Dumarka in lagu ceebeeyo dhillaynimo (Slut shaming)

Tan waxaa lagu magacaabaa Slut-shaming (dumarka lagu ceebeeyo dhilaynimo).
Slut-shaming ama dhillonimo-ku-ceebayn waa markaad ku weerarto gabdhaha hab-
dhaqankooda galmada – ha ahaato mid xiriir galmo ku jirta (sexually active)
ama mid kale, si kastoo ay u yar tahay ficilka ay samaysay, waxaa loo tarjumi
karaa laguna dhalleeceyn karaa “galmo xad dhaaf ah” (dhillonimo) – waana arrin
ay bulshooyinku muddo dheer ka aaminsanaayeen haweenka.
HADABA MAXAA SABABAY ARRINKAN? UGUNA DHACDAA HAWEENKA KALIYA?
Taariikhda oo dhan ficillada haweenka iyo xorriyadda galmada waxaa jaangooyay
ragga iyo kooxaha diinta ee isku daya inay xukumaan jirka haweenka, iyagoo
xaddidaya waxkasta oo dumarku xaq u leeyihiin hadday noqoto doorashooyinka
khuseeya dumarka sida ka hortagga uurka, ilmo iska soo rididda iyo xoriyadda
galmada.
Sidoo kale markay raggu ku ceebeyaan dumarka dhillaynimo waxay sii xoojinayaan
farriinta iyo aaminsanaanta ah in jirka haweenka iyo xorriyadda galmadu ay
tahay mid ay xukumaan raggu.
Waqtigan la joogo maaddaama adduunka qaybo badan oo kamida ay dumarku heleen
xuquuqaha siyaasadeed, xorriyadda ay u leeyihiin in ay muujiyaan quruxda
jidhkooda ama rabitaankooda ku aaddan jinsiga kale oo ay jebiyaan qawaaniintii
duugga ahaa ee xaddidaysay hab-dhaqanka laga fisho dheddigga (feminine
behaviour) ee horay loogu soo rogay ayaa sidoo kale waxaa kordhay ceebaynta
dumarka ka tallaabsada xeerarkaas aa qornayn.
Inkastoo kacdoonaddii dumarka ee sinnaan raadiska ahaa ay horumariyeen nolosha
dumarka, soona kordhiyeen fikradaha jinsi-yaqaanka ee ku saabsan hababka ay
haweenku u dhaqmayaan iyo xulashooyinkooda galmada balse nasiib-darro
dhaqamadaas fooshaxun ee hore wali ma cidhib gui’in. Tanina waa sababta in
dumarka dhillaynimo lagu ceebeyo ay wali baahsan tahay. Sababta oo ah markii
gabadha loogu yeedho dhilo waxaa loo dirayaa farriin aad u cod dheer: laguma
qiimeeyo gabadha caqligeeda ama shakhsiyaddeeda balse qiimaheeda kaliya ayaa
ku jira jirkeeda iyo galmadeeda.
Slut-shaming waxay abuurtaa jahwareer maxaa yeelay waxay isku mar tooshka ku
ifinaysaa qiimaha galmada dumarka halka ay sidoo kale dirayso farriinta ah in
jirka dumarka iyo muujinta galmadu ay tahay wax laga xishoodo. Laga soo
bilaabo marka gabadhu da’ yar tahay waxaa la baraa inay soo bandhigaan hab-
dhaqanka wanaagsan ee laga fisho ‘dheddigga’, si ay u noqdaan ‘marwo’, ‘edeb
iyo qurux’ leh. Waxaan barnaa in qiimahoodu ku salaysan yahay muuqaalkooda iyo
heerkooda soo jiidashada ragga galmo ahaan. Laakiin markii ay gabdhahani
koraan ee ay gaadhaan da’da ay rabaan muujinta quruxdooda iyo sahaminta
galmada, waxay la kulmaan dhalleeceyn ka timaadda hareerahooda, ragga,
warbaahinta, dhaqanka iyo diinta iwm taas oo si taban u saameysa noloshooda
qaybna ka ah falalka isku dayga xakamaynta dumarka si guud iyo xorriyaddooda
galmo si gaara.
MARKAA… SIDEEN U JOOJIN KARNAA SLUT-SHAMING KA?
waxay u baahan tahay isbeddelo waaweyn oo xagga dhaqanka iyo qiimaha haweenka
ee bulshada dhexdeeda. Marka la rabo in wax laga badalo fikrado soo jireen ah
iyo qaab fikirka xun ee bulshadda waxay noqon kartaa mid adag gaar ahaan marka
aragtiyadhaas iyo fikirradaasi yihiin kuwo lala qabsaday oo caadi u muuqda.
Laakiin waxaa jira ficilo muhiim ah oo aad qaadi karto si aad u beddesho
fikradahan oo aad u hormariso dhaqanka si loo helo bulsho haweenku ku dhex
ixtiraaman yihiin oo loola dhaqmo si sinnaan ku jirto.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida