Diinta miyaa lagu dhashaa?
Dadka islaamka ahi waxay aaminsan yihiin badankoodu in dadka adduunka ku nool
oo dhami ay ku dhasheen islaamnimada, balse hooyada iyo aabuhu gaaleeyaan ama
islaamiyaan ilmaha dhalashada kadib.
Waxaa laga weriyey nebi Maxamed inuu yidhi; (Majiro ilmo dhasha ilaa waxa lagu
dhalaa fidrada “Islaamka”, labadiisa waalid ayaa ka dhiga Yuhuudi, Kiristan
ama Majuusi – ﻣﺎ ﻣﻦ ﻣﻮﻟﻮﺩ ﺇﻻ ﻳﻮﻟﺪ ﻋﻠﻰ ﺍﻟﻔﻄﺮﺓ، ﻓﺄﺑﻮﺍﻩ ﻳﻬﻮﺩﺍﻧﻪ أﻭﻳﻨﺼﺮﺍﻧﻪ
أﻭﻳﻤﺠﺴﺎﻧﻪ)
Waa maxay waxyaabaha lagu dhalan karaa?
Waxyaalaha lagu dhashaa waa wixii aan u baahnayn barasho ama kasbasho balse ku
abuuran qofka. Waxayaabaha lagu gartana waxaa kamida in laga helo qof walba oo
adduunka guudkiisa saaran oo aysan u baahnayn dadaal deeraada oo qofku bixiyo
si uu gacanta ugu dhigo ama u gaaro.
Way jiraan waxyaabo qofku ku dhasho sida baahida hurdada, cuntada ama galmada
kuwaas oo kale waa la odhan karaa waa waxyaabo fidro ah, laakiin maxaa ka jira
in qofku ku dhasho diinta Islaamka?
Qofku inuu dhasho isagoo muslim ah jecel diinta islaamka waa been aan sal iyo
raad toona lahayn, ma jiro qof dhasha isagoo iimaan leh oo Ilaah kaliya
rumaysan, ma jiro qof dhasha isago jecel ama baahi u qaba quraanka, ma jiro
qof dhasha isagoo ku hadla af-Carabi. Iimaanku wuxuu yimaada barasho iyo
qancid kadib oo waa wax la kasbado.
Qofku markuu dhasho waxaa lagu bar-baariya laguna koriyaa dhaqanka iyo afka
waalidkii mana jiro afkaa iyo dhaqankaa mid aan ahayn oo lagu koriyo ubadka.
Haddii islaamka lagu dhalanayo oo aan uurka hooyadeen kala soo baxayno
iimaanko qanjaha ina jooga maxaa la inoo geeya dugsiyada Quraanka? Maxaa
soonka iyo salaadda la inoo baraa? Maxaa la inoo dhalan rogaa?
Way jiraan baahiyo dadku la dhashaan laakiin diintu waxyaabahaas ka mid maaha.
Diintu waa wax la barto waalidkaana laga dhaxlaa inta badan oo waalidkaa
hadduu Muslim yahay Muslim baad ahaan, hadduu masiixi yahayna kiristan baad
noqon, deegaanka aad ku nooshahay iyo dhaqamada ka jira ayay ku xiran tahay
kooxda aad la safanayso.
Diinta iyo rumeynta jiritaanka Ilaahay ma aha wax fidro ah oo lala dhasho
balse waa wax la kasbado ama la barto marka adduunka la yimaado, waxaa fidro
ah diin la’aanta. Xadiiskanina gebi ahaanba waa been waayo ma jiro qof og
maalintuu dhashay, ma jiro qof dhashay isagoo duuban sida cajaladdii, balse
adigoo jira oo nool ayaadan ogeyn inaad jirto, sannadihii u horeeyey
noloshiisa yaa ka warrami kara?
Ma jiro qof garanaya maalintii uu muslimay, badankiinu waxaad magaca diinta
iyo afkaba ka dhaxasheen waalidkiin, iimaanka aad sheegeysaan iyo
islaamnimadaba waxaad ka dhaxasheen waalidkiin mana aha wax ku yimi aqoon iyo
qanaaco idiin gaar ah. Mid kasta oo idinka idin ka mid ahi wuxuu garaadsaday
isagoo muslim ah, Quraanka yaqaan af-Soomaalina ku hadla. Miyaad caddayn
kartaa oo odhan kartaa maalintaasaan shahaadada qabsaday oo islaamka soo galay
ama ku qancay in Islaamku diin saxan yahay oo qaatay?
Dadku hadday diinta ku dhalanayaan maxaa Murtadiin loo odhan waayey kuwa aan
muslimka ahayn balse ku dhashay islaamnimada waalidkoodse ka dhigeen
Kiristanka? Ilmaha yar ee Ameerika ku dhashay saw muslimnimo kuma dhalan?
Hadii waalidkii gaaleeyo saw murtad noqon maayo? Saw waajib maaha in xadkii
ridada lagu fuliyo? Waa marka la raaco xadiiska odhanaya dadku islaamnimaday
ku dhashaan.
Runtu waxa weeye dadku waxay ku dhashaan diin la’aan, waxayna dhashaan ubadku
iyagoo bog cad ah oo aan garaadkooda waxba ku qornayn, balse waalidkooda ayaa
u doora jidka ay marayaan. Ilmaha waxa waalidkii u doora diinta iyo dhaqanka
uu isaga waalidka ahi haysto.
Iimaanka diiniga ahi maaha taqliid ama wax aad cid kaga dayan karto mana aha
wax cid gaar ah laga dhaxlo sida waalid oo kale, iimaanka diiniga ahi waa
wax ku iman kara qanaacada iyo qaadashada qofka barasho iyo lafa-gur kadib.
Dadku waxay ku leeyihiin diintaad ku dhalatay, diin laguma dhasho, laakin
hooyada iyo aabaha ku dhalay ayaa diin hebel haysta taasna micneheedu maaha
iimaankii hooyadaa iyo aabaha ayaa ku jira hidde-sidahaaga.
Waxaa iyana muhiim ah in la ogaado iimaanka diiniga ahi inaanu ahayn wax la
isku qasbi karo, xoogna laguma ilaalin karo oo iimaanka diiniga ahi maaha wax
la cabiri karo sida heer kulka jidhka ama la miisaami karo sida culayska
jidhka. Iimaanka qofku aaminsan yahay xoog lagagama qaadi karo, tusaale ahaan
lama odhan karo diid ama beeni waxa aad aaminsantahay.
Qof waliba ha is waydiiyo maalintii uu muslimay? Haddii aanan dooran awoodna
aanan u lahayn inaan doorto waalidkayna ii dooray waxa aan aaminayo sidee ku
odhan karaa anaa doortay oo ku qancay? Maanta oo aan garaad iyo garashaba
leeyahay oo aan wax dooran karo wixii la ii dooray haddii aan ku qanci waayo
inaan ciqaab ku mutaysto soo qalad iyo meel ka dhac maaha? Wax aanad dooran
sidee ciqaab ugu mudan kartaa?
Ma jirto diin lagu dhashaa tay doonto ha ahaate oo diintu maaha abtirsiin iyo
qabiil lakala dhaxlo. Haddii lagu dhalanayo nebiyo iyo rusul Ilaah masoo
direen.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida