Dhulka ma innagaa na loo abuuray?

D hulkaan aan ku dhaqannahay korkiisa boqolkiiba 71 (71%) waa bado ayna
dadku ku noolaan karaynin. Boqolkiiba 29-ka (29%) soo hadhay, saddex u dhig
hal dhig, ama 33% waa saxaro iyo lama dagaan. Halka dhig ee soo haray, 20
million oo kilomitir in kabadan waa qaaradda Antarctica iyo Arctic oo ah baraf
iyo lama dagaan uuna dadku ku noolaan karaynin noloshuna suurta gal ku ahayn!
Glacier-ka
Biyaha adduunkaan laga helo 96% waa biyo dhanaan oo uuna dadku cabbi karayn.
4%-ta soo hadhay ee ah biyaha macaan, 68% kamid ah waa biyo kujira barafyada
iyo Glaciers-ka laga helo meelaha aadka u qabow sida qaarada antaractica.
Waana biyo ay adagtahay in ay uunku manfacsadaan.
Dhirta ka baxda dunidaan guudkeeda waxaa lagu qiyaasaa in ay tahay ~400,000 oo
nooc. Bini’aadamku laakiin wuxuu ka cunaa wax aana dhamayn 200 (0.05%) nooc
bes. Waxa kale waa wax sun ah, wax uuna dheefshiidkeennu xamili karayn ama wax
aana nafaqo iyo faa’iido inoo lahayn!
Xoolaha adduunkaan ku nool waa 8.7 milyan species ama noocyo. Waxaan ka cunnaa
kaliya dhowr nooc oo xattaa boqollay ahaan ahayn wax la sheego. Badankooda ma
naqaanno ama ismaba aragno. Inta soo hadhayna waxay isugu jraan kuwa inana
dila, cudurra inoo keena, kuwa sumaysan ama kuwo wax ma galaan waxna ma
gooyaana oo waa iska cayayaan ah.
Iyadoo ay sidaas tahay haddana intaas naloogama harin ee intii yareyd ee
dhulka inooga soo hartay waxaa inoogaga dabo yimid daadad, duufaanno,
sunaamiyaal, dhulgariiryo, fulkaanooyin iyo kumannaan dhacdooyin oo burbur iyo
dhibaato mooyaanee uumiyaha manfac u lahayn!
Intaas aan soo carabaabay iyo kumannaan kaloo aana inta lagu wada xusi karayn
ayaa sababay in 99.9% noocyada noolayaasha ahaa ee dunidaan ku noolaan jiray
ay dabar go’aan! Hadda nooc(species) marka laga hadlayo ma’ahan hal geel iyo
laba geel ee geela ayaa nooc(species) la isku dhahaa.
Maantadaan la joogo 150 nooc oo noolayaasha kamid ah ayaa dabar go’a oo waxba
ka harin subax kasta ooy qoraxi soo baxdo. Waa ayadoo maalinkasta adduunka uu
ka tirmo wax geel, ari, faras iyo shabeel(ilaa 150 gaarsii) la yidhahado oo
dhan oo dambe dib loo arkayn!
Mooro mala oran karaa xeen ari ah baa loo ooday haddii 90% mooradaas ay tahay
meel uuna arigu ku noolaan karayninba? Haddii inta soo hadhayna ay tahay meel
bahalo galeen ah oo ayna ku hoyan karayn habeen qudhaa xataa ayagoona geesaha
iska eegayn? Haddii sun iyo cudur iyo waxkasta oo dhiba ay meesha kula oodan
yihiin? Haddii 99.9% kamid ah ay meesha ku dabar go’day dhibaato lagula xiray
moorada awgeed?
Dhulkaan ma’ahan wax shay caqli badan oo naxariis badan oo aana qaldamin uu u
abuuray si noolayaasha, qaasatan dadka ay ugu noolaadaan ee waa dhagax cireed
qorraxda ag heehaabaaya oo ay noloshu isku nabayso iyadoo ay waxkastaba isku
dayayaan in ay dabar gooyaan.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida