Eebbe metaalkiis ma jiro!

W axaa jirta aayaad Qur’aanka kariimka ah ka mid ah oo af cad ku sheegtay
in Eebbe wax metaalkiisa ah ama shabbahaa aysan jirin, isla markaas aayado
kale ayaa sheegay in uu Eebbe caroodo, xaddiisyana waxa ay sheegeen in uu
Eebbe masayro ama hinaaso. Sida aynu og nahay aayadaha iyo axaaddiista la ma
rumeeyo, lagu mana dhaqmo ee waxaa la aamminaa oo lagu camalfalaa
fasiraaddooda oo ah sida ay u fasiraan wadaaddadu, waana meesha ay dad
mufakariin ahi ka sheegeen in aysan sideedaba diini jirin ee ay jirto aragti
diimeed, waayo in uu qofka shacabka ahi aayad ama xaddiis sida uu u arko u
qaato u ma bannaana ee waa in uu sida ay wadaaddadu u fasiraan iyo aragtida
wadaaddada qaataa.
Haddaba wadaaddo ayaa waxa ay fasiraaddooda ku sheegeen in sida uu Eebbe u
caroodo ama u masayraa aysan ahayn sida dadka iyada oo la tixgelinayo aayadda
sheegaysa in aysan jirin wax Eebbe u dhigmaa fasirkeeda. Wadaaddada waxaa la
weydiiyey in sida aynu u caroonno ama u masayrno aynu dareenkeenna ka
barannay, ha yeesho ee loo baahan yahay sida inaga duwan ee uu Eebbe dareemo
marka uu caroodo ama uu masayro, waxa ayna wadaaddadu ku jawaabeen in ay tahay
si aysan dadku fahmi karin oo Eebbe keli ahi uu garanayo. Waxaa isweydiin leh
haddii aysan dadku fahmi karin maxaa loogu sheegay? Sida aynu og nahay ardada
waxaa loo dhigaa cashar ay fahmi karaan, bulshadana waxaa loo jeediyaa khudbad
ay fahmi karaan. Haddaba diinta inta Eebbe ku saabsan haddii aynaan fahmi
karin labo arrimood baynu qaadan karnaa, waana in dhammaan aayadaha iyo
xaddiisyada Eebbe ku saabsan macne darro loo keenay oo uu Eebbe macne la’aan u
hadlo mar haddii aayadihiisa qaarkood loogu talogalay in aysan dadku fahmin
iyo in aan Eebbe wax aqoon ah loo lahayn oo uu yahay wax aynaan garanayn
maaddaama nusuusta ku saabsan aynaan fahmi karin, waxa aanna halkaas ka
marnayn in la caabudo wax aan aqoon loo lahayn.
Haddii aynu isyeelyeelkaas kor ku xusan meel iska dhigno oo aynu iska dhigno
dad fahmi kara hadal la sheegay sida Qur’aanka horta hadal waa margi, waana
sababta nusuusta looga doortay fasirka ama aragtiyaha diiniga ah, laakiin bal
waxa aynu eegaynaa falsafad ahaan sida uu Eebbe u fakaraa in ay tahay sida
dadka iyo in uu leeyahay maqaam gaar ah oo ka baxsan fakarka dadka. Eebbe waxa
uu sheegay in qofkii ka amar diida uu ciqaabayo, qofkii amarkiisa qaatana uu
wanaajinayo, sidaasina fahankeenna waxa ay u la eg yahay sidii aabbeyaasheen
oo ilmihii dhego adag xanuujin jirey, midkii baarri u ahna madaxa u salaaxi
jirey, waxa ayna u sii eg tahay sidii Maxamed Siyaad uu qofkii kacaandiid ah u
ciqaabi jirey, midkii kacaan ahna u darajayn jirey. Sidaas awgeed sida uu
Eebbe abaalmarinta uga fakaraa waa sida dadka, lagu mana andacoon karo in
uusan Eebbe lahayn wax metaalkiis ah oo isaga oo dhan baaba qof aan biyo
ismarin ah marka arrintan laga eego.
Wadaaddada fasirkooda Eebbe lagaga fogaynayo fahanka dadka haddii aynu ku
beddelanno in aynu Eebbe fahanno waxa uu Eebbe sheegay in uu jecel yahay in ay
dadku isu laayaan oo isugu baaba’aan koox isaga taageersan iyo kuwo ka soo hor
jeeda, isaguna uu hoggaaminayo kooxda taageersan oo uu jecel yahay. Taasi waa
aragtidii Hitler oo sideedii ah ama xagga soomaalida waa aragtidii Maxamed
Faarax Caydiid, mana aha murti dadka maskaxdooda ka weyn oo uu keenay ruux aan
dadka la metaal iyo dabeecad ahayn oo ka sarreeyaa. Eebbe haddii uu dadka la
rabo in ay noqdaan kooxo isneceb oo islaaya oo uu isagu garab ka mid ah
hoggaamiyo waxa uu metaal u yahay sarkaal ama dagaal’ooge caadi ah, mana uu
keenin wax aan dhaqan dad ahayn.
Marka la eego sida uu falsafad ahaan Eebbe u fakaro waxa uu tillaabo tillaabo
u metelaa dadka, waxaana la yaab leh in wadaaddada diinta fasiraa aysan inta
Eebbe ku saabsan keli ah ku sheegin wax aan la fahmi karin ee dhammaan diinta
jawaabta ugu danbaysa ay ka dhigaan in aan la fahmayn. Tusaale ahaan
shareecada waxaa fasirradeeda ka mid ah in qof nool gacan ama lug laga gooyo,
waxa ayna wadaaddadu meelaha noocaas ah sheegaan in ay tahay murti rabbaani ah
oo aan caqli lagu fahmi karin, la mana oggola in uu qof ka fakaro sida ay
murti u tahay in qof nool jirkiisa la googooyo.
Waxyaalo aad u badan oo shareecada ah lama macneeyo sababta iyo murtida ku
jirta ee waxaa hadalka lagu dhammeeyaa in aysan dadku fahmi karin, waxaana la
moodaa in duuduub ahaan loo socdo in la sheego in aysan dadku Qur’aanka iyo
xaddiiska fahmi karin. Meelo badan oo shareecada ka mid ah haddii ay labo nas
iskhilaafaan waxa ay wadaaddadu qaataan midka sharta badan, midka fiicanna waa
ay iska tuuraan, oo arrintaas waxa ay ku macneeyaan in uu Eebbe shartaas murti
uga jeedo. Tusaale ahaan xaddiis baa sheegay in markii wax la dilayo iyo
markii wax la biraynayo ama gawracayo si hagaagsan loo sameeyo, xaddiis kalena
waxa uu sheegay in dad dhagax la la dhaco ilaa ay naftu ka baxayso, waxa ayna
wadaaddadu qaateen xaddiiska sharta ah ee sheegay in dhagax lagu garaaco dad
nool, midka in dilka la hagaajiyo ahna waa ay fogeeyeen. Waxaa la moodaa in
shareecada oo asalkeedii ka soo baxday dhul oommane ah oo ay naxariistu ku yar
tahay haddana ay fasirrada wadaaddadu uga sii dareen ilaa ay noqotay cadowga
insaaniyadda.
Ugu danbayn Eebbe wax uu sheegay oo aadan fahmayni in ay jiraan haddii aad
rumaysan tahay waxa aad Eebbe ka dhigtay in uu ciyaar iyo isyeelyeel u hadlo,
haddii aad rabtid in aad Eebbe fahantidna Eebbe dadka ayuu meelo badan
shabbahaa oo ma uu keenin falsafad aan ahayn sida ay dadku u fakaraan oo
weliba waxa aan laga aqoon dadka keligitaliska ah oo aan oggolayn maskaxda
shacabkooda. Dabeecad dad baa inta diinta lagu qaadaadhigay baa haddana waxaa
la sheegay in aysan dadka shabbihin iyo in aan la fahmi karin ee arrintaas
maskax deggan oo aan qufulnayn ha lagu eego! Waxa ay u badan tahay muranka i
na dhex yaal dad ahaan in aynu innagu samaysannay ee aysan jirin murti sare oo
meel inaga baxsan laga soo tebiyey. Waxyaalaha la hubo waxaa ka mid ah dadku
in ay noolaha dhulka jooga ugu nasiib daran yihiin.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida