumarka-
noolayaasha-evolution/)
Waxay aragtidaan Social Darwinism ka ah kusalaysan tahay ama ka dhigan tahay
in dadka qayb ahaan naturally ama dabeecaddu u doortay inay ka sarreeyaan kuwa
kale. Waana aragti loogala jeeday in lagu meelmariyo “social in equality” ama
dadku inaysan sinayn si loo meelmariyo sababna loogu helo addoonsiga,
gumaysiga iyo cunsuriayadda. Sidoo kale waxay leedahay arigtidaan sida xoolaha
iyo noolaha kale ama geedaha ay ugu kala adkaysin badan yihiin jirtaanka
nolosha ayey dadkuna ugu kala sareeyaan awood ahaan. Fikradaan waxay
horseedday in dawladihii Yurub oo dib u socodka ahaa “imperialism’ ka.. ay
kusameeyaan shucuubta kale ee ka awooda yar boob iyo gumaysi ama faquuq iyagoo
isu arka inay ka mudan yihiin ama ka sarreeyaan. Waxay kaloo sababtay
fikraddani dhaqdhaqaaqyadii cunsuriga ahaa ee ka dhashay qaaradda yurub
sanadihii 1930-meeyadii sida Fascism iyo Nazism ka oo aad wada garanaysaan
waxay geysteen.
Marka hadda waxaa is weydiin mudan haweenku ma waxay u dhaxeeyaan diinta iyo
dabeecada?!.
Hadaba runtu sidaas maahan, oo dabeecaddu uma doorin haweenka meel gaara
raggana meel gaara ama kaalin gaara. Laakiin ragga in badan oo ka mida ayaa
raba inay u dooraan hawenka kaalimaha ay nolosha ka qaadan lahaayeen. Waxaanse
waydiin lahaa dhalinyarada Ex-Muslim (Muslim hore) ah ee ku dooda in
dabeecaddu dumarka meel u yeeshay maxaad ku diideen in diintuna meel uyeesho.
Hadaba haddii la isu wada geeyo labada aragti waxaa ka muuqata raggii oo marna
ku gabanaya diinta marna dabeeecadda si ay isugu qanciyaan in ay dumarka ka
sarreeyaan. Hayeeshee hadda maahan xilligii haweenku qaadan jireen amarrada
ragga ama ay ragu udoori jireen kaalinta ay ku yeelanayaan nolosha. Waayo
haweenka maanta waan aragnay awooddooda iyo inay leeyihiin awoodda ragu
leeyahay mid lamida ama ka weyn. Tusaale waddamada qaar haweenku waxay ku
jiraan bulshada qaybaheeda kala duwan oo dhan Madaxweyne ilaa macalin.
Sidaa darteed doodda diinta, dabeecadda iyo doorka haweenka ku saabsani waa
mid kala daadsan oo aan la darsin. Waa mid kasoo horjeedda runta aan maalin
walba aragno oo horteenna taal. Marka, hawshu kama weyna nin wuxuu jeclaan
lahaa sheegay, laakiin nasiib darro xaqiiqadu waa ka fogtahay wuxuu jeclaan
lahaa.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida