Diimaha miyaynu u baahanahay maanta?

Xilli kasta, meelkasta iyo cid kasta waa ku khalad in la aamino waxaan
caddayn ku filan loo hayn.
W. K. Clifford (1879)** **
Nolosheena haddaynu nahay noolaha loo yaqaan aadanaha waxyaabo badan ayaa
saamayn wayn ku leh si aan usii jirno ama u noolaano waxaana dhacda badankooda
aynu garanayno sababta uu jiritaankeenu ugu xidhan yahay sida Hawada, Biyaha,
galmada iyo qaar kaloo badan. laakiin waxa jira waxyaabo kale oo nolosheenna
iyo jiritaankeeda saamayn wayn ku leh laakiin aynaan garanayn ama weli is
waydiin sababta ay saamaynta intaa le’eg inoogu yeesheen, saamyntaasi ha
tognaato ama ha tabnaatee iyo baahida aan u qabno, waxyaabahaas waxa ka mid ah
Diinta.
Waxaa laga yaabaa in lagu kala duwanaado qeexitaanka waxa Diin loo yaqaan ama
noqon kara, bulsho walba micno gaar ah ayay u samaysaa waana wax ku
dhaqankeeda iyo sharraxaadeeda lagu kala duwan yahay laakiin ujeedka guud laga
siman yahay iyo saamaynteeda. Weli ma is waydiisey sababta aan diin ugu
baahannahay maanta ama aan shalay ugu baahnayn? Waxa laga yaabaa in shalay
cilmiga (science -ka) iyo garashada guud ee aadanuhu aad u yarayd, wax walbana
loo baahnaa in loo nisbeeyo jiritaanka awood sare oo aan iyada lafteeda la
hubin laakiin maanta maxay tahay baahida loo qabaa maadaama cilmigu ka
jawaabay oo furay hal xidhaalayaal badan?
Dadka qaar baa waxay ku doodaan in diintu dadka u kala sheegto xumaha iyo
wanaagga, saxda iyo qaladka, runta iyo beenta laakiin halkaa waydiin baa ka
imanaysa inaad noqoto qof wanaagsan oo tubta toosan raaca, khayrka ku dadaala,
naxariis leh ma diin baad u baahan tahay? Waydiintan jawaabteedu idinkay idiin
taal.
Haddii aan dhan kale iska taagno miyay kula quman tahay maanta oo aad
nooshahay qarniga 21aad inaad wax walba ula noqoto buug ama kitaab lagu qoray
harag xayawaan qarniyaal badan ka hor si uu maanta u hago? Miyaanad garasho
iyo damiir fayow lahayn adigu si aad waxaas oo dhan u kala garato.
Xubno ka tirsan Al-shabaab oo dhagax ku dilaya nin lagu eedeeyey gogol-dhaaf.
Waxaa laga yaaba ereyo qurux badani inay diintaada ku jiran kuwaaso faraya
dadka haysta inaanay dhicin, xadin, dilin, kufsan, been sheegin, dadakana ay u
naxariistaan laakiin isla diintaadu waxay ku faraysaa kuwa aan haysan taada oo
ah tan keliyee saxda ah in ay bannaan tahay dhacoodu, dilkoodu, kufsiga
haweenkoodu iyo addoonsigooduba, waxaa ka buuxa cunsuriyad noocya badan,
dagaal-oognimo, afduub fikri ah iyo qaar kaloo badan, waxaana adag wax ka
bedelkeeda maadama ay dadku aaminsanyihiin inay tahay runta keliyee biyo kama
dhibcaanka ah.
Si aanad wax u dilin, dhicin, kufsan ama xumaan kaleba ku kicin ma diin baad u
baahantahay? Miyaynaan odhan karin diimaha wax baahi ah uma qabno ama ugu
yaraan baahiday u qabeen awoowayaasheenii hore? Sidoo kale waa in aan ogaanaa
inta aan wax walba ula noqonayno kitaab qarniyaal badan ka hor la qoray in
gebi ahaanba garashadeenu meesha ka baxayso, weli miyaad aragateen kitaab
diimeed oo si faahfaahsan uga hadlaya una qoreya waxyaabaha aan aadka ugu
baahanay sida caafimaadka iyo Injineeriyadda ama tiknoolajiyada, jawaabtu waa
maya.
Diin la’aantuna maaha sida dadka qaar u haystaan inay tahay in nolosha laga
dhillaysto oo xadhkaha la goosto, diin la’aantu waa inaad wax is waydiiso, waa
inaad garashadaada adeegsato, waa in aan laguu fikirin ee aad adigu fikirto,
waa in aan saxa iyo khaladka ama xumaanta iyo wanaagga buug beri hore la qoray
oo duug ah lagaaga akhriyin ee aad adigu kala garataa, waa in damiirkaaga iyo
garashadaadu kugu hogaamiyaan tubta toosan aad garato.
Hawo la’aan ma noolaan karno, galmo la’aana waan dabar go’aynaa, cunto
la’aanna gaajo ayaa ina madhin bal is waydii baahida aan maanta u qabno diin,
waxaa laga yaabaa waayadii hore diimuhu inay ahaayeen waxa keliya ee dadka ku
dhiirri geliyay inay boqortooyo sal ballaaran dhistaan ama si geesinimo leh
dagaal u galaan ama ay keento maamul iyo kala danabayn wixii la garan waayana
wax aan la garanayn loo nisbeeyo si ay u sahlanaato in la noolaado.
Sidoo kale ma jiraan wax waxtar u leh aadannaha oo ay adduunyada kusoo
kordhiyeen diimuhu taa bedelkeeda diimuhu waxay inoo fududeeyaan dhaca, dilka,
kufsiga, addoonsiga iyo dhammaan denbiyada aan kula kacno walaaleheena kale ee
inaga duwan diin ama midab ahaan.
Maanta inaad qof disho si aad ilaaha aad aaminsan tahay u raali geliso
amarkiisana fuliso waa kula fududahay, amaanna waad kala kulmi kuwa kula
fikirka ah balse waxaad is waydiisa qofkan ama dadkan ilaahaagu kuu dirayo
kuna farayo inaad layso isagu ma layn kari waayey?.
Si aad xaqiiqada u gaadho waa in aad wax is waydiisaa, waa in aanad marnaba ka
daalin inaad wax walba waydiin ka keento garashada iyo damiirkuna ay ku
hagaan, waa in aanad wax walba iska qaadan taasoo keliya ayaadna ku gaadhi
karta tubta toosaan
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida