Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Dhaqanka iyo diinta: qaar baa cuna hilibka dadka dhintay!

W/Q: Gallad Gurxan
Dhaqanka 1
6.7k
·

5/19/2019

Dhaqanka iyo diinta: qaar baa cuna hilibka dadka dhintay!

Digniin: Sawiro muujinaya maydka dad dhintay ayaa ku jira qormadan.

D unida waxaa ka jira dhaqamo kala gedisan, tusaale dhaqanka Bushman-ka ku
nool lama dagaanka Kalahari ee Koonfurta Qaaradda Afrika, waxaa ka caadi ah in
dumarku inta kore ka dhar la’aadaan. Qaawanaantaasi waxba ugama duwana, sida
aan anaga u aragno dhar xirashada; raggooda kuma ashqaraaraan, kumana
dhaygagaan dhar li’ida dumarkooda. Waxaa la mid ah Turkana-da iyo qaar kaloo
badan.

Ragga qabiilka Yanomami

Qabiilka Yanomami-ga ee ku nool kaymaha Amazon-ka, qaasatan xadka Brazil iyo
Venezuela, waxa ay leeyihiin dhaqan ah in ay cunaan hilibka qofka dhintay ee
sokeeyaha ah. Falkani ayaga waxba ugama duwana, sida aad adiguba u cunto
hilibka geela. Uma lahan wax dareen gooni ah, ama wax isla yaab ah, marka la
barbar dhigo waxa aad adigu hadda dareemayso.

Qoys ka tirsan qabiilka Toraja ee Indonesia oo la taagan xubin kamida
qoyskooda oo dhintay laba sano kahor

Bulshada Toraja-da ee Indonesia waxa ay leeyihiin dhaqan cajiib ah, kaas oo
qofkii dhintay beri hore uu wali lasii noolaanayo kana mid ahaanayo qoyska.
Xilliyada qaar maydkii ayaa lagusoo wareejinayaa, loona soo bandhigayaa dadka
degaanka asaga oo si fiican loo nadiifiyay, looguna labisay. Arrintani ayaa
waxaa ay u arkaan dabaal deg soo laabasho. Waxaa dhaqankooda ka mid ah oo aan
ceeb ahayn in uu maydku la noolaado kana mid ahaado qoyska oo waxa ayba ula
mid tahay sida qofka nooli uga midka yahay qoyska, wax argagax iyo dhibaato
ahna kuma qabaan arintan.

Sawir muujinaya qaab labiska carabtii hore

Carabtii hore waxa ay lahaayeen dhaqanka ah in ay duugaan gabdhahooda, iyo in
ay u labistaan qaabka aynu maanta ku naqaano ee ah xirashada qamiiska,
cimaamada iyo cigaalkaba. Dhaqanka duugista iyo hab labiska waxa ay ahaayeen
kuwo u gooni ah carabta oo aysan la wadaagin bulshooyinka kale ee ku dhaqan
daafaha caalamka, sida dhaqanka qabiilka Yanomami-gaba uu ayaga ugu goonida
yahay dhaqankooda ah cunista hilibka maytida qaraabada ah.

Nabi walba oo kasoo baxaa bulshooyinka aan kor ku xusay, waxaa hubaal ah in uu
in badan ka hadli lahaa dhaqanka dadkiisa, asaga oo u arkaya in dhaqankaasi
yahay mid caalami ah. Dhaqanka carabta waa dhaqan ay gabadhu cawro tahay,
sidaa daradeedna in badan waxaa xoogga la saaraa in la asturo gabadhaas
cawrada ah, halka dhaqanka Turkana-da iyo Bushman-ka Kalahari aysan wax cawra
ah uga muuqan gabadha qaarka hore ka dhar la’.

Waxa ay sheegaan in Qur’aanka basharka oo idil loo soo diray, haddana waxaa ku
jira oo waliba ku badan aayaddo ku kooban dhaqanka carabta uun oo aan wax
xariir ah la lahayn caalamka intiisa kale, tusaale:-

وَلَا تَقْتُلُوا أَوْلَادَكُمْ خَشْيَةَ إِمْلَاقٍ ۖ نَّحْنُ نَرْزُقُهُمْ
وَإِيَّاكُمْ ۚ إِنَّ قَتْلَهُمْ كَانَ خِطْئًا كَبِيرًا (31)

Aayadani oo ka tirsan Suuradda Israa, Allaah waxa uu uga digayaa carabta in ay
dilaan ilmahooda, oo ay aasaan gabdhahooda, ayaga oo ka cabsanaya faqri,
Allaah waxa uu leeyahay, anaga ayaa quudina ayaga iyo adinka waalidka ahba,
marka dilkoodu waa khalad aad u weyn.

Waa in aynu kala garanaa, oo aan kalana soocnaa dhaqanka carabta iyo diinta.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...