Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Diintaadu waa Juqraafi!

W/Q: Salmaan Barkhadle
Diimaha 0
3.2k
·

5/17/2020

Diintaadu waa Juqraafi!

Diimuhu ma laha qiimo iskii u muuqda oo lagu garto xaq iyo baadil kan ay
yihiin, ee hadba waa sida qofka iyo bulshadu u aragto. Oo diin waliba dadka
rumaysan waxay ugu muuqataa xaq muqaddas ah, oo aan loo baahnayn in sina shaki
iyo muran loo galiyo. Laakiin, isla diintaasi kuwa aan rumaysnayn waxay ugu
muuqanaysaa waalli iyo doqonnimo isbiirsaday, oo loo baahan yahay in ruuxa
garaadka lihi iskala weynaado. Tusaale ahaan, ruuxa muslimka ahi wuxuu yaab
iyo ashqaraar u dhintaa kolka uu arko Jabbaan samaynaya tiknooloojiyada
casriga ah tii ugu danbaysey, oo si silloon –waa sida caamadu u arkaane- ugu
sujuudaya cad dhagax ah. Si taa liddi ku ahse isla Jabbaankaasi wuxuu yaab iyo
amakaag u dhimanayaa markuu arko muslim salaad tukanaya ama labo qayd qaba oo
kacbada dawaafaya. Mowqifkaasina waa mid naxasuusinayaa maahmaahda Soomaaliga
ah ee tiraahda: ” Maan dad waa mudacyo afkood”.

Sida la og yahayna, diinta waa loo dhashaa ee lama qaato, oo caadi ahaan qofku
ma qaato diin uu ku qancay markuu baaray ka dib, balse wuxuu qaataa diintii uu
ka soo gaaray waaridki iyo bulshada uu la nool yahay, xaqa iyo baadilkana
wuxuu u yaqaan hadba sidii aabbihiis iyo deriskiisu ugu sheegeen ama ku soo
ababiyeen, oo xaal wuxuu isugu biyo shubtaa “Innaa wajadnaa aabaa’anaa …../
Aabbayaalkeen baaan ka soo gaarnay” iyo “Caado laga tagaa caro Allay
leedahay”, taa awgeedna, waxaan aragnaa barafisoor Hindi ah oo si taqwo iyo
khushuuc badan u caabudaya sac, isaga oo aan marna isweydiin halka sacu
qiimahaas ka keenay. Si taa la mid ah, Soomaaliga geel jiraha ah ee aan wax
akhrin waxna qorin, ee ay dhici karto in uusan salaad iyo soon toona aqoon,
islaamka wuxuu u haystaa walax mucjiso ah, oo aan marna muqaddisnimadiisa laga
hadli karin. Farqiga qura ee u dhexeeya barafisoorka iyo geel-jiruhuna waa in
midkood ku dhashay Hindiya, ayna dhaleen waalidiin Hinduus ahi, halka kan kale
ku dhashay Soomaaliya, ayna dhaleen waalidiin Muslim ahi.

Akhristow bal isweydii diintaadu waxay noqon lahayd haddii aad ku dhalan
lahayd Mumbey, ama Tookiyo, ama Moosko, ama Rooma, Ama Tal-Abiib, waalidkaana
asal ahaan ka soo jeedi lahaa ummadaha dhulalkaas degga. Sidoo kalena aan
isweydiinno waxay noqon lahayd diinta wadaaddada diimaha kala duwan haddii
qolo kastaa ka soo jeedi lahayd dhul aan ahayn midka qadartu ku abuurtay.
Tusaale ahaan, soo ma dhici kari lahayn in wadaaddada buudigu yahuud noqdaan,
kuwa yahuudduna masiixi, masiixiguna muslim, muslimkuna diintii kale ee la
doono, cawaantuna muslimiin muwaxidiin ah. Run ahaantiina, waa dhif iyo naadir
in dunida laga helo ruux haysta diin uu qaatay ka dib markii uu ku qancay xaq
nimadeeda.

Ummadaha kala aamminsan diimaha iyo dhaqamada kala duwanina waxay nabad iyo
xasillooni ku wada noolaan karaan haddii qolo kastaa qaddariso diinta iyo
dhaqanka qolada kale. Dhibka iyo isku dhacanu waxay imaanayaan marka qolo
tiraahdo annagaa saxsan inta kalena waa khaldan yihiin, annagaa ilbax ah inta
kalena waa cawaan, annagaa Eebbe na doortay inta kalena ibliis baa durbaan u
tuma, annagaa xaqa haysanna inta kalena waa baadil, annagaa jannada galayna
inta kalena naartaa loo dareerinayaa.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...