Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Diimaha iyo nafta

W/Q: Gallad Gurxan
Diimaha 0
3.0k
·

10/15/2019

Diimaha iyo nafta

Wax kasta oo jira waxa ay ka samaysanyihiin tamar (energy). Haddaba haddii ay
jirto wax loo yaqaano ‘naf’, waa qasab in ay tamar ka samaysantahay. Tamartuna
sida aynu ogsoonahay lama abuuri karo lamana burburin karo, balse waa ay qaab
badalataa uun.

Diimaha, marka ay noqoto sida ay u arkaan nafta, waxaa loo qeybin karaa laba
koox oo waa weyn; koox aaminsan in naftu meerto tahay (reincarnation) oo ay
qaab badalato, kolkastana ay u jirto si ka duwan sidii hore iyo koox kale oo
aaminsan in naf walba geerida kadib loo qaado meel kale halkaasna lagu
kaydiyo.

Diimaha aaminsan in nafta meel lagu kaydiyo illaa inta laga gaarayo waqti
go’an (Qiyaamaha) waxaa ka mid ah Islaamka, su’aalaha aanan laga jawaabi karin
ee ka dhalanaya arintanna waxaa ka mid ah, halka lagu kaydiyo dhamaan waxii
naf soo maray dunida. Ma meel ka mid ah kownkan baa mise waa meel ka baxsan
kownkan? Haddii ay saxanyihiin diimaha qaba in naftii dunida soo martay ku
kaydsantahay meel, waxay noqonaysaa in halka ay ku kaydsantahay ay tahay meel
ka mid ah kownkan, maadaama tamar ku sugan kownkan aysan u talaabi karin meel
ka baxsan kownka. Sidoo kale, ma jirto meel loo yaqaano ‘kownka dibadiisa’ oo
ka baxsan kownka.

Diimaha aaminsan in naftu meerta tahay sida Hinduugga, Buddhisma-ka, Sikhism-
ka, Jainism-ka IWM ayaad moodaa in ay macno samaynayaan haddiiba ay sugnaato
jiritaanka wax ‘naf’ loo yaqaano, waayo sida ay u sharxayaan waa si la
jaanqaadi karta hab-dhaqanka tamarta.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...