Dhaxalka iyo Islaamka

D iinta Islaamku waa diinta labaad ee ugu dadka badan, waxa haysta dad ka
badan 1.7 bilyan oo qof. Haddaba qormadeenan kooban waxa aynu ku eegaynaa
diinta Islaamka iyo sida ay xaquuqda bin’aadamka ku tahay? siiba ta dumarka?
marar badan waxa ay muslimiintu ku doodaan in diintoodu ay tahay diin nabadeed
iyo sidoo kale in ay tahay diin dumarka u caddaalad fashay, dulmi iyo
xaqdarrona ka dhawrtay. Qodobadaas kolka aad si waaqici ah u eegto ma aha kuwo
xaqiiqo ah ee waa afgobaadsi iyo been-abuur. Danta ugu weyn ee beentaas loo
faafinayaana waxa ay tahay in caamada lagu soo jiito ama lagu sii hayo
diintaas. Dulmiga ay diinta Islaamku ku haysaa dumarka ma aha wax la soo koobi
karo. Dhankii aynu eegnoba dumarku waa ay ku dulman yihiin diintaas Islaamka.
Laga soo bilaabo in la yidhi cawraad tihiin oo muxrAm la’aan(qof ehel ah) ma
bixi kartaan meelna ma aadi kartaan. Waa addoomo u ahaada ehelkiina ama
ninkiina, muxram la’aantaasi waa wax ma baran kartaan oo ma shaqaysan kartaan,
dano gaar ahna ma yeelan kartaan. In la yidhi haddii aad ninkiina oo idiin
baahan idinka oo aan diyaar ahayn malaa’ig baa idin nacladaysa ilaa waagu ka
baryayo. In la yidhi idinka iyo eyduba(Eyga) salaadda waa aad jebisaan, oo la
la simay xayawaan islaamku u aqoonsan yahay nijaas. Waxa aynu qormadan kooban
ku eegaynaa sida diinta Islaamku dumarka ugu dulmiday dhanka Dhaxalka, ee ay
ragga ugu sadburisay.
Cilmiga Dhaxalku waa cilmiga qaybsashada xoolihii uu ka tegay marxuumku; cidda
qaybsanaysaa waa ubadkii, walaalada, xaaska/ninka, hooyo/aabbe ama/iyo cidii
kale ee qofkaas dhintay dad u xigtay. Marka dhaxalka la joogo sidii aynu soo
sheegnay diinta Islaamku si caddaalad ah ugu ma ay xaqsoorin dumarka iyo ragga
walaalada ama ehelka kale ah ee qaybsanaya xoolaha marxuumka . Illaahay wuxuu
kitaabkiisa ku sheegay in ninku u dhigmo labo dumar ah kolka dhaxalka la
joogo, oo uu qaadanayo in le’eg inta ay laba dumar ahi qaataan ( لِلذَّكَرِ
مِثْلُ حَظِّ الْأُنثَيَيْنِ). Haddii marxuumku ka tegay wiil iyo laba
gabdhood, waxa ay noqonaysaa in ay si isle’eg u qaybsadaan, wiilkii oo dhinac
ah xoolihiina badh qaadanaya iyo labadii hablood oo dhinac ah xoolihiina badh
yeelanaya. Haddii qofkii dhintay uu ka tegay hal wiil dhammaan xoolaha waxa
qaadanaya wiilkaas, se haddii uu gabadh ka tegay xoolaha ma wada qaadanayso ee
badh ayay qaadanaysaa, badhka kalena ehelada ayaa qaybsanaysa.( وَإِن كَانَتْ
وَاحِدَةً فَلَهَا النِّصْفُ). Xittaa haddii uu gabdho badan oo toban gaadhaya
uu ka tegay marxuumku ama marxuumaddu marna ma wada qaadanayaan xoolihii
100/100, halka wiil keliyi qaadan karo 100/100. Haddii ay badan yihiin hal
gabadh waxa ay qaadanayaan saddex meeloodow laba meelood 2/3. (فَإِن كُنَّ
نِسَاءً فَوْقَ اثْنَتَيْنِ فَلَهُنَّ ثُلُثَا مَا تَرَكَ).
Dhanka xaaska iyo ninka aynu Iyana ka eegno, tolow iyaka ma loo caddaalad
sameeyay? Haddii ninku dhinto oo aannu wax carruur ah lahayn waxa ay
xaaskiisii qaadanaysaa rubuc ¼ xoolihii ninkeeda, se haddii gabadhu dhimato
iyada oo aan wax carruura lahayn ninku waxa uu qaadanayaa kala badh ½ xoolihii
gabadha. Haddii ay carruur leeyihiin ninku waxa uu qaadanayaa ¼ halka ay
gabadhu qaadanayso 1/8. (وَلَكُمْ نِصْفُ مَا تَرَكَ أَزْوَاجُكُمْ إِن لَّمْ
يَكُن لَّهُنَّ وَلَدٌ فَإِن كَانَ لَهُنَّ وَلَدٌ فَلَكُمُ الرُّبُعُ مِمَّا
تَرَكْنَ مِن بَعْدِ وَصِيَّةٍ يُوصِينَ بِهَا أَوْ دَيْنٍ وَلَهُنَّ الرُّبُعُ
مِمَّا تَرَكْتُمْ إِن لَّمْ يَكُن لَّكُمْ وَلَدٌ فَإِن كَانَ لَكُمْ وَلَدٌ
فَلَهُنَّ الثُّمُنُ مِمَّا تَرَكْتُم)
Intaas waxa raaca dhaxalka waxa laga qaybgeliyaa adeerka iyo inaadeerka se
marna laga ma qaybgeliyo eeddada, habaryarta, gabadha ay marxuumka ama
marxuumada ilmaadeerta ahaayeen, sidoo kale abtiga laga ma qaybgeliyo,
sababtuna waa in uu dhanka hooyada ka soo galay qoyska. Sidaas oo ay tahay
haddana dadka Muslimiinta ahi waxa ay rumaysan yihiin in ay dumarka sharfeen
oo ay dhexdooda caddaalad ku haystaan. Marka loo eego Carabtii nebigu ka soo
dhex baxay iyo sidii ay dumarka ula dhaqmi jireen waa ay uga dhawyihiin
caddaalad, se ummad kale iyo dunidan casriga ah in ay caddaalad sheegtaan ma
aha.
Dulmigaas waxa ka dhiidhiyay dhallinyaradda waddanka Marooko (المَغْرِب) ee
waqooyiga Afrika oo bilaabay sannadkan horraantiisii, ururinta saxeexyo ay
baarlamaanka iyo dawladda kaga codsanayaan in wax ka beddel lagu sameeyo
sharciga dhaxalka. Iyaga oo ku sababeeyay codsigoodaa caddaalad darro iyo
sinnaan la’aan ka dhex jirta hab qaybsiga labka iyo dheddiga. inkasta oo aan
weli la hir gelin haddana waa arrin miiska saaran oo doodeedii weli socota.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida