Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Dib-u-sixidda afkaaraha diinta islaamka, laba daran mid dooro

W/Q: Qoraa Dahsoon
Diimaha 0
4.5k
·

12/16/2019

Dib-u-sixidda afkaaraha diinta islaamka, laba daran mid dooro

M owduuca dib usixidda afkaaraha diinta islaamku waa mid kamid ah
doodadaha dhowrkii dabshid ee ina dhaafay ka daaran bulshada soomaaliyeed
dhexdeeda iyo guud ahaanba dunida islaamka oo dhan. Waa arrin aad loogu baahan
yahay. Mase fududa oo waa arrin caaiiqdo iyo diin la xariirta.

Hadaba maxaa khaldan oo la saxayaa?. Waa su’aalaha ugu badan ee la isku qabto
markii barnaamijkaan laga doodayo. Wax badan baa qaldan haddii caqliga aan loo
xeerinayn xurmaynta afkaaro wadaadeed. Afkaaro duugoobay. Afkaaruhu waa kuwa
ka turjumaya dhamaan afarta tiir ee diintu ku taagan tahay.

Hadaba markii caqliga la adeegsaday, maankana la furay waxaa soo baxday
ceebaha afkaaro diin iyo kuwa dhaqanba oo daboolnaa. Waxay noqdeen afkaaro
khaldan, is diidan oon la jaanqaadi karin wacyiga iyo wakhtigaanba.

Afkaaruhu siyaalo badanba waa ku ceeboobeen. Qaar cilmi ahaan ayaa loo haystay
oo waa la dumiyay, kuwo ayagaa iska horyimid halka kuwa kalana ahaayeen dhaqan
bulshada carbeed lahayd se la diimeeyay waayadii dhexe ee diinta islaamka
gaartay dhulal badan oo maanta laga haysto iyada.

Hadaba caqabadda ugu wayn ee hortaagan dib usixidda afkaaraha diintu waa
quraanka. Oo quraanka laftirkiisa ayaaba asal u ah maan-gad (logic fallacies).
Sidee laga yeelayaa? Ma lama taabtaan baa quraanku? Isbadal ma ubaahan yahay
asagu? Maxaase xal ah?

Markay arrintu halkaas marayso labo dookh un baa inoo furan wax saddexayn
karaayi ma jiraan. Waana laba daran mid dooro: Reform project ama R e-
enterpretation project.

Reform project ama barnaamijka dib-uhabaynta diinta. waa in isbadal oo dhan
uu quraanku ugu horreeyaa oo sal iyo baarba looga baxaa, wixii isdiidooyin,
maan-gad ama khalad ah oo dhanna laga saaraa. Maxaa yeelay quraanku waa isha
koobaad ee diintuba ku taagan tahay waana halka ay sartu ka qurunsan tahay! In
isaga mudnaanta kobaad lasiiyaayi waa waajib haddii larabo in wax la saxo.
Arrinkaanina waa mid aad iyo aad u adag oo aysan fududayn hirgalintiisu!!!

Re-enterpretation project ama dib-ufasirida afkaaraha diinta oo dhan.
Barnaamijkaani waa midka imminka ay adeegsadaan qolyaha raba in wax la saxo oo
la hagaajiyo. Wuu ka fudud yahay kan hore laakiin maahan dookh xal waara keeni
kara. Waayo fikraddii la diidanaa ayunbaa micna kale loo samaynayaa ee waxba
ka badali maayo.

Hadaba bulsha waynta muslimiinta ah oo dhan waa ka siman yihiin baahida loo
qabo dib usixida diinta islaamka. Dadka soomaaliyeedna badankiisu waa islaam.
Waana dadka ugu ad-adag ku dhaqan keeda. Hadaba labadaas khiyaar (option) een
soo xusnay wixii laga yeeli lahaa ayaa loo baahan yahay.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...