Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Doodda dumarka iyo falsafadda

W/Q: Dheeman Luul
Falsafad 0
3.8k
·

4/6/2020

Doodda dumarka iyo falsafadda

I nkastoo ragga dumaka liidaa ay ku doodaan in dumarku aysan wax kaalina
kulahayn horumarkii laga gaaray cilmiga iyo ilbax-nimada, hadana taariikhdu
waxay noo sheegaysaa wax ka duwan sheegashadaas. Waxaa ay taariikhdu
caddaynaysaa inay jiraan dumar badan oo kaalin muhiima kulahaa taariikhda,
cilmiga, falsafadda, farshaxanka, suugaanta iyo siyaasadda. Hadaba waxaan
jeclaan laa inaan muujiyo tusaalooyin ku saabsan Haweenka noocaas ah. Anigoo
fiirinaya ama eegaya xilliyadii kala duwanaa ee ay haweenkaasu noolaayeen.
Taasoo caddayn u noqon karta in xilli kasta meel kasta iyo bulsho kastaa ay
haweenku marna ka reebbaneyn horumarradii iyo dadaaladii loogu jiray ilbax-
nimada. Tusaalayaasha noocaaas ahina way badan yihiin.

Sidaa darteed maqaalkaan iyo maqaaladeyda danbe ee soo socda waxaan ku soo
koobi doonaa magacyadii, meelihii, xiliyadii ay noolaayeen, iyo fikradihii ay
soo gudbiyeen haweenkaasi. Kuwaas oo ka mid noqday dhaxalka iyo horumarka
maanta dunida ka jira.

Marka tusaalaha koobaad waxaan usoo qaadan lahaa, Hypatia, (351-415) waxayku
dhalatay kuna dhimatay magaalada Alexanderia wadanka Egypt ama Masar oo
markaas ka tirsanaa boqotooyadii Roman ka bari. Hypatia waxay ahayd
Philosopher ama falsafadyahanad Sidookale waxay caan ku ahayd Mathematics ka
ama xisaabta iyo cilmiga xidigaha Astronomy. Taariikh yahamiinta cilmigu waxay
sheegeen inay ka mid ahayd xisaab yahamiintii waa weeynayd ee aduunka soo
maray. Waxay ahayd macalimad dadka barta falsafada gaar ahaana raga, waxay
macalin u ahayd rag badan oo ka baran jiray falsafada iyo aqoonta kalee
cilmigaa.

Hypatia

Hypatia inkastoo aysan ahayn Christian hadana waxay isku si wax ubari jirtay
xilligaas dad Christian ah iyo dad Pagan ah oo aan aaminsanayn diinta
Christian ka. Waxay ahayd aqoonyahanad hadana dulqaad u leh kala duwanaanshaha
diimaha iyo dadka. Ardadii wax kabartay ama ka aflaxay waxaa ka mid ahaa
wadaadkii caanka ahaa ee Giriigga ahaa “Synesius”. Hayeeshee Hypatia waxaa
dilay masiixiyiintii ay xaq- dhowri jirtay ixtiraamina jirtay. Dilka Hypatia
wuxuu dhaliyey argagax ka dhashay boqortooyadii Romanka. Taasoo keentay inuu
ka dhasho iskudhac udhexeeya Masiixiyiintii iyo Romankii.

Intii lagu guda jiray xiligii iftiinka “The age of Enlightenment” qarnigii
17aad ilaa 19aad waxay Hypatia summad ama muuqaal iftiin unoqotay dhaq-
dhaqqayadii kasoo horjeeday kaniisadaha Catholic-ga. Sidoo kale qarnigii 19aad
Hypatia waxay saamayn kaga tagtay sugaanta Europe gaar ahaan aqoonyahankii
“Charles Kingsley”, isagoo qoray buug uu ugu magac daray “Hypatia, or New Foes
with an Old Face”. Qarnigii 20aad intii lagu guda jiray Hypatia waxay muraayad
u noqotay dhaq-dhaqaaqyadii udoodi jiray xuquuqda haweenka iyo kor
uqaadistooda.

Ugu danbayn, Hypatia waxay kaga tagtay taariikhda, fikirka, cilmiga,
falsafadda, suugaanta iyo siyaasada saamayn wayn oo ilaa iyo maanta ah tusaale
nool ah. Sidaas darteed waxaan oran karnaa dooda ah dumarku kaalin kuma lahayn
cilmiga iyo horumarka inay tahay mid ka fog runta oo is burinaysa iyadoo aan
tusaale ka dhigan karno qoraalkaan iyo kuwo kaloo badan aan soo qori doono.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...