Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Doodda qadarka: laba aan is qaban!

W/Q: Qoraa Dahsoon
Diimaha 0
11.6k
·

9/3/2020

Doodda qadarka: laba aan is qaban!

D oodda qadarku waa arrin aad iyo aad u culus. Waa falsafad adag iyo dood
xoogan. Qadarku waa mid isfahanwaa iyo kala dheeraansho ka dhex abuuray;
faylasuufyada iyo wadaadada diimaha idilkood. Waa mid ay laba xagal oo kala
fog kala taagan yihiin dadka aaminsan iyo ku diidani. Waa laba koox oo mid waa
kuwa diidane, ay yihiin dad bilaa diimo ah, halka kuwa kale ay yihiin dad diin
rumaysan, ta ay doontaba ha ahaatee.

Qadarku qolo ayuu wuxuu uyahay dhufays ay Alle ku difaacaan, una sawiraan inuu
yahay maamulaha kownka iyo wixii ku jiraba, halka kuwa kalena u tahay marin ay
usoo dhex qaadaan inay waxba-yahey ka dhigaan eebbe oo calalada inta uga
siibaan bannaanka ku tuuraan! Waa laba kala war la’ runtii. Isuma dhawa ismana
ogola!

Haddaan warka balaariyo waxaa weeye in qolo aaminsan tahay in wax walba oo
dhacay, dhacaya, dhici doona, ciddii doonta iyo meeshii la doonaba haka
dhacaane; la qaddarey oo horey loo qorsheeyay, Allena uu yahay midka ay wax
walba jidwalkiisa ay ku socdaan. Wax walba inta uusan aduunka samayn ayuu meel
dhigtay ayay ku garnaqsanayaan. Lowxul maxfuut ayay ku doodaan Muslinku inuu
yahay jadwalka alle!

Shay walba wuxuu leeyahay wax ku lamman ama lid ku ah oo kasoo horjeeda.
Haddii ay saas tahay dooddaas waxaa jirta mid lidkeeda ah oo dab iyo baasiin
ay isku yihiin. Waa akhyaar ay ucuntami weyday in aduunkuba yahay filin horey
loo jilay se, innaga uun nagu cusub oo moodayna inuu hadda billow yahay. Waxay
qabaan in wax walba oo dhacay, dhici doona ama horey udhacay ay jirto sabab
keentay saamaytaas (cause and effect law). Haddii sababtu isbedeshana ay
natiijadu isbedelayso. Sidaas daraadeed qof walba waa xor masuul ka ah wuxuu
samaynayo.

Haddii la dhaho qaddar wax la yiraahdaayi ma jiraan, waxaa ka dhalanaysa in
Ebbe uu yahay magac uyaal (nominal) aan haba yaraatee wax awood ah lahayn.
Eebbe bilaa qorshe ah. Eebbe aan wax fikrad ah ka haysan waxa koonka ka
dhacaya ee nooluhu samaynayaan. Eebbe aan ogayn waxa dhici doono oo jaahil ka
ah. Eebbe aan awoodin inuu haba yaraatee samayn karo ka hortag. Qaddarkuna
wuxuu hooyo u yahay sifaad badan oo Eebbe leeyahay oo haddii asagu meesha
kabaxo ayaguna aan ka harayn. Waxaana ku sidkan sida; qaadir, caliim, xakiim
iyo IWM.

Haddiise la dhaho waar qaddarku waa jiraa oo wax walba waa la qaddarey, waxaa
muhiim iyo lagama maarmaan noqonaysa in dhowr weydiimood warcelin ku filan loo
helo. Waana meesha xalku ku jiro saan isleeyahay.

Haddii Alle wax walba horey u qaddarey, sidee u dhici kartaa in qofku xor u
ahaado waxa uu samaynayo? Tusaale; waxaa la yiri qofku inuu janno galo ama
naar ku arooro, waxaa la qorey markuu caloosha ku jiray. Markaa hadiiba wixii
laguu qorey sina aadan ku dhaafeyn, wax walba oo aad samaysid, sidee masuul
uga noqon karaa ficiladayda illeen jid la ii jeexay unbaan maraye? Mase
suurtagal baa inaan qadarka khilaafo oo dookhayga ka ciyaaro?

Si kale aan u dhigo oo tusaale aan diimaysnayn ku siiyo. Hadda adiga
akhristaha ahi, haddii aan qaddarka u raacno, malihid wax doorasho ah ama
xorriyada aad ku akhrinaysid qoraalkaan. Waayo horey ayaa loo qadderey oo wax
walba oo aad ku dhaqaaqaysid waa lasii qorsheeyay. Aan kuu sii bulaaliyo e,
haddii aad daalacashada qoraalka joojisid waa qaddar! Hadii aad istaagto waa
qaddar. Ku dar oo hadii aad qososhid waa isla halkii uun oo Alle ayaa
qorsheeyay dhoolacadayntaada!

Marba haddii wax walba la qoray oo qoraal ku socdaan, ma jirto wax masuul aan
ka nahay haba yaraatee. Ma jirto wax xorriyad ah oo aan innagu leenahay. Haa
waxaynu nahay sida robot oo kale. Kaliya waxaan ku dhaqaaqaynaa wixii nalagu
hago uun. Hagaha remote-ka haya unbaa masuul ah, xorna u ah waxa uu samaynayo
inaguna malihin wax awood ah oo aan ku khilaafo karno. Shay ayaynu nahay.

Hadiise la yiraahdo wax la qadderey ma jiraane, waxaa jirta sabab iyo saamayn.
Waxaa dhab noqonaysa in aynu nahay noole waxa uu samaynayo masuul ka ah. Xor u
ah waxa uu qabanayo. Sidaas oo kalena taaganta wax laga bedeli karo. Timaadana
la sii qorsheyn karo. Dadkuna iyagu yeelanayaan sifaadka; qaadir, calliim iyo
xakiim.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...