Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Diimaynta aafooyinka dabiiciga ah

W/Q: Gallad Gurxan
Aragtiyo 1
11.6k
·

4/6/2020

Diimaynta aafooyinka dabiiciga ah

W aligeedba wadaadadu waa ay is-xiijin jireen wax walba oo cusub e, kadib
soo if-baxii xanuunka Koroonaha, wadaado badan baa xujo-diimeed ka dhigtay
xanuunkan aafeeyay dunida, ayaga oo leh; “aaway kuwii awoodda sheeganayay, il-
ma-aragto aan loo jeedin ayaa baabi’isay, cilmigii waa fashilmay, xanuunkani
waa caro Alle oo waxba lagama qaban karo …” iyo waxyaabo la mid ah.

Wadaadadu laba goorba waxa ay ina tusayaan heerka ay ka joogaan fahamka sida
arrimuhu ama dhacdooyinku u shaqeeyaan.

Marka koobaad, xal waxaa la baadi goobaa goorta ‘sabab iyo saamayn’ doobiyaan.
Xanuunku waxa uu marayaa heerkii saamaynta oo waa xanuun cusub. Cilmiguna uma
shaqeeyo in uu xanuun iman doona daawo meel usii dhigo. Maadaama xanuunku ugub
yahay, in la fahmo ayaa ka horreysa in wax laga qabto. Xilli bilawgii la
fahmayay ama la darsayay xanuunka ayaa lagu jiraa, balse waa hubaal in bahda
cilmigu sanadkan oo aan dhamaan ay xal u heli doonaan xanuunkan. Haddaba
wadaadadu intaas ha garteen, waqtigana fursad ha siiyeen, illeen dhacdaduba
hadda uun ayay dhacday e.

Marka labaad, marka aad adigu xalka hayso ayaa lagu faanaa in aad xujo hayso.
Soo ceeb ma aha in wadaadadu ayagoo laftigoodu waxa dhacaya aanan ka warqabin
ay sheegtaan in xanuunkani yahay xujo diimeed aan la loodin karin. Waxaan
arkayay wadaadka Sheikh Umal ah oo leh, masaajidda xiri mayno, waayo xanuunku
ma gaarin heer masaajidda loo xiro. Waxaad moodaa in wadaadku sugayay inta
xanuunku ka gaarayo heerkii Wuhan (magaaladii xanuunku ka bilawday) oo kale oo
markaas uun ayuu xiri lahaa masaajidka. Wadaadadu ha fahmeen in “ka-hortagidda
aafo” aysan la macna ahayn “in aad aafada sugto.” Dawladda Kenya oo fahamsan
faa’iidada “ka-hortagga” ayaa ugu dambayn xirtay masaajidkii uu wadaadku ku
sugayay in ay aafada kusoo booqato.

Ugu dambayn, marka laga reebo diinta Islaamka, ma jirto diin kale oo ka mid ah
diimaha faraha badan ee shanta kun ku dhow ee laga aaminsanyahay dunida oo
sheegatay ama u nisbaysay in ilaaheeda oo careysani uu xanuunkani dunida kusoo
fasaxay. Wadaadada Islaamka ayaa sheegtay in xanuunkani yahay askari ka mid ah
askarta Allaah oo shaqadiisii ka qabsanaya Dhulka. Wadaadadu ayaga ha isku
keen qabadsiiyeen in ay marna ina baraan in aan niraahno, “wixii xun nafteena
iyo shaydaan ayay ka ahaadeen” marna aan niraahno xanuunkan aadka u xun ee
insaanka dabarjaraya ayaa Allaah ka ahaaday.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...