Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Diin iyo Dareemo

W/Q: Warsame Jaamac
Fanka 0
9.5k
·

5/4/2020

Diin iyo Dareemo

G ooraysado ama saacaddu waa 12 kii duhurnimo bishuna waa Maarso, waa
bisha oogu kulul sannadka oo dhan halka uu joogo Diinku oo ah dhinaca bari ee
qaaradda Afrika. wuxuu ku hoos-jiraa geed wayn oo aan laheyn wax caleen ah wax
uu cuno waxaa oogu danbaysay dayrtii hore. jirkiisa wxaa ka muuqda harraad,
daal iyo diihaal badan, hayeeshee ma uusan quusan inkasta oo tabar yari badan
ka muuqato, ma qorshaynayo in uu geedka ka baxo si uu u soo daaqo cawska ama
dareemada qalalan.

Dhimbil waa sugan dhaari dhaqanka yaqaan, balse wuxuu baadi-goob oogu jiray
xilli dheer in uu ogaado halka diin ku nool yahay. Baadi goob dheer kadib
waxaa suura gal noqotay in uu helo Diin oo ku jira geedkiisii waxaana dhex-
matray sheekadaan..

Hadalka waxaa qaatay Dhimbil wuxuu ku bilaabay sidan ma la hargalay diinoow?
Waa la hargalay buu ku jawaabay Diin cod gaaban oo taxadar ku jiro. Dhimbil
waa gartay in diin uu ka qabo cabsi iyo dareen saas darteed wuxuu ku dadaalay
in uu arintaas ka saaro si jawi ku haboon wada sheekaysi loo abuuro. Wuxuu
yiri dhimbil oo hadalka qaatay “ Waxba ma jiraan wax dhibaataa Diinaw, balse
waxaan damcay arrin aan waligay rabay in aan ogaado in aad ii sheegto”
.

Diin oo la yaaban Dhimbil baa madaxa ama qoorta kala soo baxay qolafta taas oo
aad mooddo in uu markii hore ku dhiirran waayay wuxuuna ku jawaabay; “ Oo waa
maxay waxa aad intaas raadinaysay?
“. Dhimbil baa hadalka qaatay oo yiri: “
Diinka waxaa la arkaa dooggii markaa xaggee diraacdii jiraa? “.
Diin: Diinku diraacdii wuxuu ku jiraa geed-hoostiis.

Dhimbil baa ku jawaaby: “ Oo maxaad cuntaa jiilaalka oo dhan?
Diin: Waxba ma cuno geedka ayaan ku hoos-jiraa ilaa roobku yimaado ama
roobku d’o.
Dhimbil oo yaaban ayaa ku yiri: maxay ku dhacday in aadan wax cunin abaarta?

Diin baa ku jawaabay “ Afkii aan doog ku cunay dareemo ku cuni maayo
Dhimbil oo yaaban baa ku yiri : “Maxaad ka wadaa Diin wali ma garan
ujeedadaada?

Diin: Waxaan ooga jeeda waxaan xasuustaa dooggii iyo barwaaqadii aan soo
maray saas darteed ayaana afka u diidaa in cawska jiilaal ku cuno anoo
xasuusan doogii.

Dhimbil oo yaaban baa istaagay afkaan doog ku cunay dareemo ku cuni maayo buu
ku celiyay! Waa murti wayn buu sii raaciyay wuxuuna intaas ku daray tillaabo
asaga oo dhaqaaqay.

Xasuusta diin iyo sheekada dhibil waxay noqotay dhaxal suugaaneed waa kii
lahaa Huryo heestii caanka ahayd “Diigaa” oo uu qaadi jiray Maxamed Axmed
(Kuluc), midhaheedana ay kamid ahaayeen;

Diinkuna ma dhuunyado,
Dareemada abaarta,
Afka wuu diidaa,
Hadduu gugii ku daaqee,
Anna dooqoo yaable,
Siduu iigu kaa diray dawooy,
Adiga mooye dumar kale ma eego…

“Adiga mooye dumar kale ma eego” asaga oo markaas oola jeeday in jacaylka
gabadhu ku noqday mid xasuus ku reeba sida Diinku u xasuusto dooggii oo afka
uu ka daayo in uu dareemada ku daaqo in si la mid ah uu jacaylka gabadhu ka
jaray in uu haweenka kale jeclaado.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...