Diinta iyo dadka iyamaa mudan?

Ka jawaabidda waydiinta sare ku xusan waxay fududaanaysaa marka aan ogaano
mudnaanta iyo qiimaha qofku leeyahay, qof aan garanayn mudnaanta insaanku
leeyahay way adag tahay inuu jawaab dhex-dhexaada ka bixiyo.
Inta aynaan jawaabta u galin waxaa waajib ah inaan is waydiino diintu ma jiri
kartaa dad la’aan? Dadku se ma jiri karaan diin la’aan? Dadku waa jiri karaan
waana noolaan karaan diin la’aan, diintuse ma jiri karto dad la’aan waayo
dadka ayaa sameeya derejada iyo qiimayntana siiya si la mid ah sida dadku
lacagta u sameeyo iyadoo waraaqo ahna qiime ugu yeelo
Diintu waa xeerar ay dadkii hore qorteen una tiiriyeen awood sare oo ayna arag
sidoo kalana cid ku sugi karta caddaymo jiritaankeeda ayna jirin, xeerkaasi
kama mudnaan karo dadkii hore ee sameeyey ama dadka maanta haysta ee ku
dhaqma.
Haddii maanta adduunka dad laga waayo ama dadku diimaha dhaafaan aaminaadooda
iyo ku dhaqankooda sidaasay ku baaba’aysaa diintu, sidaa darteed dadka ayaa ka
mudan diinta.
Waxaad arkaysaa dad naxaya oo calaacalaya marka la dhaliilo diinta ay aaminsan
yihiin hadana ku farxaya oo ku qaboobeya marka uu naf u gooyo diinta darteed,
naf qof aadane ah waxaa kala qiime badan qoraalo aan micne badan samaynayn oo
uu awooyaashi ka dhaxlay.
Xattaa hadii aynu indhaha is qabano garashadeenana ka tanaasulno oo dhahno
diinta waa la soo dejiyey, waydiintu waxay tahay yaa loo soo dejiyey? Dadka
saw maaha jawaabtu? Hadii ay jawaabtu dadka tahay diintu miyay ka mudnaan
kartaa kuwii loo soo dejiyey? Hadii aabaha dhar kuu keeno micneheedu maaha in
dharku kaa mudan yahay.
Waxay dhisayaan Masaajiddo iyo dhismayaal diimeed oo ay ku kacayso malaayin
doolar dadkiina gaajo, cudur iyo dagaalo diimeed ayay la il daran yihiin tolow
yaa loo dhisaya dadkiiba dhamaayee? Mise waxba dhisi maayaane dadkay ku
dhacayaan? Dadka in la dhiso oo la maal-geliyo miyaanay ka mudnayn masaajid
iyo dhagxaan la qurxiyo kadibna dadka abaaruhu ku dhafteen ama baahan looga
dhex duceeyo?
Diintu xuquuq ma leh noocay doonto ha ahaato laakiin waxaa xuquuq leh qofka
aaminsan, diintayda xushmee ma odhan kartid laakiin waxaad iga codsan kartaa
inaan adiga ku xushmeeyo waxa aad rabtaba aad aaminsanaatide maadama aad xaq u
leedahay inaad aaminto wixii aad doonto.
Diintaada haddii aanad rabin in la dhaliilo laabtaada ku hayso dadkana ha ula
iman, sababtoo ah wixii aad ceeb ama khalad u taqaan nin bay caadadiisa tahay
ama la saxan tahay, dadka oo dhami kuguma raaci karaan aragtidaada ama
diintaada.
Xaqqu ama xuquuqdu maaha wax diintu bixiso laakiin waa wax qof walba iyo noole
kasta la dhasho, xaqqa inaad noolaato diintu ma bixiso sidoo kalena ma qaadi
karto, waana gef iyo khalad in naf la gooyo si diinta loo raali geliyo.
Marka la leeyahay diintu xuquuq bay keentay ama soo kordhisey waa been aan
raad lahayn, waayo ma jiro qof aan dhalan isagoo xor ah, waxa dadka gumeeya ee
qaybiyaa waa diimaha dadku samaysteen.
Mar walba iyo meel kasta dadka iyo noolaha ayaa ka mudan diinta, dadka iyo
noolaha ayaa xuquuq leh, diinta dadka ayaa samaystay, gaadhigu kama mudnaan
karo ninkii ama haweenaydii samaysatay, diinta dadka aaminsan ayaa xuquuq leh,
dadkaasi hadday meesha ka baxaan diintuna way ka bixi waayo jiritaanka diintu
jiritaanka dadka ayuu ku xidhan yahay.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida