Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Dhaqanka carabta iyo dumarka

W/Q: Shaafici Xasan Maxamed
Dumarka 1
13.8k
·

10/1/2018

Dhaqanka carabta iyo dumarka

D haqanka carabtu diinta islaamka ka hor buu ku xeeldheeraa in lagu
mashquulo oo aad looga fakaro lugaha dumarka dhexdooda, waana sababtii keentay
in ay qaarkood gabadhii u dhalata xabaalaan iyada oo nool, waayo lugaha
dhexdooda ayey ceeb ku wadataa. Waxaa carabtii hore duugista gabdhaha u
dheeraa yasitaanka dumarka oo carabtu waxa ay haweenka u haysteen wax aan
sharaf iyo caqli lahayn oo aad u hooseeya. Ninka carabka ahi in uu haweeney la
doodo ama uu talo weydiiyo waxa uu u arkey ceeb aan habboonayn.

Diinta islaamku markii ay timid waxa ay joojisey in gabdhaha la xabaalo,
laakiin waxa ay meeshii ka sii wadday liiditaanka dumarka. Dagaalladii
halaagga ahaa ee horraantii ay muslimiintu ku la dirireen carab iyo yuhuud
dumarka la ma layn jirin ee inta raggooda la xasuuqo ayaa iyaga la guursan
jirey ama la addoonsan jirey, taasina waxa ay ahayd in aan dumarka wax macne
leh loo haysan, waayo inta aabbohood hortooda lagu gawraco ayaa iyaga isla
goobta lagu guursan jirey. Dagaalkii Uxud nin uu nebigu seef siiyey baa arkay
haweeney muslimiinta laynaysey, waxa uuna sheegay in uusan la diririn, waayo
waxa uu xaqdhawrayey seefta nebiga oo uu u arkey in uu naag ku dilaa in aysan
sharafteeda ahayn. Ereyga ”Naag” waxa uu carabta u la mid ahaa ”Qurun liita”.

Waxaa la soo saaray sharci dhaxalka carruurta ay gabdhuhu wiilasha barkood
yihiin, carab nebigii ka dib noolaana magta dumarka waxa ay ka dhigeen diyada
ragga nuskeed. Waxaa kale oo la sameeyey sharci ninkii guursadaa uu
haweeneydiisa hanti ”Meher” la yiraahdo siinayo, waxaana hantidaas lagu
fasiray in uu ku iibsadey lugeheeda dhexdooda. Aragtidaas nuxurkeedu waa in
galmadu aysan nin iyo haweeney ka dhexayn ee uu ninku isticmaalay haweenta,
taas oo muujinaysa in ay dumarku yihiin alaab la isticmaalo. Dhaqankaas
meherka in carabtii hore ay lahaayeen iyo in uu islaamku keenay ii ma cadda,
waxaana jira in uu islaamku dhaqankii carbeed waxyaalo badan ku raacay sida
xajka oo uusan islaamku wax badan ku kordhin iyo magta ragga. Afka carbeed
marka haweeney la qabo laga hadlayo waxaa la yiraahdaa ”Waxa ay hoos joogtey
hebel”, taas oo muujinaysa in guurku uusan ahayn wax ay ragga iyo dumarku
wadaagaan ee uu yahay qof hoos jooga qof kale.

Waxaa dumarka muslimiinta ah lagu soo rogey in aysan guursan karin haddii
aysan waalidkeed ama ragga ehelkeeda ahi ninka ku darin, hooyadeedna nin ku ma
dari karto, waayo waa ay xaqiran tahay oo ragga keli ah baa macne leh. Waxa
kale oo dumarka lagu soo rogey in aysan socdaali karin ama safar aadi karin
haddii uusan la socon nin qoyskeeda ah ama qabaa, waayo lugeheeda dhexdooda
waa in ay waardiye ka yihiin niman. Waxaa ka sii daran in la soo saaray sharci
waajibinaya in ay dumarku aad guryaha u joogaan oo aysan bixin sidoodaba iyo
in haddii ay xaafad dhow gaarayaan ay ninkooda fasax weydiistaan. Haddii ay
haweeney ninkeeda in uu u galmoodo ka cudurdaarato waxaa la sheegay in ay
nacalad Eebbe ku dhacayso, taas oo muujinaysa in aysan galmadu ahayn wax labo
qof ay wadaagaan ee ay tahay wax uu ninku xaq u leeyahay. Haddii uu ninku
qoftiisa oo kacsi besteed la ah diido nacaladi ku soo degi mayso!

Afka diinta markii dadka la la hadlayo ragga ayaa la la hadlaa, waayo dumarka
waxaa loo arkaa wax ay raggu leeyihiin, sidaas darteedna waxa aad arkaysaa in
diinta niman uun laga hadlayo. In kasta oo aanan jeclayn in aan dooddan
aakhiro kaga hadlo haddana jannada dumarka galmadooda lagu ma sheegin, waxaana
keenay labo arrimood. Midda kowaad dhaqanka carabta dumarku galmo xaq u ma leh
ee waa wax ay raggu isticmaalaan, sidaas darteedna aakhiro galmo u ma ay
baahna ee cunto ayey u baahan yihiin. Midda labaad hinaasaha ninka carbeed
waxa uu gaarsiisnaa in aan lagu oran karin hooyadaa iyo walaashaa jannada ayaa
loogu galmoon doonaa.

Cadaadinta dumarka oo ay keentay lugohooda dhexdoodu intaas lagu ma ekayn ee
waxaa la soo rogey dhaqan aysan carabtii hore dumarka ku ciqaabi jirin oo ah
in ay haweeney kastaa jirkeeda oo dhan qariso. Carabtii hore waxa ay dumarku
qarin jireen cawrada keli ah oo waa dhaqan ay dadka oo dhammi lahaayeen,
welina leeyihiin in rag iyo dumarba cawrada la qarsado. Sharcigan cusubi waxa
uu sheegay in jirka dumarka oo dhammi uu cawro yahay, waayo lugaha dhexdooda
ayey ku sitaan wax mucjiso ah. Qaynuunkani waa midka ugu yaab badan, la mana
caddayn karo in ay carabtii nebiga ka danbeeyey soo saareen iyo in uu nebigu
ogaa, waayo quraanka waxaa ku qoran in ay dumarku naasohooda qariyaan keli ah.

Suuradda Nuur waxa ay leedahay ”Shafkooda garbosaaro ha saareen!”, suuradda
Axsaabna waxay leedahay ”Jalbaab ha isi saareen”, ereyga jalbaabna waa erey ay
carabtii hore taqiin oo ah maro xabadka lagu qariyo. Carabtii hore sida badan
naasaha la ma qarin jirin ee cawrada ayaa muhiim ahayd, maanta se dunida oo
dhan dumarku naasaha waa ay qarsadaan, waayo naasaha waxaa la caddeeyey in ay
raggu u kacsadaan sida cawrada.

Sharcigan ah in ay dumarku jirkooda oo dhan qariyaan waa dhibaato weyn oo ilaa
maanta lagu shiddaysan yahay, waayo xumaano badan buu keenayaa, waxa uuna u
macne dhow yahay duugitaankii gabdhaha ee carabtii hore. Dhibaatooyinka uu
keenayo waxaa ka mid ah in qof jirkeeda oo dhan qarisay aysan shaqayn karayn
oo ay mixnadaysan tahay. Waxaa ka mid ah in qofka dadnimadiisii oo dhan la
diley oo laga dhigay wax aan qurux lahayn oo muuqan, waxaana dadka sharaf u ah
ugu yaraan ay muuqdaan wajiga, dhegaha, surka iyo madaxa si loo barto
qofnimadiisa. Qofka muuqaalkiisu qofnimadiisa ayuu ka mid yahay, haddii la
awdana waxa uu la mid yahay qof la xabaalay.

Falsafada iyo ujeeddooyinka carabta waxaa ka mid ah dumarka in la foolxumeeyo
si aysan raggu u hunguriyeyn lugohooda dhexdooda, waana isla aragtidii keentay
in gabdhaha la duugo si nin rag ahi qof uu dhalay aan lugeheeda dhexdooda loo
gaarin. Waxaa dhaqankaas ka soo baxay in ay dumarku noqdeen wax halis ah oo
lugaha dhexdooda bumbo ku wata oo guri lagu hayo ama jirkooda oo dhan dhar
lagu duuduubo iyada oo ninkeeda iyo niman eheladeeda ahi ay dusha ka
waardiyaynayaan, waxaana meesha laga saaray in lugaha dhexdooda lagu
mashquulsan yahay ay dad ku yaalliin oo uu qofka lihi masuul ka yahay, waayo
gebi ahaanba qofka carabka ahaa ma uu aamminsanayn in ay dumarku dad yihiin
isaga oo insaaniyadda kaga saaraya lugohood dhexdooda waxa ku jira.

Sharciyada yaabka leh ee carbeed waxaa ka mid ah in uusan nin qof dumar ah
gacanta ka salaami karin oo ay sino tahay, taas oo ah aragti dadka ka la
fogeynaysa oo argagax iyo ka la baydad keenaysa. Waxaa ka sii daran in uusan
dhaqanka carbeed oggolayn in ragga iyo dumarku ay isku meel joogaan oo ay
bulshadu isdhex marto, waxaana carabta iyo dadka ay saameeyeen lagu arkayaa
bulsho ay ragga iyo dumarka qaybiba meel joogaan oo aysan isu gudbayn. Intaas
waxa uu dhaqanka carbeed u marayaa in lugaha dumarka dhexdooda la waardiyeeyo.

Waxaa sharciyada ay carabtu dumarka dul dhigeen ka mid ah in ay haweeneydu u
galmoon karto hal nin oo qaba keli ah, halka uu ninku guursan karo afar dumar
ah, uuna u galmoon karo kumanyaal addoomood. Dumarku addoomohooda u ma galmoon
karaan, in kasta oo addoonsiga laftiisu uu baadil yahay oo aysan caqli ahaan
bannaanayn in ay dad is adoonsadaan. Abuur ahaan dumarku hal mar labo nin uur
u ma yeelan karaan, halka ay nimanku hal habeen uurayn karaan dumar badan,
sidaa darteedna waxaa laga yaabaa in ay macquul tahay in ay raggu dumar badan
guursan karaan, laakiin addoomuhu waa baadil ka soo hor jeeda xuquuqda
aadanaha ee asaasiga ah.

Waxa ay carabtu dumarka ka fogeeyeen in ay qabtaan masuuliyad guud, waayo
shaqadaasi waxa ay u baahan tahay in bulshada laga hor hadlo iyo in guriga
laga baxo oo laga shaqeeyo hawlo bulsho, waxa ayna carabtu sheegeen in dumarka
xataa codkoodu uu cawro yahay. Ninka carabka ahi ilaa maanta waxa uu aamminsan
yahay in naag la arkaa in ay tahay in siil la arkay oo in naagi hadashaa ay
tahay in uu siil hadlay, waxaana meesha ku jirta in aysan carabtu dhaqan ahaan
iyo diin ahaan rumaysnayn maskaxda dadka ee ay dadnimadu la tahay meesha uu
qofku ka kaadiyo, la mana garanayo waxa carabta dhaqankoodii hore ee diinta
lagu sii barxay ku salliday lugaha dhexdooda. Dhaqamadooda dumarka liidaya
qaar bay nebigii ka dib samaysteen oo dhaqanka dumarka lagu yasayaa marba
marka ka danbaysaa waa uu kobcayey ilaa ay sucuudigu dumarka guryaha dusha
kaga xireen, una diideen in ay gawaarida wadaan.

Dhaqanka carabtu masuuliyadda ugu weyn ee uu ragga saaray waa in ay waardiye
adag ka hayaan lugaha dumarka dhexdooda oo ninka carbeed nin kale ku ma uu soo
hadalqaadi karo dumarka uu wax u yahay, isla markaas la ma uu hadli karo qof
dumar ah oo ay raggii wax u ahaa joogaan. Carabta iyo bulshooyinka ay
qabsadeen nin lagu ma oran karo ”Walaashaa telefoonkeeda i sii!” oo waxa ay u
la mid tahay ”Walaashaa baan sino ugu galmoonayaa”, isla markaas inta uu nin
reer gurigood yimaado ma uu oran karo ”Hebla ayaan u socdey oo aan la
hadlayaa”.

Waxaa la yaab leh in ragga dhaqankaas carbeed haystaa marka ay saaxiibbadood
guryohooda geeyaan ay dumarku cuntada diyaariyaan, ka dibna ay ragga oo
keligood ahi cunteeyaan, dumarkuna ay qolal ku dhuuntaan! Kolley haddii uu
waardiyihii lugaha dhexdoodu joogo oo aan loo galmoonayn maxay ka dhuumanayaan
dumarku? Ummadaha kale ragga iyo dumarku isku meel bay ku qadeeyaan oo Eebbe
ayaa u abuuray in ay isdhaleen oo isla joogaan.

Aqoonta runta ahi waxa ay caddaysay in dumarka iyo raggu waxa keli ah oo ay ku
ka la duwan yihiin uu yahay meesha ay ka kaadshaan, maskaxdooda iyo waxyaalaha
ay qaban karaanna ay isku mid yihiin, waxaa se cilmi ahaan cad in ay raggu
murqo ahaan ka xoog badan yihiin dumarka iyo in ay raggu ka cod weyn yihiin
haweenka. Abuurta ah in ay meesha raggu ka kadshaan soo taagan tahay, halka ay
dumarku ka kaadshaanna godan tahay maskaxda wax saamayn ah ku mal aha,
maskaxduna waa waxa ugu weyn oo ugu yaab badan jirka dadka iyo duunyada.
Dumarku waa bulshada barkeed ama ka badan, sida kor ku xusanna waxa ay carabtu
ka dhigeen alaabo cawro ah oo guryaha lagu qufulo iyada oo waxa keli ah oo ay
ka duulayaan ay tahay in siil waardiye laga ahaado. Haddii ummadda barkeed la
duugo, barka kalena ay duugtaas waardiye ka hayaan sidee loo horemarayaa?

Waxaa jira dadyow guulo iyo horemar ka gaarey dhinacyo badan oo nolosha ah
sida farsamada, caafimaadka, siyaasadda ama maamulka, aqoonta bulshada,
cilmunafsiga, hal-abuurka iyo dhinacyo aan la tirin karin. Ummadahaasi waxa ay
ogaadeen in qofka dumarka ah maskaxdeedu ay masuuliyad buuxda ka qaadi karto
lugeheeda dhexdooda oo aan loo baahnayn in ay cid kale ilaaliso, isla markaas
ay dumarku ka shaqayn karaan wax kasta oo ay raggu qaban karaan. Waxa aynu
aragnay dumar hawl kasta ka soo dhalaalaya oo haya masuuliyadaha ugu sarreeya,
raggii la dhashayna ay iyaga u daayeen lugohooda dhexdooda. Haddaba dumarka
maskaxdoodu waa ay ka sarraysaa wax maryo lagu duuduubo oo ay guryo ku
waardiyeeyaan niman maangaabyo ah oo dhaqan gaboobey rimmani.

Ma aqoonta iyo tijaabooyinka la xaqiijiyey baynu raacnaa ma se waxa aynu u
hoggaansannaa dhaqan laga soo gaarey dad jaahiliin ahaa oo weliba aan afrikaan
ahayn ee shisheeye ahaa? Qofka soomaaliga ahi ma uu sheegi karo hal wax oo
aynu carab ka faa’iidney oo runtii ah horemar. Waxa keli ah ee carab inaga soo
gaarey wax dib i noo jiidaya oo maskaxdeenna curyaaminaya sida in aynu dumarka
bahdilno. Maskaxdeennu waxa ay joogtaa heerka uu dalkeennu joogo, waxaana
hoosayntaas qayb weyn ka ah sida ay carabtu i noo wasakheeyeen.

Dhaqanka carbeed sida uu maskaxda dadka u curyaaminayo waxaa u dheer in aysan
sidaas ku yaraanayn in loo galmoodo haweeney aan la qabin. Marka dumarka la
waardiyeeyo waxa ay aamminaan in ay raggu waardiye ka yihiin oo haddii ay
helaan fursad yar oo aan la waardiyeynayn waa ay iska la waraan iyaga oo aan
ka fiirsan ninka ay isu ka la warayaan oo aan dookhooda jirkooda la eegan.
Dumarka maryaha lagu duuduubay oo aan ilbaxa ahayni waxa ay u dhillaystaan si
aad uga liidata sida dumarka xorta ah, waana in la ogaado dhillaysigu in uu ku
badan yahay dadka khashiinka (aan ilbaxa ahayn) ah iyo dadka saboolka ah,
galmaduna waa qariisad ka xoog badan wacdiga diinta oo wadaad ma uu yarayn
karo.

Ka la fogeynta ama ka la sooca ragga iyo dumarka ama hablaha iyo wiilasha
waxaa ka dhasha fahmo darro waxbarashada lagu dhaco oo fasalka ay labada jinsi
isku dhex jiraan baa ka fiican midka la ka la soocay. Waxa kale oo dalalkaas
dhaqanka ragga iyo dumarka la ka la fogeeyo haysta ku batay in dadka isku
jinsiga ahi isu galmoodaan. Waxaa laga yaabaa in ay dad u haystaan in
dhaqankani uu ku badan yahay dalalka dadkooda xoreeyey, laakiin taas waxba ka
ma jiraan. Dalalka dimoqoraaddiyadda qaatay dadka dareenkan qaba la ma qariyo
oo iyaga ayaaba la qayliya, waana dad aad u yar oo weligood ka hoosaynaya
boqolkii hal. Dalalka dhaqanka carabta aad loo haysto sida khaliijka iyo
Bakistaan dhaqankani waxa uu gaarey in laga shakiyo in uu jiro wiil aan
dareenkan qabini, laakiin waa qurun u huursan oo aan in la soo hadalqaado
dhaqanku oggolayn. Mar kasta oo dumarka iyo ragga la ka la ilaaliyo waxaa
imanaya dhibaatooyin iyo cudurro, waayo labada jinsi in ay wada joogaan buu
Eebbe u abuuray.

Intaas ayaan maanta ku soo koobay, waxa aanna sii raacinayaa in dumarka
afrikaanka ah ee dhaqanka carabta lagu gumeeyey ay isdifaacaan oo ay iska
difaacaan dhaqammada xunxun ee Eeshiya kaga soo butaacey iyo ragga afrikaanka
ah ee ay carabtu maskaxda ka guursadeen. Haddii aysan dumarku iyagu
xuquuqdooda la duugey ka daba tegin ma jirto cid u doodaysaa, oo ragga
soomaaliyeed xuquuqda keli ah oo ka maqani waa in maskaxdoodii laga qaatay oo
ay wax liita ku habsaameen. Dumarka ayey xaqdarrada weyni dushooda ahaatay.

Afeef: Aragtida qormadan waxaa leh qoraaga ku saxeexan.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...