Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Diinta islaamka iyo dumarka?

W/Q: Cabdiqaadir Shariif
Diimaha 7
10.3k
·

3/19/2019

Diinta islaamka iyo dumarka?

Garta dumarka iyo diinta islaamka lama gali karo, cid qaadaa furi kartana ma
jiro. Diinta Islaamka waxa ay dumarka u ekaysiisay wax ay raggu leeyihiin
amaba qayb bahaahinka ka tirsan, saamigooda oo kale ayay ku qiimaysay.
Dumarkuna insaan xor ah oo sida ninka xaq iyo xuquuq insaani ah leh bay isu
haystaan. Dumar badan oo islaam ah oo waxaan aragnaa maalin walba leh, diinta
islaamka dumarka way karaamaysay oo way sarraysiisay, markaad waydiin ku
celiso oo aad tiraahdo sidee bay ku sara marisay? Waxay ku leeyihiin dumarka
waa la aasi jiray diinta Islaamka ka hor!

Diinta ka hor dumarka in la aasi jiray ma run baa? Maya, dunida dumarka ku
nool lama aasi jirin ee wuxuu ahaa dhaqan ku kooban qabiillo yar oo carabta
kamida sida qabiilka Quraysh la yiraahdo ee Maxamed ka dhashay. Quraysh
caalamka waxa ay ka daganaayeen magaalada Makka uun, caalamka intiisa kale
kama jirin gabar la aas. Si gabdhaha la gumeeyay ee sadkoodi la dhaafiyay loo
sii hosaasiiyo waxaa loo sheegaa haddii aysan diinta jirteen in la aasi lahaa,
sidaa darteed ciqaabta maanta ay ku jirto ay dhaanto aasid, waana run oo
hadaad nooshahay malahayga way dhaantaa in adoo nool lagu aaso.

Hadduu qof yahuud ah maanta ku doodo in diinta yahuudda haddii aysan jiri
lahayn adduunkani uu dabar gu’i lahaa oo raggu dhammaan lahaayeen, sababta
marka la waydiiyana uu ku jawaabo in fircoon wiil walba oo dhasha uu dili
jiray, diinta yahuudduna ay ragga karaamaysay oo badbaadisay, maadaama ay
Fircoon ka furatay, waxay noqonaysaa sheeko lahi qoslo. Fircoon hadduu rag
layn jiray yahuudda oo qudha ayuu layn jiray, yuhuudduna inta Quraysh caalamka
ka daganayd bay adduunka ka daganayeen. Diinta Yuhuudda ragga adduunka ayay
badbaadisay waxay lamid tahay Islaamku dumarka adduuka ayuu karaameeyey.
Jawaabta oo kooban waa in diinta yahuuddu aysan ragga bad baadin, diinta
islaamkuna sidoo kale aysan dumarka badbaadin oo aysan karaamayn haddii aynu
sal uga dhigno karaamada iyo badbaadinta koox yar oo duruufo gaara ku jiray.

Dumarka islaamka xuquudoodii muuqatay iyo middii aan muuqanba diinta way ku
tumatay, tusaale midda muuqatay ee jirka ahayd waxaa la amray inay qariyaan
jirkooda oo cawro (ceeb) yahay, codkooduna cawro yahay, Furaha jannadana
ninkeeda ayaa loogu dhiibay taas oo kadhigan in nolosheeda oo dhan ay ninka
addoon u ahaato si ayna jannadu u seegin, talo iyo maamul waa laga qadiyay,
xabsi guri ayaana lagu xukumay oo ilaahu faray inayna aqalka gees u dhaafin
amar la’aan, iyo waliba in afar naagood uu hal nin wadaagi karo. Intaas waa
intii muuqatay inta aanan muuqan waa in lagu sheegay in caqligeedu uuna
dhamayn, diinteeduna nusqaan tahay, xattaa ahlu naarka ayay u badan yihiin
innaga oo og in raggu ayna dumarka ka danbi yarayn balse ladu doodi karo inay
ka danbi badan yihiin haddii aynu taariikhda insaanka milicsanno. Waxaas oo
dhan waxaa ka daran in martabadda shaydaanka la dhaafiyay, shaydaan oo ilaah
ku gacan sayray lana tirsaday masuulna ka ah dadka danbiyada ku dhaca ayaa
ilaah isaga oo ka hadlaya waxa uu yir; (إِنَّ كَيدَ الشَّيطَانِ كَانَ
ضَعِيفًا) “dhagarta shaydaanku waa mid tabar yar” halka Ilaah marka uu dumarka
ka hadlayay yiri; (إِنَّ كَيْدَكُنَّ عَظِيمٌ) “Dhhagartiinu (dumarka) waa mid
aad u wayn” taasina waxay muujinaysaa in islaamku dumarka u arko noole shar
badan oo xittaa shaydaanka booska ku ciriirinaya.

Karl Marx waxa uu yiri “Qofka la addoonsadaa, marka uu dareemo in uu
addoonyahay waa uu xoroobay” Intaan kor ku xusay iyo in kale oo badan aan la
tirin karin oo dhib ah bay diinta Islaamka dumarka u gaysatay, Suuratul
Cimraan, aayadda 14-aad ilaahay wuxuu tirinayaa waxa ragga la siiyay oo
dunida loogu qurxiyay, inay qayb ka yihiin, dahabka, dumarka, fardaha iyo
qaybo kaloo badan.
زُيِّنَ لِلنَّاسِ حُبُّ الشَّهَوَاتِ مِنَ النِّسَاءِ وَالْبَنِينَ
وَالْقَنَاطِيرِ الْمُقَنْطَرَةِ مِنَ الذَّهَبِ وَالْفِضَّةِ وَالْخَيْلِ
الْمُسَوَّمَةِ وَالْأَنْعَامِ وَالْحَرْثِ ۗ ذَٰلِكَ مَتَاعُ الْحَيَاةِ
الدُّنْيَا ۖ وَاللَّهُ عِنْدَهُ حُسْنُ الْمَآبِ
Haddaba sida aayadda kore ka muuqata, akhriste qoralkeenna bilowgiisa waxaad
ku aragteen in diinta Islaamka dumarka qayb xoolaha ka mid ah u heesato
ayaguna Insaan isku haystaan. Waxa jira xadiis Nabiga laga wariyay oo uu
leeyahay
إذا قامَ أحَدُكُمْ يُصَلِّي، فإنَّه يَسْتُرُهُ إذا كانَ بيْنَ يَدَيْهِ مِثْلُ
آخِرَةِ الرَّحْلِ، فإذا لَمْ يَكُنْ بيْنَ يَدَيْهِ مِثْلُ آخِرَةِ الرَّحْلِ،
فإنَّه يَقْطَعُ صَلاتَهُ الحِمارُ، والْمَرْأَةُ، والْكَلْبُ الأسْوَدُ.
‎ • مسلم (٢٦١ هـ)، صحيح مسلم ٥١٠ • [صحيح] in salaadda ay ka jabayso qofkay ay
hor maraan, eyga madow, dameerka iyo dumarka. Dumarow, haddii ay iyo dameer la
idin meel dhigay ma garanayo karaamada aad ku faanteen.

Waa su’aal e, xaqqa ay diinta Islaamka dumarka siisay muxuu yahay?

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...