Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Diintu waa xakamaha bulshada

W/Q: Saacid Kaahiye
Diimaha 2
15.1k
·

12/10/2020

Diintu waa xakamaha bulshada

F aylasuufkii siyaasada, Marchiavelli, ayaa waxa laga haayaa, “waxa uga
muhiimsan malahan taliska in ay u ekaadaan in ay diin haystaan.
” Sidoo
kale, Napoleon Bonaparte, isana wuxuu yidhi “diintu waa waxa ugu fiican ee
lagu aamusiin karo dadka caadiga ah.

Waligeed ayeyna culimadiyo caamaduba soo ogaayeen inay diintu tahay xarig ka
mid ah xarkaha ugu waawayn ee ay dawladuhu ku xakameeyaan shacbigooda,
kursigoodana ay ku dhawrtaan, mana ahan arin falanqayn u baahan waayo dadku
way ka dharagsanyihiin.

Hase’ahaatee, waxaa jira dad kale oo aanba ku baraarugsanayn oo iyaguna isku
daya in ay diin u isticmaalaan xakamaynta bulshada iyaga oo aan wax talis ah
umadda u hayn. Waxa ay bishimaha ku sitaan “midnimo iyo akhlaaqiyaad baan
diinta ku dhawraynaa”

Dhibka jirase wuxuu yahay, diinta ay leeyihiin midnimo iyo akhlaaq baan ku
ilaalineynaa ee bulshadu gaws dambeedka haku qaniinto, iyagaba ma aaminsano
saxnaanteeda, gebigeed ama qaybo ka mid ah badanaa, ama bulshada si ka gadisan
bay u aaminsan yihiin.

Waxyaabaha lagu garto in aysan bahasha xaqiiq ahaan u aaminsanayn balse ay
qalab la i isticmaali karo uun u aaminsan yihiin waxaa ka kow ah, marka diin
la soo hadal qaado arki maysid iyagoo xaqiiqdeeda iyo sida ay ku saxan tahay
kuu sheegaya ama kaala hadlaya.

Waxa ay markaste carrabka ku adkeynayaan waxtarka ay bahasha ku tuhmayaan in
ay bulshada u leedahay. Ilaahay ma jiraa haddaad dhahdo, cabsidiisa
waxtarkeeda bey kuu sheegayaan, marka quraanka saxnaantiisa la haybshana nin
ku dul oynaya bay ku tusayaan!

Bal adigu suurayso maanta haddii uu nin tuulo yimaado oo uu tuuladaa ugu
sheekeeyo in uu col buurtaan dabadeeda soo fadhiyo isaga oo aan aaminsanayn in
uu col meesha joogo balse u arka in ay tuulada isku duubnaan u keeneyso oo
cabsi darteed aysan dadku ku dhiirranayn inay dhexdooda is qab-qabsadaan.
Ka warran bal haddii ninkaa marka loola banbaxo su’aalo oo la waydiiyo, colka
goormaad soo aragtay iyo wax la halmaalo, uu dooddiisa ku soo koobo, “dan baa
idiinku jirta inaad colka aamintaan oo akhlaaqdiina iyo isku duubnidiina ayeey
ilaalinee middaa!”

Dabcan boqolaal doodood baa laga furi karaa qaabdarrada ereygaa iyo
madhaleysnimadiisa balse aan saddex uun ku soo koobo:

  1. Ninkaasi ikhtiyaarkii buu umadda ka qaaday si uu arin shaqsiyan la saxan uu umadda dhan afka ugu galiyo been buuna ugu sheekeeyay si hadaf ay naftiisa u sawirtay uu u gaadho.

Umaddii buu walibana cay ugu daray oo wuxuu iska dhaadhiciyay in intaa yar ee
uu fahmay aysan iyagu fahmi karayn. Bal maxay ka dhibtaa haddii uu dadka runta
u sheego oo uu dhaho “war waxaan ma rumeysni balse danahaan baan isleeyahay
way ku jiraan.”

Ka warran bal haddii uu qaldanyahay oo meeshuu islahaa cabsidu is qabqabsiga
bey yareynee ay dadka ku sii badisaba oo isku dhex yaac uu yimaado? Ka warran
haddii uu col run ah uu docda kale fadhiyo oo umaddoo xagaa u wada jeeda
gadaal looga yimaado?

Saw kama habooneyn inuu labo wajiilanimada umadda ka daayo oo uu u sheego
dadka sida ay wax ugu muuqdaan iyo aaminaaddiisa, haku waafaqaan ama haku
diidaane? Saw kama habooneyn in colka daacad loogu kuurgalo oo sahan la
dirsado; midnimada wanaageedana uu bayaamiyo isagoon been ku soo gamban?

Soomaalidaa markay shukaansanayaan dhihi jiray “been baa lagu soo xero galiyaa
run baase lagu dhaqaa.” Waana qoysaskeena waxa dayacaa baday ee haddana isla
sheekadaa yaana bulshada loola imaan oo hal xaaraan ah nirigteeda xalaal looga
dhigin.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...