Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Dooro qoor qabad biyo kuma cabto

W/Q: Gallad Gurxan
Diimaha 0
4.6k
·

7/13/2019

Dooro qoor qabad biyo kuma cabto

R umayntu ama aaminaaddu ma ahan wax la doorto ee waa qanaaco aad ku
qanacdo arin, waana wax ka yimaada maskaxda iyo dareenka hoose ee qofeed, kuna
dhisan sababayn iyo ku sugnaansho.

Haddaba haddii ay lunto aaminaadda uu qof aaminsanyahay dhab ahaanshada diinta
Islaamka oo ay u cuntami waydo, diintu waxa ay qabtaa in qofkaasi ay tahay in
loo bandhigo in uu ku laabto diinta, oo uu ka laabto gaalnimada, haddiise uu
ka laaban waayo, ay tahay markaasi in la qaarajiyo oo qoorta laga gooyo.
Amarka qaarajinta ama qoor-goynta qofka ka laabta diinta Islaamka, walow uusan
ku qornayn Qur’aanka oo uu ku qoranyahay uun axaadiista, waxaa la sheegaa in
uu yahay amar ka yimid xagga Allaah, kuna dhisan xikmad, xeelad, iyo ogaal
badnida Allaah.

Marka qofkii loo bandhigo laba khayaar ee uu haysto, asaga oo ay wali ka
daadagi la’ dahay diintii, ayuu qofku afka ka sheegan karaa in uu ku laabtay
islaamka, si uu naftiisa u badbaadsado, halkaasna waxaa ka dhalanaysa
munaafaqnimo oo ayaduna ah nooc kale oo gaalnimadaba ka daran. Ujeedku waxa uu
ahaa in gaalnimo la daweeyo, balse waxaa la abuuray munaafaq cusub?

Labada ikhtiyaar ee uu Allaah insaanka iskugu dhiibay; ‘diinta ku laabo ama
dil kasbo’ ma ahan labaduba kuwo ka badbaadinaya qofka naar, balse waa kuwo
dhinacna ka caburinaya xoriyadda fakarka, dhanka kalena ka abuuraya bulsho
dusha islaam ka ah, balse qalbiga gaalo ka ah.

Markii xor la yahay ayuu qofku soo bandhigi karaa waxa ka dhex guuxaya
dareenkiisa hoose ee qofeed, markaas ayaana la dawayn karaa arimo badan ayada
oo aanan qofna lagu riixin in uu laba-wajiileeyo. Soomaali horaa tiri:-
“Dooro/digaagad qoorqabad biyo kuma cabto”.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...