Dilaaga carruurta - Hutchinson Gifford Progeria

Qalad ku yimaada hal hidda-side, LMNA, ayaa horseeda isbadal aanan caadi ahayn
oo ku yimaada barootiinka lamin A, kaas oo waxyeeleeya dahaarka bu’da unugga
kolkaasna sababa in unuggu si deg deg ah u dhinto asaga oo aanan qaangaarin.
Intaas oo kali ah kuma eka e, cilladani waxa ay si tartiib ah oo xanuun badan
u dishaa ilmaha ayada oo ku keenaysa gabow deg deg ah oo xawaare sare ku
socda. Cilladani waxaa markii u horeysay ogaaday Jonathan Hutchinson, sanadkii
1886, asaga ayaana loogu magac daray.
Goorta uu ilmuhu gaaro da’da 8aad, waxa uu la daalaa dhacaa dhammaan cudurada
lafa xanuunka, wadna xanuunka, ilkaha iyo timaha oo ka daata iyo dhammaan
dhibaatooyinka la xiriira gabowga. Ilmaha ku dhasha cilladani ma dhaafo da’da
qaangaarka (baaluqa). Cilladani waa mid loo dhinto 100% oo aanan laga kicin,
wax daawo ahna loo hayn.
Cillad noocani oo kale ah ee u gaarka ah dhallaanka waa mid laba hab uun loo
macnayn karo oo kala; kow, in uu Allaah si ku talagal ah ugu diyaariyay
caruurta qaarkood in ay xanuunkaan maraan oo ay da’ hore ku dhintaan ayaga oo
imaanshahooda dunida aysan wax macna ah lahayn, sidaas daraadeedna xanuunkan
iyo hoogaan yahay qorshe Alle. Labo, in Allaah uusan wax shaqo iyo shuqul ah
ku lahayn arintan iyo waxa ka dhacaya hidda-sideyaasha dhexdooda sida uusan
shuqul iyo shaqo toona ugu lahayn in biyuhu u dareeraan dhanka godan ee
dhulka. Mida dambe ayaa ah middii ay qabeen falaasifo badan sida Ibnu Siinaa,
Ibnu Rushdi iyo Faaraabi kolkii ay lahaayeen; “Allaah garan maayo
molikiyuullada”
Sawirka sare waa ilmo la il-daran xanuunka Hutchinson. Inkastoo uu u muuqdo
waayeel, haddana waa ilmo ku jira da’da 10 jirka.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida