Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Dib u habaynta diinta Islaamka

W/Q: Cali Barre
Aragtiyo 0
12.3k
·

1/7/2017

Dib u habaynta diinta Islaamka

W ax badan baa laga dhahay malmahaan “dib-u-ahabeenta islamka” si looga
hortago aragtiyada kooxaha mayalka adag sida daacish. Fahanka muslimiinta
maanka-furan sida muslimiinta cillmaaniga ah ee ku dhisan in quraanka iyo
axaadiista la siiyo macno cusub, waa mid aan wax badan kaga duwaneen kan
kooxaha mayalka adag. Macno cusub siinta ayadaha quraanka iyo axaadiista, oo
ah isla game-ka ay kooxa mayalka adag ciyaaraan, ma ahan mid isbadal soo
kordhineysa aan ka eheen inay siineyso kooxaha mayalka adag sharciyad iyo
fursad ay dib ugu soo laabtaan garoomada.

Aragti ahaanteyda, haddaa nahay muslim waxaan u baahanahay inaan tillaabo
geesinimo ku dheehan tahay aan horay u qaadno, oo aan naqdi dusha kala dhacnaa
fikrada oraneyso quraanku waa macsuum ama lama-tabtaan, qaladna ka maran. Tani
shook iyo argagax bay ku noqon muslimiin badan oo lagu soo abaabiyay fikradda
ah in quraanku yahay hadalkii alle oo barax-la’, balse muslimiinta qaar ayaa
mar-hore qaatay.

Mufakiriinta sida Abdul kariim Soroush ee reer iiranka ah, Sayyid Al-Qabbanji
ee reer ciraqiga ah, iyo Saciid Nashiid ka marookaanka ah, aaya ka mid ah kuwa
su’aalo badan ka keenay aragtida ah in quraanku hadalkii ilaah oo qalad ka
maran yahay.

Siciid
Naashiid

Saciid Nashiid, tusaale ahaan, wuxuu buuggiisa cusab ee “Modernity & the
qu’ran”
ku leeyahay ” quraanku ma ahan hadalkii ilaahey, sida uusan roodhigu
u ahayn wax soosaarka tooska ah ee beer-falaha. Eebbe wuxuu soo saaray kaliya
maadada cayriinka ah (raw material) ee ah waxyiga, sida uu ninka beeraleyda
ahi u soo saaro maadada ceyrinka ah e qamadiga, balse kan u badalaayo roodhiga
waa ninka foornada iska leh, isagoo u kaashanayo xirfaddiisa shaqo iyo hal-
abuur si uu u soo saaro nooca ugu qiimaha badan kuna habboon macaamiishiisa.
Si taa la mid ah, nabigu waa kan ka musuulka ahaa inuu waxyiga ee ah madada
cayriinka ee quraanka u badalo hadal isagoo ka faa’iideysanaya awoodihiisa
bini’aadaneed, si uu u soo saaro hadal ku habboon xaaladda iyo meesha la
joogo.

Maxay tillaabadan oo kale muhiim u tahay? Sababtu waa in markastoo aad awood u
yeelato inaadan ku difaacin fikrad “Eebaa yiri” kaliya, waxaad abuureysaa
garoon cusub oo ay firkradaha xun-xun iyo kuwa wanaagsan ay si siman ugu
baratami karayaan. Taasne waxay noo ogolaaneysaa in mandiqa iyo maan-galnimadu
(reason) noqdaan kaliya waxa aan wax ku aqbalno ama aan ku diidno, halka aan
ka dhihi leheen “way qorantahy” iyo “eebaa yiri”. Markaa uma baahnin fasiraad
tirabadan iyo inaan macnaha ka badalno aayadaha qaar, oo aan macno cusub qasab
siinaa.

Inta aan diidannahay inaan aqbalno fikradda ah in quraanku yahay hadal
bini’aadan, waxaan ku qasbanaaneynaa inaan game-ka kooxaha mayalka adag
dajiyeen ciyaarno, inagoo ka gacma maran hubka kaliya ee aan kaga adkaan karno
kooxahaas. Kaliya markaan garawsanno in quraanka iyo xadiiska noqon karaan wax
aan qalad ka marneen, markaas uunbaa “islaamka” xabsiga uu ku jiro ka saari
kareynaa. Islaamku wuu ka ballaaranyahay quraan iyo xadiis kaliya, waa
aragtiyaha, xigamadaha, dhaqanka boqolaalka milyan ee dadka ah laga soo
bilaabo qarnigii todobaad ee miilaadiga.

Diinta, macneheeda asaasiga ah, waa qof raadinaya wax uusan garaneen, waa
waddo lagu raadiyo daganaansho, awood, iyo macno, dunidaan aadka u adag ee uu
qofku ku dareemaayo taag-darri badan. Ma ahan badalka maanka ee waa
garabkeeda.

Waxaad u fiirsataa badi dadka rumeeysan diimaha, ma ahan badankoodu kuwo xataa
garanaya waxa kitaabkooda barakeysan uu dhahayo. Waxay ka yaqaanaan kaliya wax
yar ama waxba kama garanaayanba. waxaa diin u ah iyaga kaliya wixii ehelkoodu
u sheegeen, sida salaadda, soonka, sadaqada, caawinta dadka tabaaleysan, nabad
jeceelka, dagaal neceebka…iwm.

Waa kaas islaamka qofka caadiga ah. Balse kooxaha mayalka adag waxay rabaan in
islaamkaas ay burburiyaan. Waxay rabaan in islaamka ay ku soo kooban “qoraal
cimrigoodii tagay”, oo ay ka saaran caqli-galnimada, kana hor-is-taagaan
horumarka. Waxay rabaan inay inoo celiyaan 1,400 sano ka hor iyo duruuf ka
gadisan duruufteena, waxay kaloo rabaan inay islaamka ku soo koobaan caqiido
iyo xuduudaha jir-dilka ah. Islaamku waa inuu macnihiisu noqdaa, sidaad qof
bini’aadana oo wanaagsan u noqon leheed, sidaad naxariista, jeceelka, iyo
waxtar kaada dadka kale u gudbin leheed.

Fikradda ah in quraanku yahay hadal bini’aadan ma ahan mid burburineysa
islaamka, kaliya waxay burburineesaa fikradaha maan-galka eheen. Amaa inteenna
kale waxay naga xoreyneysaa xabsiga aan ku jirro, waxay albaabada u fureysay
maan-galnimada, taas oo noo suurta galineysa inaan diinta wixii fiican ka
qaadanno wixii xunna aan ka tagno. Islaamku uma imaan inuu badalo maskaxda uu
eebe nagu manneestay.

Waan ogahay dadka qaar waxay dhihi doonaan islaamku waa caqiido cad oo dhab ah
oo aan is badalin, basle anigu waxaan leeyahay, waa laga yaabaa in xaqiiqo
biyo kama dhib caan ah jiri karto, laakiin haddaa nahay bini’aadan xaqiiqadu
xaggeena waa nisbi, waxayna nisbi u tahay aqoonteenna, fahankeenna, bey’ada
iyo waqtiga aa nool nahay, inaguna maadaama aan is bad-badaleeno, xaqiiqduna
waa nala mid. Taas waaye sababta ay tahay in diintu isbadashaa, oo ay horumar
sameysaa. Diinta aan isbadalin, diin maahan, ee waa jahli iyo aqoon daro. Waa
jahli maxaabiis nooga dhigaayo waqti laga soo gudbay.

W/Q: Xassan Radwaan
W/T: Cali Barre
Isha qormada: The guardian

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...