Dhaqan doorin

S oomaalidu waa dadka ay ugu fuddudahay in dhaqankooda la beddelo, laakiin
waxaa ku yar dadka dhaqan’abuureyaasha ah oo bulshadu sida ay u socoto wax ka
dooriya. Waxyaalaha in soomaalida dhaqan cusub degdeg loo gelin karo muujinaya
waxaa ka mid ah sida fudud oo ay wahaabiyadu u beddeleen lebbiska dumarka.
Maanta haweenka soomaalidu waxa ay ka siman yihiin in ay timohooda qariyaan,
badankoodana ka ma aha diin ahaan ee dhaqan bay noqotay oo kuwa aan tukan oo
soomini madaxa waa ay dabooshaan. Waxaa dhaqankaas barbar socda in dumarka
soomaalida ee heesaa aysan madaxa daboolan marka ay heesayaan, la la mana
yaabo oo bulshadu waxa ay qaadatay in marka ay dumarku heesayaan ay timaha
banneeyaan. Haddii la arko haweeney madaxa qarsatay oo heesaysa xataa
wadaaddada ayaa la yaabaya oo dhaqan xumo u arkaya, waayo waxaa la caadaystey
in marka la heesayo madaxa la banneeyo.
Soomaalidu waa dad qoys oo kale ah oo aad isugu xiran oo qaar wixii uu sameeyo
ay inta kale la sameeyaan, waxaana la moodaa dad dhaqan ahaan reer miyi ah oo
aan fakar culus xammili karin ee aragtiyaha gaagaaban xambaara. Qowmiyadaha
dunida ku nool soomaalidu waa dadka ugu diin jecel, waxaana sababay in ay
aragtiyaha diiniga ahi fudud yihiin oo aysan fakar culus u baahnayn, waayo
dadkii ay diintu asal ahaan ka timid baa ahaa dad reer miyi ah oo si fudud wax
u fahma. Waxaa la sheegaa in ay soomaalidu ku liitaan qoritaanka iyo akhriska
oo ah labada waxyaalood oo bulshada kobocsan lagu garto, waxaana keenay in ay
qoridda iyo akhrintu u baahan yihiin maskax deggan oo wax shiili karta ama
fakar abaabulan iyo dulqaad. In buug la qoro waxaa ka horraysa in buug la
akhriyo, in buug la akhriyaana waxa ay u baahan tahay samir iyo maskax
abaabulan oo weliba qofka akhriska ku cusubi waa in uu naftiisa khasbo oo uu
ku cadaadiyo in ay fakarto oo waxyaalo isku xirxirto.
Soomaalidu waa ugaar ka fiigsan ummadaha caalamka aan carabta ahayn, oo waxa
ay awoodaan in ay keligood aragtiyo yaryar iyo muran faaruq ah isdhaafsadaan
oo qur ah, waxa ayna u baahan yihiin mufakiriin iyo dhaqan’abuureyaal wacyi
sare leh oo duurka ka soo qabqabta oo marabbiyeeya, fakarka carruurtoodana ka
beddela sida ay yihiin ee wahsida badan oo u bisleeya in ay si macne leh wax u
dareemaan oo dhaqankoodu uu nuxur yeesho.
Soomaalida dhibta ugu weyn ee haysata oo curyaamisey oo sii curyaamin doontaa
waa dhaqanka carabta oo ay soomaalidu dhammaantiis u haystaan in Eebbe loogu
dhawaanayo. Haddii ay soomaalidu ahaan lahaayeen afrikaan caadi ah oo aysan
carabi dhuuxa kaga jirin aad bay u dhaami lahaayeen sida ay yihiin. Carabta
dhaqankoodu waxa uu ka kooban yahay is’addoonsi uu qofka hantida leh ama
madaxda ahi dadka madaxa kaga istaago oo ninku uu naagtiisa iyo carruurtiisa
cabiidsado. Gebi ahaan dadyowga dunida waxaa ugu dhaqan liita dadka carab la
isku yiraahdo oo dhaqankoodu uu lid ku yahay horemarka iyo xorriyadda
aadamiga. Dadka noocaas ahi waa dadka keli ah ee ay soomaalidu dhaqanka iyo
nolosha ka qaataan oo ay jecel yihiin, waxaana halkaas ku burburay
afrikaannimadii iyo jiritaankii ummadda soomaaliyeed.
Soomaalidu ma aha dad sida turkida iyo iiraanta jiritaankooda carabta ka
difaacan kara iyaga oo muslimiin ah ee waa baalkaabiyo aan ilbaxnimo lahayn oo
haddana jacaylka carabtu hore u buuxdhaafiyey, uuna ka sii darayo xaalkoodu.
In qabiilooyinka badankoodu ay carab sheegtaan yaan loo malayn arrin sahlan,
wax ka jirana la ma arko in ay qabiilooyinkaasi carab ka soo jeedaan ee
jacaylka carab loo hayo ayey arrintaasi daaha ka qaadaysaa. Jiritaanka
soomaalida 100% afrikaanka ahi aad buu u ildaran yahay jacaylka carabta
dartiis, in carab lagu hirtaana waa in maskaxda dadka la curyaamiyo oo aan
weligeed tillaabo hore loo qaadin.
Soomaaliya iyo Jabbuuti waxa ay ka mid yihiin jaamacadda carabta oo ah urur ay
qowmiyad aysan ka mid ahayni leedahay! Waxaa u dhaantey in ay midowga Yurub ku
biiraan, waayo isagu qowmiyad ma aha ee waa joqoraafi oo waa uu dhaamaa in
jinsiyad aadan u dhalan aad sheegatid. Soomaaliya waxa ay la mid tahay Kenya
iyo Itoobiya, dadka deganina waa dad madow oo aan carab ahayn, diintuna ma ay
beddeli karto midabkooda iyo jiritaankooda afrikaannimo. Dhibaatada ugu weyn
ee qofka soomaaliyeed haysaa waa in uusan waayaha iyo dhacdooyinka wax ka
baran ee uu caaddifad maangaabnimo ah wax ku dareemo. Soomaalida waxaa soo
maray dhibaatooyin daran oo ay qaaradaha dunida oo dhan qax ku tageen, intii
ay duruufahaas ku jireenna la ma hayo dal carbeed oo dad soomaali ah soo
dhaweeyey, taas beddelkeedana waxaa soomaali badan qaabbilay dalalka
caddaanka. Maanta qofka soomaaliga ahi carabta waa uu jecel yahay, caddaankana
waa uu neceb yahay. Jacaylkaas iyo nacaybkaasi ma aha arrimo waaqica ka
turjumaya, caqliga suubbana lagu ma fahmi karo. Waxa ay la mid tahay in ay
carabtu aamminsan yihiin in aysan haweeney madax noqon karin, laakiin uu
waaqicu muujiyey in dalal ay ka mid yihiin Ingiriiska iyo Norway ay dumar
maanta madax ka yihiin. Haddii aysan haweenku lahayn maskax ay madax ku
noqdaan sidee bay kuwaasi madax u noqdeen? Haddii ay carabtu sheegaan in ay
qorraxdu madowdahay ma la isaga raacayaa? Sow waaqic ina hor yaal ma aha in ay
qorraxdu caddahay? Carabiga qoran waxaa ka mid ah in aysan haweeney uusan nin
la soconi safar u bixi karin, waxa aynuna aragnay in ay dumarku awoodaan in ay
keligood safraan oo waa waaqic aynu aragnay. Haddii laga wado in ay awoodaan,
laakiin aan loo oggolayn sow curyaamin ma aha in qof loo diido wax dantiisa ah
oo uu awoodo? Meeshan uga ma jeedno xuquuq dumar iyo in aynu ka sheekayno
carabta iyo haweenka dhibaatooyinka ka dhex aloosan ee waxa aynu rabnaa in
aynu sheegno in uusan qofka soomaaliga ahi waaqica iyo waayaha aamminsanayn ee
uu carab iska jecel yahay, carabina soomaalida wax xushmad ah u ma hayaan oo
waxa ay u arkaan addoomo madow oo si riqiis ah u qaata dhaqankooda cid kale oo
qaadata la waayey. Sucuudi Caraabiya oo muddo rabtey in ay wahaabinimo
dhaqankooda ku geliyaan caalamku waayadan waa ay joojiyeen in ay qaataan ardo
soomaali ah oo gala jaamacadaha wahaabiyada, waayo waxa ay fahmeen soomaalidu
in aysan u baahnayn in la carabeeyo ee ay iyagu iskood carabta u jecel yihiin.
Duufaanta carabta oo sidata waraaqda fudud ee soomaalida la yiraahdaa waxa ay
la macne tahay dabargo’ iyo salguurid, waxa aadna burburkii ka dib arkaysaa in
magacyada goobaha waxbarashada, ganacsiga iwm loo bixiyey magacyo carbeed ama
ereyo carabi ah, taas oo aan badneyn soddonkii sano oo ay dowladdu ka jirtey.
Dastuurka Soomaaliya waxaa lagu qoray in uu afka soomaalidu yahay soomaali iyo
carabi, waana been’abuur iyo masabbid ummadda been laga sheegayo ee soomaalida
inta carabi wax ka fahmaysaa 1% ma dhamma, intaasina waxa ay u barteen sida
afafka qalaad loo barto ee afkoodii ma aha. Ma jirto ummad aan soomaali ahayn
oo dastuurkeeda uu ugu qoran yahay in uu af kale luqaddooda yahay, waxa ayna
taasi ka mid tahay jacaylka indho la’aanta ah ee carab loo qabo iyada oo laga
duulayo in uu nebigii carab ahaa. Haddii uu nebigu carab ahaa sow Abuu Lahab
iyo Abuu Jahal oo diinta lagu xifaaleeyey carab ma ahayn?
Waxa aan muddo dheer ku noolaa waddamo Yurub ah oo aysan afafkoodu ahayn
luqadaha caalamka ku faafay ee ku hadla af ay keligood leeyihiin sida af
soomaaliga ay soomaalida keli ahi ugu hadlaan. Dalalkaas waxaa carruurta afka
ingiriiska loo bilaabaa marka ay iskuul bilaabaan oo qof kasta oo ka mid ahi
afkaas yaraan buu ku bartaa. Markii aad qurbe joogtid waa in aad wax uun ka
faa’iiddaa, murtiyaha aan dalalkaas ka korodsaday waxaa ka mid ah in aadan ku
arkayn magaalooyinka meel uu erey af ingiriis ahi ku qoran yahay. Joornaal ama
buug afafkooda ah laga ma yaabo in aad ku aragtid erey ingiriis ah, isla
markaas warbaahinta maqal iyo muuqaal weliga ka maqli maysid kalmad ingiriis
ah. Doodaha la baahiyo iyo sheekaysiga bulshada caadiga ah laga ma yaabo in
aad maqashid erey ingiriis ah. Haddaba aynu isbabar dhigno dalalkaas iyo
Soomaaliya.
Dalkeenna tabbeelle ama boor kasta waxaa ku qoran af qalaad oo waxaa la
moodaa in dad aan soomaali ahayn wax lagu fahansiinayo, isla markaas haddii
qof soomaali ah magaciis meel lagu qorayo af soomaali ahaan loogu ma qoro oo
haddii maddaar lagu magacaabayo Aadan Cabdulle Cismaan sidaas soomaaliga ah
loo ma qoro ee waxaa loo qoraa Aden Abdulle Osman! Doodaha la baahiyo ee
soomaalida nooc kasta oo ay yihiin ereyada qalaad iyo af soomaaligu waa isla
eg yihiin oo qofkii aan afafkaas aqoon waaba ay ku adag tahay in uu fahmo,
shacabka haasaawohoodana qofkii af qalaad wax ka garanayaa soomaalida ayuu ku
la hadlaa, waana sababta ay afkeenna ugu bataan oo u barxaan ereyada qalaad,
waayo qofkii erey ajnebi bartaaba soomaalida ayuu ku la hadlaa.
Qoraallada af soomaaliga waxa aad ku arkaysaa ereyo ama jumlooyin badan oo af
qalaad ah, laakiin iyaga ayaa xaggaas ku dhaama doodaha iyo sheekaysiga.
Dalalkaas aynu Soomaaliya barbar dhignay sida ay afkooda iyo fartooda keli ah
nolosha oo dhan ugu dhaqmaan iyo sida ay soomaalidu ereygii qalaad ee ay
maqlaan soomaalida ugu la hadlaan ama ay derbi kasta af shisheeye ugu
sharraxaan kee baa ilbaxnimo ah? Ereyga ”ilbaxnimo” waxa aan u adeegsadey in
laga yaabo qofka soomaaliga ahi marka uu af qalaad u jabayo in uu u haysto in
ay horemar tahay oo uu aqoontiisa iyo xaddaaraddiisa ku dul muujinayo
soomaalida uu wax u gudbinayo. Cilmi nafsi ahaan waxaa laga yaabaa in qofka
soomaaliga ahi uu dareemayo in uu afkiisu hoosayn iyo jaahilnimo astaan u
yahay, halka afafka kale ay sarrayn iyo aqoon metelayaan maaddaama aqoontu ay
afaf kale ku soo gaarto soomaalida. Dalalka Yurub ee aynu soomaalida ku
dhererinney waa waddamo aan weligood dareemin in uu afkooda mid kale ka
sarreeyo oo waxaaba jirta in aqoonta casriga ah in badan oo ka mid ah ay iyagu
hindiseen, isla markaas weligood ajnebi ma ay baryin oo innaga waxaa dhici
karta in aynu afafka kale ku baryootanno.
Dalalkaas waxa aan inoogu tusaaleeyey in aynu nahay ummad isku af ah oo
haddana afkooda aysan beddelin gumaysiyadii oo yeelan karta luqad baahi kasta
uga filan. Si kasta oo nafsad ahaan aynu iyaga iyo innagu u ka la duwan nahay
waxaa hubaal ah in aysan jirin af hooseeya oo jahli ah iyo af sarreeya oo
aqoon ahi.
Akhristaha ayaan u daynayaa in uu aad uga fakaro sababta Gothenburg oo ay
boqollaal kun oo ajaanib ahi joogaan aan looga heli karin tabbeelle uu erey
qalaad ku qoran yahay, halka Gaalkacyo oo uusan qof ajnebi ahi joogin uu irid
kasta carabi ama ingiriis ugu qoran yahay dadkeeda oo 99% aan afafkaas
garanayn.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida