Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Dhoohanayaal!

W/Q: Cabdikariin Shardi
Sheeko Faneed 0
4.5k
·

1/7/2020

Dhoohanayaal!

M arka hore waan ku salaamay. Waxa aan hadda ku fadhiyaa kursiga aad igu
fadhiisisay. Waxaan gacanta ku hayaa qalinka aad ii dhiibtay. Waxa aan
xidhanahay suudka aad sababteeda laheyd in aan xidhto. Xafiis seddex mitir ah
baan ka soo dhex salaamayaa. Waa xafiiski aad adiga i geysay, lakiin miyaad
iga qaadan kartaa? Xaasha. Waa hanti aad i amaahisay, lakiin aad dib iiga
dhigtay sida wax aan leeyahay oo kale, ilaa aad i garsiisay in aan aaminay
inaanba leeyahay. Ma aqaan halka ay garashadu kaa aadday. Ma aqaan
dhoohanaanta halka aad ka keenaty. Ma garan damiirkaan xun halka uu kaaga
yimid. Mar walba waxa aan is weydiiyaa damiir xumadaada. Waxa aan shar u arkaa
so jeedkaada, waxa aana farxad ii ah hurdadaada. Magac-laawe baan ahaa, lakiin
adiga baa magac aan mansabkeeda laheyn i huwiyey. Wa akan adiga ii mashxarada,
i buubuuniya iina sacab tuma kolka aan khudbeynayo, ma fiirisid waxa aan ka
hadlayo iyo sababta aan u hadlayo, laakiin waad uun isaga keey sacab tuntaa.
Baraha bulshada baad iga ammaantaa. Sababta ugu weyn ee ammantaas waa uun
labo, midda kowaad waa uun in aan isku qabiil nahay, midda labaad ee suurta
galka ahna waa uun in aad iska aamintaa waxqabadka iyo tookha beenta ah ee aan
warbaahinta ka jeediyo.

Darteey baad dad u colaadisay. Darteey baad qabiilo iyo ummado u u
aflagaadeysay. Marka aan dhaca, boobka, musuqa, caddaalad darrada iyo eexda ku
kacaba waad ii cudur-daartaa, oo dadka aan dulmiyey baad sii dulleysataa.
Fadhi-ku-dirirka iyo goobaha dadka isugu yimadaan aad baad iiga faanisaa. Been
aan boor lagu qarin baad iga shegtaa wax aan anigaba u dhaaran karin baad u
dhaarataa, haddane anigu, adiga iyo kuwa kaleba waxba iskuma keey dhaantaan oo
wadajir baan idin qiyaamay. Cajiib!

Waxa aad tahay labaatan jir waqtiga kaga lumay ammaanteyda, kor u qaadideyda
iyo difaacideydaba, weliba aniga oo had iyo jeer ku howlan boobka hanti aad
iiga xaq badantahay. Marmarka qaar baan layaabaa aniga oo konton jir ah sida
aan u dulleystay wiil ama gabadh yar oo labaatan jir ah. Wallee libaax baan
ahay. Habeenkii marka aan arko adiga oo baraha bulshada ama warbaahinta iga
ammaanaya igana difaacaya, dad iga soo horjeedana isirkooda iyo faracooda u
gafaya, awliyo aan marnaba laga soo horjeesan karin igu tilmaamaya. Waan
qoslaa weliba qosol gariir ah.

Waxaan xasustaa maalintaad ii safneedeen garoonka aan kasoo degayey. Haah, si
wanaagsan baan u xasustaa, gabarti yareyd ee xabadka sawirkeyga kaga dhaganaa
iyo wiilka koofiyada magacakeyga ku xardhanaa watay. Sidoo kale waxaan
xasustaa maalin aan ku baaqayey bannaan baxa sida aad wada jirka ugu
ajiibteen, runta baan idin shegayaa xittaa anigu ismaan laheyn sidaa beey ugu
soo baxayaan hal khudbo aad jeedisay. Waxa aan iska dhigayey nin u naxayo
dalkiisa. Nin idin daneynayo, lakiin waan hubaa xitaa haddaan idin sheegi
lahaa in aan khaa’in ahay dad isoo ajiiba oo bannaan baxa sameeyo lama
waayeen! Dhoohanayaal.

Waxa aan ku tunto waa adiga shacabka ah. Aad baan kuugu tuntaa. Waan ku
dhacaa. Xoolahaaga baan bobaa. Waxba kuuma reebto, haddane waa adiga shacabka
ah cidda ii hiilisa. Cidda aan ka helo garabka weyn. Cidda i fahansiisay
anigoo miskiin aan waxba kala ogeen ah in aan wax noqon karo, oo aan dad dhan
addoonsan karo. Addoon baad ii tahay. Weliba addoon dulman baad ii tahay.
Xaqaada baan bobaa haddane adiga baa ii hiiliya. Oo sidee qof aad boobto kuugu
hiilin karaa? Xitaa aniga baa isweydiinaya ilaa iyo hadda.

Haddii aan caawa ku dhawaaqo in berrito qorraxda koonfur kasoo baxeyso,
qaarkiin baa dhihi doono waa suurta gal. Haah, qaarkiin ayaga oo og in eeysan
macquul aheyn beey dhibsan donaan in eey didaan hadalkeyga beenta ah. War
tolow badanaa waxa aan dadka u sheegay!

Maxaan dadkaan u qabtay? Horta weligaa ma isweydiisan waxa aad igu tageerto?
Kuwa har iyo habeen i garab taagan maxan u sameeyey? Miyeeysan is weydiin
aqoonyahanka iyo siyaasiga aan sheegto run ahaan shahooda? Kuwa aan weligood i
arkin, waxba aan u qaban, wax aan u qabto iska daaye aan dhawr jeer dhacay baa
haddane ammaan i huwiya kol walba. Damiir xumaa kuwaan! Dhaqan ku qaab-daranaa
kuwaan. Waa kuwaan shacabka ah. Waa kuwaan wax magaratada ah. Waa kuwaan hadba
meeshi la rabo loo wato. Waa kuwa aad adiga kamid tahay. Waa kuwa iska aamina
markii aan danteyda dan guud ka dhigo. Waa kuwo aan u yeerto kolka aan rabo,
markii kalena iska kala ceyriya. Tolow kuwaani Dhoohanaa!

Muddo dhawr iyo toban sano ah baan “siyaasi” ahaa. In yar oo aan xil hayey
mooyee intii kale waxa aan ahaa sharwade. Qaran dumiye iyo qabyaaladiiste.
Intaasba waxa aan heystay garab aan dhicin. Anigu weligeey ma bannaan bixin
waa uun ku baaqaa. Aniga weligeey baraha bulshada iskuma faanin. Waa uun
leeygu faaniyaa. Aniga weligeey isma soo dhaweyn waa uun leey soo dhaweyaa.
Siyasiyiinta waan is qabanaa, laakiin durbaba waan heshiinaa, balse dad badan
oo i taageera darteey beey siyasigaas kaga go’aan.

Waxa aan heystaa oo ii adeega ‘MA LIIBANAYAAL LAGU LIBAANO!’

Waxa aan kala furfuray waxyaabo badan oo qarankaan muhiim u ahaa. Waxa aan
dudumiyey barnaamijyo badan oo waxbadan kuu tari lahaa, lakiin waa adiga
shacabka ah cidda iga caawisay burburinteeda. Miyaad maleynesaa in siyaasi aan
tageero shacabka ku laheyn wax uun habba yaradanee sameyn karo? Maye nabee. I
aamin MAYE baan mar labaad kuugu celinayaa. Habeen walba baan isweydiinaa
keenna taageerada leh iyo keenna aan laheyn, midkeen leh qaska baan ku
dhiirragallinaa midka aan laheyne inuu Siyaasadda isaga baxo baan kula
talinaa. Hadda ogoow idinka oo shacabka ah baad tihiin garab lagu duulo laguna
duulo! Waa idinka cidda lagu tunto, xoolahoodana la dhaco, haddane waa idinka
cidda eey ka suurto gasho in aan siyaasi sii ahaado. Waxaa laga yabaa in aad
la dhacsantahay xaqdarrada aan qolo gaara ku haayo adiga oo mooda in aan kuu
daneynayo oo aan adiga ku taaban doonin. Taasi waa qaraw maalmeed.

Waxaa idin madax maray qabiil iyo qabyaalad. Garashadiina waa mid aad u
liidato. Waxa aad qaxooti kutihiina inta badan dalalka caalamka. Qaarkiin baa
dalka gaajo ugu dhimayo. Carruutiina iyo dhalankiinna waxbarasho ma helaan,
kuwa helana waxbarasho liidato beey bartaan. Hoyooyinkiinna jidadka beey ku
umulaan. Labaatan jirkiinna darteey buu usoo jeedaan ma harsado mana hooydo.
Gabdhihiinna waddooyinka baa lagu kufsadaa. Odayaashiinna waa caadaqaatayaal
ii shaqeeya. Kuwa nabad-doon isku sheega ah baa idinkugu horreeya kuwiina aan
xisaabta laheyn ee i garab gala. Gunnooyin badan baan afka u dhigtay oo eey
hay’ado idinkugu deeqeen. Intaas iyo kabadan baan idinku sameeyey. Inta qof la
dulleysto baan idin dulleystay. Waan idin dhagray, welina dhagar aad
mustaqbalka dhaw iyo midka shishaba ka qoomameyn dontaan. Haddane weli waa
adiga shacabka ah cidda garabka ii ah. Adiga ayaan ku dhagrayaa adiga ayaana
keensanayan qalabkii aan kugu dhagri lahaa. Markanaan idinla hadlayo
waddaniyad baan jilaa, qiiro isha baarkeed ah baan iska kenaa. Saas baad iigu
sacabtuntaa oo aad igu aamintaa.

Miyeey garashadaadu is baddeli dontaa? Adiga shacabka ah baan la hadlayaa.
Adiga dhalinyarada ah ee nolosha curdunka u ah. Miyaad ii oggolaan dontaa in
aan mar labaad ku duleysto? Damiirku dib ma idinkugu soo noqon donaa?
Garaadkiinu qabiil iyo ina hebel ma dhaafi donaa? Qabiilka aan ku awr kacsado
ma dareemi doontaan? Dalkaan aan kusoo tagri falay in badan ma iga ceshan
dontaa? Kuwa had iyo jeer darteey u xiiqa weliba aniga oo aan ogeyn tolow maka
waantoobi donaan? Addoonsiga aan kugu haayo maka bixi dontaa? Waa weydiimo
adiga kuu yaal. Waa adiga hadda aqrinayo qoraalkaan. Ii ogolaaw in aan mar
labaad ku dulleysto ama iska keey buri oo ii diid. Koleey waa adiga iyo
dokhaada.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...