Eebbe iyo aadanuhu ma u baahan yihiin qof u kala war qaada?

S ida aan arkaynay muddooyinkaan dambe wadaadada soomaalidu waxay ahayeen
kuwo howshaa qabanaya, waxaad arkaysaa wadaad soo fariisanaya shaashadaha wax
laga daawado kuna baaqaya in eebbe dartiis wax loola baxo, aadanahana eebbe u
weydiinaya dembi dhaaf, caamada oo haween u badanina ay leeyihiin “Sheekhoow
ilaahay ii weydii ” waa adigaa iga xigee igala hadal oo waxaas ii weydii
waxaa kaaga caddaanaysa in aysan iyagu waxba toos u weydiisan karin Eebbe ee
uu yahay wadaadku midka leejada ku qaata sii daynta ducada qofka, hab isbaaro
aan ku arki jirnay Xoghayaasha siyaasiyiinta horjoogayaasha dunida islaamka
ayay ahayd haatanna waa mid eebbe qol loogu xirtay oo midkii la doono loo
baryo midkaan wax haysana loo diido.
Dhanka kale haddii eebbe aadanuhu u simanyihiin maxaa idinka wakiil dadka
idinkaga dhigay, oraahdaan waxay kaga jawaaban xadiis oranaya “Mid kastaa waa
raaci, raaci kastaana wuxuu masuul ka yahay wuxuu raacay” sheekooyin horre oo
jaahiligii ahna waa laga helayaa naskaan, wuxuuse si cad ula hadlayaa xoola
dhaqatada ee mahan mid la hadlaya dadka, haatan waxay ku fasiraan inay
Raaci/ilaaliyaal diinta ka yihiin, hadaba eebbe wacadkiisii meeyay ahaa in uu
ilaalinayo diinta, wacad aan awood lahayni wacad mahan waa habkay u
dhigayaane, wakiilada alle/Dabqaadyada waxay u sii muuqdaan kuwo ku siqaya
wadadii ay qaadeen dhiggooda masiixiyiintu oo alle yarayaal noqday, waana hab
ganacsi caamada lagu calool buuxsado, kuwanise waxay dhiggood ku dhaafeen
dilka, dullaynta iyo yasmada aadanaha diidan fikirkooda, dhowaan aan aragno
wadaad leh alla dembi dhaafkiisu aniguu gaar ii yahay!
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida