Diintu horumar ma keento

Dadka muslimiinta ah ee maanta adduunka ku nooli waxay ku jiraan nolol aad u
liidata, dalalka islaamkuna waa kuwa ugu liita adduunka, waa kuwo dagaalo
sokeeye ku jira ama argagixiso arxan daran ka kici la’.
Dadka muslimiinta ah markaad waraysato oo aad tiraahdo maxaa sidaa idiin
galay? Wuxuu kuugu jawaabeyaa dadku diintii bay ka tageen Illaahayna waa kasii
jeestey. Waxaan is waydiiyey muxuu yahay waxa ay diintu kala maqan tahay?
Dalalka islaamka ee ay Soomaaliya ugu horreyso waa dalalka ugu cibaadada
badan dadkeeduna ugu diinta jecel yihiin hadana waxaa loogu dhintaa gaajo,
colaad iyo xanuun. Haddii diinta horumar lagu heleyo adduunka Soomaaliya ayaa
ugu horumarsanaan lahayd.
Salaadda, soonka iyo dhammaan cibaadaadka aad ku xiiqday waxba adduunyadan
kaaga tari maayaan, duco iyo baryootanna cadawna ku celin maysid roobna ku
keeni maysid. Cibaadada ama diintu waa xeer waa hore la qoray ujeedkuna ahaa
adkaynta xiriirka rooxaaniga ah iyo ilaalinta xuquuqda dadka kale, waxa uu
ahaa qaanuun iyo dastuur u cuntamaya in badan oo kamida dadkii waqtigaas
noolaa.
Quraanka iyo malaayiinta axaadiista ah ee dalkeenii buux-dhaafiyey kuma jirto
kamana dhex helaysid hal aayad ama hal xadiis oo kuu tilmaamaya ama ka hadlaya
qaabka laamiyada loo dhiso ama qaabka dayuuradaha iyo gawaadhida loo sameeyo.
Dadku qaab qaldan ayay u fahmeen diinta, qaab aan sax ahayna waa loogu
sheegay, wixii loogu talo-galay wax aan ahayna way la aadeen welina natiijo
aan soo socon ayay sugeyaan ama iyaga is canaananaya. Kuwo habaar qaba oo
wadaado sheegtaana dadka maankay ka nijaaseeyeen oo habeen iyo maalin wuxuu
xaqqirayaa oo liideyaa barashada cilmiga, wuxuuna leeyahay aakhiro waxba kaaga
tari maaye ee waqtigaaga qaaliga ah ha ku lumin.
Dadka ku nool wadamada horumaray waxay ku hormareen dedaal ay la yimaadeen,
kuma horumarin inay kaa soon iyo salaad badan yihiin, badankoodu ma aaminsana
diintaada macaanka badan ee ku madax martay.
Dadka adduunka ugu tamarta yar dhaqaale, aqoon iyo maamul ahaanba waa dadka
ugu diinta badan uguna cibaadada jecel taasina waxba uma tarin. Inaad cibaado
badan tahay maaha micneheedu in Illaahaagu kuu soo dirayo injineero iyo
duuliyayaal dal iyo duunyaba kuu dhisa. Ma jirto cid samada kaaga soo degeysa
si ay kuugu adeegto balse waa inaad adigu fadhiga ka kacdo.
Waxaynu u baahanahay in dib loo qeexo doorka diintu ku leedahay ama ka
qaadato nolosha dadka, waxaynu u baahanahay in dadka la baro ujeedka iyo waxa
loogu talo galay diinta. Waa in la kala saaro lana kala xadeeyo xidhiidhka ka
dhexeeya nolosha la hubo iyo nolosha danbe ee ina wareerisay, tan la hubo
aayado iyo axaadiis waxba kama taryaane waa in loo shaqaystaa.
Kawarran masaajidkii aad ku cibaadeysaneysey ee Illaahaaga aad ku baryeysey
wax kasta oo dhex yaal ama uu ka kooban yahay hadii gaal soo sameeyey? Dharka
aad sidato kabaha iyo wax kasta oo noloshaada kuu fududeeya ay yihiin wax-
soosaar gaal, adiguna aad habaar uun ka adag tahay weliba mid geed ma gaadho
ah. Maxaad adduunka u joogtaa oo aan ka ahayn cibaado iyo habaar? Maxayse kuu
tareen? Habaar iyo baryo midna irbad dun kuu gelin maayo.
Waxaasoo dhan waxa ka daran beenta iyo khuraafaadka ay muslimiintu isugu
sheekeyaan iyagoo leh waxa horumar adduunka yaal kitaabkeena lagala soo baxay,
oo yaa idinka idiin diidey maad kalasoo baxdaan 1400 sano ayaad adduunka
joogtaane? Runta oo la isu sheega waa lama huraan, waxba kuu tari mayso been
aad maalmo niyadaada ku qancisa.
Waxa iyana lama huraan ah in la qeexo yaa caalim/aqoonyahan ah? Maxaase cilmi
ah? Ninka ama gabadha gawaadhida, hubka, dawada iyo aaladaha tiknoolajiyadda
cusub inoo sameyeeya ayaa caalim ah mise ka habeen iyo maalin masaajidka
fadhiya waxna aan inagu soo kordhin? Ma waxaa cilmi ah barashada qaabka
suuliga loo galo ama waxa la aqriyo marka la geleyo suuliga iyo qaabka
haweenka loogu galmoodo? Mise barashada caafimaadka, injineerniyadda iyo wixii
la hal-maala?
Habaar, cibaado badan iyo baryootan waxay kuu tarayaan ama kuus oo
dhicinayaan ma jirto, cid aad wax kaga qaadeyso ama ku diliysaa ma jirto,
kac oo dalka dhiso. Dal duco laguma dhiso habaarna laguma dumiyo.
Diintu horumar ma keento balse qofka caqligiisa ayay naafeysaa una diidaa inuu
horumar ku tallaabsado ama ka fikiro.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida