Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Enerjiga iyo Siyaasadda

W/Q: Garaad Magan
Dhaqaalaha 2
3.0k
·

1/12/2021

Enerjiga iyo Siyaasadda

S iyaasaddu sideeda bannaan waa dano gaar ah oo loogu adeegaayo shacabka
iyo dalka waxaana loo xilsaaray siyaasiyiinta. Siyaasi kasta waxaa khassab ku
ah inuu u hogaansamo xeerarka iyo shuruucda dalka u yaal, hadaba maadaama
Soomaaliya haysan xeerar qoran waxaa adkaatay in dib loo qoro xeerar cusub
kuwaas oo quseeyo Saliidda, Betroolka iyo Gaaska dabiiciga.

Imminka Soomaaliya waxa ay u qeybsan tahay maamul goboleedyo leh Madaxweyne u
gaar ah midkiiba, taas waxa ay dhalisay in Madaxweyne kasta uu isu arko inuu
dal gaar ah maamulo! Waxaa caadi iska ah in dowladaha Khaliijka ay lacago ku
bixiyaan dowlad goboleedyada iyo Federaalkaba si ay u cuuryaamiyaan soo
saarista enerjiga dareera.

Taariikhda markii ay ku beegneyd 11 Febraayo 2020, dowlad goboleedka Puntland
waxa ay soo saartey war-murtiyeed ay ku diideyso sharciga Betroolka ee uu
saxiixay Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ayadoo daliishaneysa qodobo
dastuuri ah. Waxay digniin hawada ugu dirtay shirkadaha caalamiga inaysan soo
saari karin shidaalka bad iyo dhul. Arrintaan waxay dib-u-dhac ku rideysaa
soosaarka shidaalka sababo amni darro iyo kuwa sharci la’aaneed.

Hadaba waa maxay istiraatiijiyadda ay ka leeyihiin Carabta in Soomaaliya aysan
lasoo bixin shidaalka? Waxaan isleeyahay labo qodob ayaa asal u ah: –

  • Haddii ay Soomaaliya la soo baxdo shidaalka waxaa dhalanaayo xifaaltan.
  • Qiimaha shidaalka hoos udhac ayaa ku imaanaya.

Sawiro akhristoow magaalo ay ku nool yihiin dad badan balse leh shan dukaan,
waxaa dhalanaayo inay dukaamadaas ay lacag badan qabtaan macaamiil badan na
helaan maalin kasta. Kawaran hadii ay labaatan dukaan ay ka furan yihiin isla
magaaladaas? Markaan waxaa dhalanaayo tartan iib iyo inay lacag yar qabtaan
macaamiil yar na helaan waana waxa ay carabta iska ilaalinaayan maadaama ay
Soomaaliya ku taalo goob muhiim ah.

MUSTAQBALKA IYO SHIDAALKA

![Air pollution in China is killing 1.6 million people a year, researchers say

Midowga Yurub (EU), Mareynkanka, Hindiya iyo Shiinaha waxa ay sameysteen
istaraatiijiyad ay ku yareynayaan isticmaalka iyo ku tiirsanaanta fossil fuels
2050. Shiinaha iyo Hindiya ayaa kamid ah dowladaha ugu hawo wasakhowga badan
ay fossil fuels-ka dishteen, labaduba waxa ay sameysteen siyaasad ay uga hor
imaanayaan fossil fuels-ka si ay u helaan hawo nadiif ah. Hadaba mar hadii ay
dowladihii waaweynaa aadkana ugu tiirsanaa fossil fuels-ka tafoxeyteen halkee
bay u guurayaan?

RENEWABLE ENERGY

Tammarta dib loo cusboonaysiinkaro ayaa ah mid buuxin doonta booskii shidaalka
dabiiciga ah, waxaa na laga dhalin karaa Cadceedda, Hydrogen power, hawada,
hirarka iwm. Sababaha lagu xulan karo tammartaan waa inaysan dhamaaneyn dhibna
u keeneyn deegaanka.

Gabogabo iyo gunaanad, waxaan u arkay inay arrimahaan yihiin kuwo ka daboolan
bulshadeena. Dunida waa ay ka faai’deysanooyaan shidaalka inta aysan hoos u
dhicin qiimahooda. Bal fiiri doqonnimada dadkeenna haysata, in kabadan 100
bilyan oo foosto/Barrel ayaa ku jirto xeebaha koonfurta Somaaliya ee kulaala
badwaynta Hindiya sida ay ku qiyaaseen labadan shirkadood ee Soma Oil iyo Gas
and Spectrum Geo oo Biritish ah baaritaano ay sameeyeen! Markaas ayaa hunguri
iyo musuqmaasuq laga raadinayaa dalalka carabta. Carabtana si ay ugu koobaan
awoodda shidaalka gacantooda, balaq ayeey u tuuraan siyaasiyiinteenna.

Maanta dalalkii dhoofin jirey shidaalka sida Khaliijka carabta waa ay ka
tashadeen aayaha dambe. Hadaba ma wanaagsan tahay in jiilkaan qadaan macluulna
u dhintaan ayagoo isticmaali kara shidaalka dalkeena ceegaaga? Ma wax
wanaagsanaa inaan dayacno oo ka faa’iidaysan shidaalka, jiilka dambe na aysan
waxba u tarin?

Waxay ila tahay in la gaaray xilligii baraarugga!

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...