Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Doorka Mucaaradka ee musuuliyada Bulshada.

W/Q: INA DA'UD
Siyaasadda 0
4.9k
ยท

4/18/2022

Doorka Mucaaradka ee musuuliyada Bulshada.

Qormadaada Mucaaradka iyo doorka dhismaha dowlada

Dad badan xog ogaal uma ahan doorka ay mucaaradku ku leeyihiin dhismaha dowlad
dhiska iyo masuuliyada guud ee bulshada , waxaa sanadihii u danbeeyay isa soo
taraayay faham xumada laga heysto shakhsiyaadka mucaaradka ah , kuwaaso
badankood dadku u aqoonsadan qaran dumis , iyo kuwa qabiil riixaayo amaba ay
dano dowlado shisheeye wadaan , waa sababta igu dhalisay inaan maqaalkan qoro
oo aan dhalinyarada iyo kuwa fahamka khaldan laga siiyay mucaaradka inay ka
helaan ugu yaraan xog iyo bidhaamis yar.

Waxaan qoraalkaan  ku lafa gurayna qodobadan hoose.  

1_Waa maxay mucaarad?
2: Qeybaha Mucaaradka?
3:Sidee looga faa'ideysan kara mucaaradka?
4:Faham iyo dardaaran guud.

Waa maxay Mucaarad?

Qeexitaanka ugu horeeyo aan ka qaadano qaamuus erey bixineedka afka qalaad ee
English oo ay leedahay jaamacada Oxford"ficilka diidmada adag ee qof/wax, gaar
ahaan iyada oo ujeedadu tahay in laga hortago in ay wax dhacaan"

Bal aan soo qaadano qeexitaanka afka labaad ee caalamka oo ah afka carabiga
"Erayga "mucaarad" siyaasadda marka loo isticmaalo adeegsigeeda guud waxa
loola jeedaa in koox kasta ama koox kasta oo shakhsiyaad ahi ay ku khilaafaan
dawladda - badanaaba si joogto ah iyo muddo dheer - inkastoo ereyga uu qeexi
karo mucaaradka arrimaha ku jira qaabka hal qayb. Sharci ama soo jeedin
siyaasadeed, gaar ahaan dhinacyada baarlamaanka ee khilaafsan xukuumadda ee
doonaya inay beddelaan[1]"
Wikipedia.
Waxaan aruuriyay oo aan su'aalo weydiiyay saxibo igu xeeran oo isugu jiro
ardey jaamacadeed , u dhaqdhaqaayal bulsho, dareeseeya culumta maamulka
dowladaha , adeega bulsho , aan ku bilaabo aragtida koowaad .
Waxaan weydiiyay saxibkey omar oo daraaseeya maaulka dowladaha maxaad u
taqaana mucaarad "qof kaso horjeeda qorshahaaga iyo ficiladaada" Omar khazim.
Waxaan kaloo weydiiyay su'aasha ustad Abdisalaan oo ah dhiirigaliye' "waa qof
kasoo horjeeda fikirkaaga siyaasadeed", bal aan barbardhige fakarka ustaad
kasim oo ah tababare iyo daraaseeya culuumta maamulka "waa qof kasoo horjeeda
waxa ay bulsho isku raacdey", waxaan barbardhiga fakarka ka duwan gudoomiye ku
xigeenka jaamacada Qudus mudane hussein mohamed Ismail" waa qof ah isbadal
doon bulsho ah" oo xaqiiqdi ah fakar ka duwan kuwi hore bal aan kuso afmeero
qeexitaanka Aisha Abdi Aseyr oo ah u dhaqdhaqaaqe bulsho " mucaarad waa qof
xun oo aanan ka talin danta dalka iyo dadka"
Waxaan kuso afmeeraya qeexitaankeyga"Mucaaradku waxa uu door muhiim ah ku
leeyahay bulshada waa codka iyo indhaha bulshada kaaso farta ku fiiqa halka
wax ka khaldanyihiin , misana soo raaciya xalalkii looga bixi laha dhibta".

Qeybaha mucaaradka.
Aragtidaan dad badan ma qabaan inay qeybiyaan mucaaradka sababta ugu weyn
waxa ay tahay inaysan mucaaradka u arkin dad wax toosiya misana tilmaama halka
ay bahashu ka qadhunsantahay.

Mucaarad wanaagsan : Waa koox/qof mucaarada aragti amaba qorshe
dowladed,shakhsiyadeed, kagana horyimaada in qorshahaas uu dhib badan ku jiro
, amaba uu odorsay dhibta fog ee ka imaan karta , aanan oga hor imaan
fakarkaas dano shakhsi ah, amaba xambaarsanaanta qorshe ama ajande shisheeye ,
adeegsanaya wado sharci ah marka uu ka hor imaanaya , kaaso loogu yeeri karo
mucaarad wanaagsan.

Mucaarad Danayste ah: waa qof/koox mucaarada amaba ka horyimaada
qorshe/Agenda/ howl , ay dad/dowlad/ururo/shirkado wadaan , ugana horyimaada
dano gaar ah , Tusaale inuu waayay xukun amaba kursi uu rabay, amaba uu uga
hor imaanaayo raadinta caanimo , lacag , iyo daneen gooni ah , ama dano
shisheeye , oo dowlado kale kuso xambaareen , adeegsanaya marka uu ka hor
imaanayo wado sharci ah , sida qodob dastuuri ah , iwm, waa mucarad xariiftama
, amaba Boorsada kis ku raadsada.

Mucaarad Xun: waa koox mucaarada qorshe sidii kuwii hore oo kale balse uga
duwan danaha iyo wadada ay u marayaan mucaaradnimadooda , dantooda waxa ay
noqon karta inay rabaan xukun, oo kali ah kuwaas oo doonaya inay awood u
sheegtaan xukunka markaas jira , sida afgambi iwm , waxay u marayaan kooxdaan
wado dagaal ah iyo jabhadnimo taaso dantooda kaliyah ay tahay inay awood ku
maamulaan dal amaba deegaan.

Sidee looga Faideysan kara Mucaaradka?

Waxaan kusoo koobaya qodobo muhiim aan u arkay balse intaan qodobada gelin
waxaan raba inaan akhriste ku fahamsiiyo mucaaradka kooxda aan ka
faa'ideysanayo anigoo ku dabaqaya qeybihii aan u sameeyay mucaaradka , waxaa
mudan in laga faa'ideysto kooxaha hore ee adeegsada sifada/wadada sharciga
dastuuriga ah , kuwaaso xitaa danahoda gaarka loo fuliyo si looga badbaado
arimo xasaasi ah , balse qolada jabhada ah waxa kaliyah ee doonayaan waa
kursiga maamulka jooga , qoloda talada heysa waxa kaliyah ee u furan waa inay
dagaalamaan sida xukumada federaalka soomliya ay ula dagaalaman Al shabaab ,
amaba inay xukunka uga tagaan sida afgambiyada oo kale.

Mucaaradka waxaa looga faaideysan kara.

1:Dhagaysi: in madaxda iyo maamulka markaas talada haya ey dhagaystaan misana
qortaan cabashada iyo tabashooyinka indheergaradkaas xukun doonka ah , ee arka
dhaliisha iyo gunta hoose ee khaladaada ku gadaaman xukuumada.
2:U muujinta sharaf: Hogaanka dalka talada ka haya maaha inuu ku tagri fala
awooda iyo xukunka uu haayo , taaso abuuri karta in beri adiguna aysan ku
tixgalin doonin , ileen waxaan wada ognahay xilku waa wareegto , oo maaha
hanaanka xuriyada mid dhigaya iskajoogis.
3:Wadatashi iyo La sheekeysi: madaxda soomalida waxa ku yar in markii dalku uu
dowlad kale xariirka u jarayo amaba uu khilaaf dhex yimaado in la isku keeno
dhamman dadkii dowladan laso shaqeeyay iyo kuwa doonaya inay la shaqeeyaan oo
aan ula jeedo in la isugu keeno Villa Somaliya dhamman madaxdii hore kuwa nool
iyo kuwa doonaya hogaanka dalka inay qabtaan in laga wadatashado talaadaba la
qaadi doono.
La sheekeysiga iyo la shaaha madaxdi hore waxa ay hogaamiyaha talada haya ka
dhigta mid ah dun xariiro , misana aad u jilicsan oo aanan laheyb qabka iyo
quursiga lagu yaqaano kaligii taliska.

Faham guud iyo dardaaran.

Akhriste yeysan ku qaadin duufaanta lagu wajaho siyaasada kuwaaso kala yeesha
laba dhinac xil doon iyo xil jeceyl , oo aad ahaata mar walba mid dagan oo
aanan go,anada ku qaadan caadifad aad u heyso siyaasiga aad la dhacday
aragtidiisa.

Mucaaradku maaha qabiiliste iyo qaran dumis.
Muxaafadkuna maaha qaran dhise iyo daacad.

Dhammad.

W/Q: Mohamed Da'ud Cabqari.

Facebook: Mohamed Da'ud Cabqari.
WhatsApp: +2520619606411.
N.daauud14@Gmail.com.

...

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...