Diintu ma u dhalashaa mise qanaaco?

W alaalkayga diimaha rumaysanow wali ma is weydiisay sababta aad
urumeysantahay diinta aad haysato? Wali maku fikirtay maxey tahay sababta aad
udooratay diintan aad darteed qudh u jari karto? Maxeey tahay sababta aad u
aamintay in Ciisa Masiix uuyahay badbaadiyaha kaliya ee kaligiis wax badbaadin
karo? Maxaad u aamintay in Allaaah uuyahay ilaaha kaliya ee xaqqa lugu caabudo
maxamadna uu yahay rasuulkiisa?
Tusaale ahaan maxaad u aamini weyday dhaqanka meelo badan ka wanaagsan diimaha
ibraahiimiyada ee uu la yimid Buudha? Maxaad u aamintay in towraatka uu yahay
kitaabka kaliya ee saxda ah?
Soo ma ogid in jannada aad aaminsantahay ey shaabahdo dhulka oo laga helo isla
waxyaabaha dhulka laga helo sida caano, khamri, iyo naago. Sidoo kale Ilaaha
diimaha Ibraahiimigu waxa uu aad u shabahaa boqoraddii waayadaas jiray ee keli
teliska ahaa, sifaad badanna way wadaagaan oo waxaad mooddaa in laga soo
jeexay.
Ma is weydiisay sababta adiga iyo ilaahaagu aad u wadaagtaan tilmaamooyin
badan. Caqiidadaadu miyeyna aheyn oo kaliya tan laga aaminsan yahay deegaanka
aad ku barbaartay ama qoyskaagu haysteen? Waligaa ma is waydiisay sababta
keentay in qof waliba rumaysan yahay diinta iyo dhaqamada bulshada uu ka
dhashay? Taasi miyeyna kuu muujinayn inaysan jirin doorasho iyo qanaaco qofka
ka timidi jirin balse qof waliba diinta dhaxal ahaan ugu soo hagaagtay sida
midabka iyo dhaqanka uu yeellanayo.
Xiligaan aan hada joogno cunug ayaa dhalanaya, hooyadiis iyo aabihiis
shahaadada dhalasho waxey ugu qorayaan Muslim sidoo kale wadaad masiixi ah
ayaa cunug yar biyo galinayo si masiixi looga dhigo, hooyo ayaa iyaduna
gabadheeda shan sano jirka ah xijaab u xireyso, aabbana cunugiisa afar jirka
ah ayuu u kaxeynayaa masaajidka, kumannaan cunug ayaa dhalanayo mid waliba
wuxuu dhaxlayaa diinta waalidiintiis oo qudha siaa ayuuna ku barbaarayaa oo
bilaabayaa inuu la diriro ama naco ciddii waydiimo ka keenta dhab ahaanshaha
dhaqamadan loo dooray.
soo lagama yaabo in iimaanka uu yahay lakowsi juqraafiyadeed taas oo
macnaheeda yahay in qof walba uu heysto diinta laga aaminsanyahay meesha uu ku
dhashay. Ka warran haddii aad ku dhalan lahayd meel aan ahayn meesha ad ku
dhalatay, ma heysan lahayd diinta aad hadda heysato? Caqiidada aad heysatid
soo maahan tan ay haysteen aabayaasha iyo aabayashoodii ka horreeyey. Maadama
ay saas tahay ka warran hadda halka ay kaa dhaleen labo waalid oo somali ah
haddi ey ku dhali lahayeen labo waalid oo Jabaaniis ah , ma heysan lahaydd
diinta aad maanta haysato, mase laguugu yeeri lahaa magaca maanta ay dadku
kugu wacaan?
soo layaab maahan haddii aan cunug yar ku tilmaamo inuu yahay Shuuci ama
Calmaani, waan wada ognahay in cunug yar uusan Lahayn awood fahan oo uu ku
kala doorto inuu noqdo Calmaani ama Maarkisi sababta oo ah waa aragtiyo ay
aad u adagatahay inuu fahmo cunug yar laakiin lama yaabno markaan aragon cunug
yar oo la leeyahay waa Muslim, Masiixi, Hinduus ama Yuhuudi.
Sidaas oo ay tahayna diimuhu waa ka faham adag yihiin fikradahaas aan horay u
soo sheegnay oo waa arrimo ku xiran rumaynta qaybiyaad aanan caddayn halka
fikirka cilmaaniga ahi kaaga baahan yahay oo kaliya in laguu sheego mabaadi’da
saldhigga u ah.
Marka aad leedahay cunug muslim ah macnaheeda waa cunug hooyadiis iyo aabihiis
ay muslim yihiin.Ma ogtahay in qof walba uu diintiisa kaliya u arko sax kuwa
kalene qalad marka uu cibaadeysanayana uu dareemo daganaansho iyo u dhawaansho
ilaahiisa taas oo aan ka yareyn tan aad adiga dareento. Ma ogtahay in qof
walba uu aqristo nusuus muqaddas ah uuna heysto xujooyin aan ka tabar yarayn
kuwaaga oo uu ku difaaco waxa uu aaminsanyahay, sidoo kale uu arkay
mucjisooyin uu ku rumeystay in waxa uu aaminsanyhay saxan yihiin sida adiguba
aad ilaahaaga u mahadiso marka aad shil ka badbaado ama roob ka soo daahay
xilli beereedkii yimaado.
Dadkan kula midka ah ee diintu ay hiddaha ka tahay waxey aaminsan yihiin
jiritaanka ilaah loo sheegay inuu sare degan yahay, waxeyna raacaan farriimo
ay rumaysan yihiin inay eebahaas ka yimaadeen, aad ayeyna u jecel yihiin.
Waxeyna caqiidadooda ku difaacaan isla xamaasadda aad adiga ku difaacdo
caqiidadada.
Haddaba waxaas oo diimo ah sax ma wada noqon karaan? Waa wax intee le’eg
suurta galnimada inaad adiga saxsan tahay? Marka aad qof ku dhahdo naarta
ayaad galeysaa hadaad ilaah rumeyn weydid, su’aashaa meesha imaaneyso waxey
tahay ilaahee ayaan rumeeyaa, nabigee ayaanse raacaa, diintee u hogaansamaa,
naarteese iska ilaaliyaa waayo waxa jiro ilaahyo badan iyo naaro badan oo
qofka muslimka ahi waxa uu galayaa naaraha diimaha kale sida dadka diimaha
kale haystaa u galayaan naarta islaamka.
Haddii aan damcacdo inaan mid doorto ma jirto mid aad xujjad iyo caddayn adag
ugu hagaagaysaa, taasina waa dhibka diimaha hasyta oo dhammaantood waxay u
taagan yihiin ka warramidda iyo sharraxaadda awood sare o aan muuqan, ilaa
awoodaas caddayn biyo kama dhibcaan ah loo helana way taagnaanaysaa muranka
iyo faanka qola waliba xaqa sheeganayso, sidaa darteed intii aad insho la’aan
ku raaci lahayd wax aad ku dhalatay waxa habboon inaad baaritaan samayso oo
aad ku qanacdo wixii garaadkaaga iyo garashadaadu kuu muujiyaan inay saxan
yihiin haba ahaato diinta aabayaashaa’e balse waxa nasiib darro ah inaad xabsi
ugu jirta adiga oo ka bixi kara dhaqamo dhaxal ahaan kugu soo gaaray.
Qofka aan diimaha maanta jira ee faraha badan rumayn gabi ahaantoodba iyo
midka hal mid rumeeyey inta kalana beeniyay wax farqi wayn ahi uma dhexeeyo.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida