Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Diin iyo Damiir

W/Q: Saacid Kaahiye
Diimaha 0
2.7k
·

12/10/2020

Diin iyo Damiir

1964-gii [cilmibaaris](https://www.psychologytoday.com/us/blog/your-personal-
renaissance/201608/survival-aggression-and-compassion) ay Northwestern
University ku sameeyeen Masserman, Wechkin iyo Terris ayaa waxa ay ku bareen
daanyeero in ay katiinad jiidaan markay cunno rabaan, kadibna katiinaddii
waxay ku program gareeyeen in marka la jiido ay koranto dhaliso.

Korantada waxaa lagu dhajiyay daanyeer ku jira qol ku dhagan ka katiinada
jiidaya, waxaana loo dhaxaysiiyay labadooda dhalo la iska dhex arko. Marka,
markastuu daanyeerku katiinadda jiido si uu cunno u helo, koranto ayaa ku
dhagaysa midka qolka kale ku jira.

Katiinadda ay cuntada ku helayaan in ay daanyeer kale koranto ku dhajinayso oo
ay xanuunjineyso markii ay arkeen daanyeeradu, boqolkiiba 87 (87%) kamid ah
katiinadda ma jiidin oo iyagaa gaajo is baday intii ay daanyeer kale xanuunjin
lahaayeen.

Daanyeerada mid ka mid ahaa ilaa iyo 5 maalmood ayuu sidaa u gaajeysnaa oo uu
diidanaa in uu xanuunjiyo daanyeer kale, mid kale ilaa iyo 12 maalmood
katiinadda ma taaban. Isagoo gaajo la macluul ah ayuu haddana ka dhiidhiyay
xanuun quudasho.
Kaaga daranta, daanyeerada sidaa isku gaajeysiinaya ma’ahan daanyeero is
yaqaana oo qaraabonimo isku ilaashanaya. Kuma jirin mid xanuun ugu diidanaa
mid kale walaalnimo ama waalidnimo, oo xayawaanada qaar la arko in ay marmar
iskugu tudhaan.

Sidoo kale, waxyaabaha ugu yaabka badnaa waxaa ka mid ah in daanyeer mar
haddii isaga koronto lagu dhajiyo oo uu xanuunka bahasha arko, uu kaga sii
xagjiray kuwa kale in uu daanyeer kale koronto ku dhajiyo maadaama uu xanuunka
bahasha bartay.
Laakiin, sida aadamahaba uu dad xuni ugu jiro ayee daanyeeradana ugu jireen
(13%) oo aan xanuunka daanyeerada kale u joojin oo cunadooda uun ay u
darneynd. Taas oo ku tusaysa in meel kaste laga helo nooleyaal aan noolaha
kale u nixin, in kaste oo ay yar-yihiin!

Sidoo kale, meesha ay cilmibaaristaa hore inaga tuseyso in xayawaanku uu garto
isku damqasho, waxaa jirta cilmibaaris kale oo aan video-geedaba hoos idinkula
wadaagi doono, oo ina tusaysa in ay sidoo kale gartaan sinnaan iyo maxaa
caddaalad ah.

Sida video-gaba ka muuqata, waxaa la baray laba daanyeero in ay dhagax
cilmibaaradda siiyaan si ay ugu badasho khudaar. Meesha waxa yaala laba
khudaar; cinab iyo qajaar. Marka daanyeerradu cinabka ayey qajaarka ka jecel
yihiin maadaama uu ka macaan yahay.

Marka ugu horreysaa, labada daanyeerba dhagaxa marka ay keenaan qajaar baa
loogu badalay, labadoodubana way ku qanacsan yihiin laakiin mar labaadka,
marka ay dhagaxa keenaan, midbaa qajaar loogu badalay meesha midka kale cinab
laga siiyay.
Sida kuu muuqata, midka qajaarka la siiyay uu ka xanaaqay caddaalad darrada u
muuqata oo wakaa gidaarada isla dhacaya. Xitaa qajaarkii muusan cunin ee
cilmibaarada ayuu dib ugu shiiday taa oo ku tusaysa in sinnaantu ay kala
muhiimsan tahay cunnada.

Daanyeeradaa “daanyeer kale koronto ha ku dhajin!” Waxa ku yidhi aayad qur’aan
ah ma ahan. “Dantaada danta daanyeerada kale haka hormarin oo dhibtooda adiga
haku dheefsan” xadiith ku yidhi sidoo kale ma jiro. Damiirka ay la dhasheen
baa sidaa faray!

Daanyeeradaa nabi loo soo diray oo caddaalad iyo “saxiibkaa wixii uu helo in
le’eg waa in aad heshaa” baray malahan. Sinnaan iyo haddii bulshadiinna
caddaalad laga waayo naar baad galaysaan qof ku yidhi malahan! Damiir ay la
dhasheen baa sidaa faray.

Dadka waan la yaabaa markay dhahaan “diin la’aanteed bulshadu way
burburaysaa!” Si in aadamuhu uusan lahaynba damiir. Haa waa macquul in ay
diintu dadka qaar xumaha ka reebto laakiin dadkaas waxay lamid yihiin 13% -ka
daanyeerada xun, qaanuun baana celin kara.

Aadamaha ayaa noolayaasha kale kun jeer ka damiir badan haddii aan la is
xaqirayn, wixii u xun iyo wixii u wanaagsanna uu kala gartaa oo uma baahna
buugaag luuqado qalaad ku qoran oo u sheega in aysan is dilin ama aysan is
dhicin ama aysna dhulkooda dab sudhin!

Tixraacyo:

<https://www.psychologytoday.com/us/blog/your-personal-
renaissance/201608/survival-aggression-and-compassion>

– http://veg1.org/macaques.html


https://en.m.wikipedia.org/wiki/Social_inequity_aversion

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...