Diinta islaamka iyo argagaxisada

M arkasta oo weerar argagixiso ay muslimiintu ka fuliyaan adduunka gaar
ahaan dalalka gaalada waxaa soo booda oo shaashadaha muuq-baahiyayaasha
qabsada wadaado iska fogeynaya ku lug-lahaanshaha islaamka ee dhacdadaas,
iyaga oo ku doodaya in falkaa xun ee dadka masaakiinta ah lagu dhibaateyey
aanu islaamku qabin, kuwa ku kacayna islaamnimo ayna shuqul ku lahayn.
Hadalkaasi waa hadal wanaagsan balse runta ka fog.
Diinta islaamku waxay Jihaadka u qabaysiy labo, mid difaac ah iyo mid weerar
ah loona yaqaan (جهاد الطلب), kaaso looga dan leeyahay waa sida ay aaminsan
yihiine in diinta Illaahay dhulka oo dhan la gaadhsiiyo. Illaahay wuxuu kaloo
aayad Quraan ah ku yiri diyaarsada wixii aad awooddaan ee cudud ciidan ah oo
aad ku argagax gelinaysaan cadawga Illaahay, cadawgiina iyo kuwo kale oo
aydaan ogeyn Illaahayse ogyahay (Al-Anfaal: 60)
(ﻭَﺃَﻋِﺪُّﻭﺍ ﻟَﻬُﻢْ ﻣَﺎ ﺍﺳْﺘَﻄَﻌْﺘُﻢْ ﻣِﻦْ ﻗُﻮَّﺓٍ ﻭَﻣِﻦْ ﺭِﺑَﺎﻁِ ﺍﻟْﺨَﻴْﻞِ
ﺗُﺮْﻫِﺒُﻮﻥَ ﺑِﻪِ ﻋَﺪُﻭَّ ﺍﻟﻠَّﻪِ ﻭَﻋَﺪُﻭَّﻛُﻢْ ﻭَﺁﺧَﺮِﻳﻦَ ﻣِﻦْ ﺩُﻭﻧِﻬِﻢْ ﻻ
ﺗَﻌْﻠَﻤُﻮﻧَﻬُﻢُ ﺍﻟﻠَّﻪُ ﻳَﻌْﻠَﻤُﻬُﻢْ )
Jihaadka loo yaqaan (جهاد الطلب) waa ka cadawga islaamka ama kuwa aan haysan
diinta islaamka loogu tegeyo guryohooda iyo dalalkooda iyadoo la kala doorran
siinayo saddex mid uun, inay islaamaan, inay baad(jizya) bixiyaan iyagoo
bahdilan iyo in la qudha laga jaro. Diinta islaamku waxay jideysey in ugu
yaraan sannadkiiba hal mar la duulo.
Illaahay wuxu yidhi laaya kuwa aan Illahay iyo maalinta danbe rumeysnayn
diinta xaqqa ahna aan haysan (Al-Tawbah: 29)
(قاتلو الذين لا يؤمنون بالله ولا باليوم الاخر ولا يحرمون ما حرم الله ورسوله
ولا يدينون دين الحق من الذين اوتوا الكتاب حتى يعطو الجزية عن يد وهم صاغرون)
halkan wuxuu Illaahay farayaa addoomihiisa gacanta fudud inay laayaan gaalada
aan rumaysnayn Illaahay iyo maalinta qiyaame ama ay bixiyaan baad iyagoo
bahdilan. Wuxuu Illaahay aayad kale ku yidhi; dila gaalada meel kasta oo ad ku
aragtaan ama ka heshaan (Al-Tawbah: 5)
(ﻓﺎﻗﺘﻠﻮﺍ ﺍﻟﻤﺸﺮﻛﻴﻦ ﺣﻴﺚ ﻭﺟﺪﺗﻤﻮﻫﻢ).
Nebi Maxammed wuxuu yidhi waxaa la i faray inaan la dagaalo dadka ilaa ay ka
qirayaan in Illaahay mooye aanu Illaah kale jirin aniguna aan ahay
rasuulkiisii uuso dirsaday, hadii ay intaa ku dhawaaqaan maalkooda iyo
naftooduba waa iga nabad geleyaan.
( ﺃﻣﺮﺕ ﺃﻥ ﺃﻗﺎﺗﻞ ﺍﻟﻨﺎﺱ ﺣﺘﻰ ﻳشهدوا أن ﻻ ﺇﻟﻪ ﺇﻻ ﺍﻟﻠﻪ وأن محمد رسول الله , ﻓﺈﺫﺍ
ﻗﺎﻟﻮﻫﺎ ﻋﺼﻤﻮﺍ ﻣﻨﻲ ﺩﻣﺎﺀﻫﻢ ﻭﺃﻣﻮﺍﻟﻬﻢ ﺇﻻ ﺑﺤﻘﻬﺎ ﻭﺣﺴﺎﺑﻬﻢ ﻋﻠﻰ ﺍﻟﻠﻪ ) رواه الشيخان
Maxamed wuxuu sheegay in Illaahay faray inuu dadka la dagaalamo ilaa ay ka
qiraan nabinimadiisa, haddii intaa laga helo way nabad geleyaan, Hadii laga
waayo intaa laba mid uun baa taal in la laayo iyo inay baad bixiyaan haddii ay
Ahlul Kitaab yihiin oo ah Yuhuudda iyo Kiristanka.
Diinta islaamku waxay ogoshahay adduunkan inuu ku noolaado oo keliya qof
Muslim ah iyo mid baad bixiya isagoo bahdilan, ma ogola nolosha dadka kale
sidaa darteed laynta dadka soo haray waa waajib saaran qof kasta oo
muslimiinta kamid ah oo awood u leh inuu dhibaateeyo gaalada ama ugu yaraan
argagax geliyo.
Shiikh Yuusuf Al-Qardaawi kitaab uu qoray oo la yidhaahdo (فقه الجهاد) wuxuu
ku sheegay inuu ku faanayo kamid ahaanshihiisa culimada aaminsan ama u arka
inay waajib ku tahay muslimiinta ugu yaraan inay hal mar sannadkii ku duulaan
dhulka gaalada si loogu baaqo inay islaamka soo galaan, dhulka islaamkuna u
ballaadho. Qolyaahaas uu ka mid yahay shiikh Yuusu Al-Qardaawi waxay qabaan
ama aaminsanyihiin in gaalnimada dadkaasi oo keliya ay tahay mid ku filan in
lagu duulo oo la gumaado. Waxaa meeshan ka baxaysa gebi ahaanba la dagaallanka
gaalada in dagaal lagu xidho.
Shiikha la yidhaahdo Burhaan-Diin Abu-Xasan Al-Margiynaani (1135-1197) oo ah
caalim xanafi ah wuxuu ku qoray buuggiisa (Al-Hidaayah) inay waajib tahay in
gaalada lala dagaalo xittaa hadaanay iyagu dhibka bilaabin.
ﻭﻗﺘﺎﻝ ﺍﻟﻜﻔﺎﺭ ﻭﺍﺟﺐ ﻭﺇﻥ ﻟﻢ ﻳﺒﺪﺅﻭﺍ ﻟﻠﻌﻤﻮﻣﺎﺕ ” . ﺍﻟﻬﺪﺍﻳﺔ
( 2/809 )
Muslimiintu waxay nabad iyo nolol u ogol yihiin qofka islaamka ah, ka
heshiiska kula jira muslimiinta iyo ka gunnada bixiya naftiisa iyo ehelkiisa
si ay uga nabad galaan bahalnimada muslimiinta ( المعاهد ،المستأمن واهل
الذمة). Marka uu mid muslimiinta ka mid ahi dhib ka gaysto dalalka gaalada
wuxuu fulineyaa amarkii Illaahay ee nuxurkiisu ahaa Laaya oo argagax galiya
cid walba oo aan rumayn aniga iyo ergaygayga Maxamed.
Kooxahaa argagixisada ah sida Al-Shabaab, Daacish iyo Al-Qaacida dhammaantood
waxay dooneyaan oo sidu yahay u fulineyaan shareecada islaamka ee bahalnimada
ah. Qolyaha culimada sheegtaa waa og yihiin inay muslimiin dhab ah yihiin waxa
ay samaynayaanna yahay wixii nebigu samayn jirey balse danahooda ayay eegtaan
iyo ganacsiga diinta ee ay ku jiraan oo maalmihiisii u wanaagsanaa maraya.
Qofka muslimka ah laba mid uun baa u bannaan inuu diintiisa ka run sheego oo
bahalnimada u badheedho sida kooxaha aan xusnay iyo inuu iska tuuro heeryada
argagixisada noqdana qof caadi ah oo damiir leh dadka ka duwana aan nacayb
joogto ah u qabin.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida