Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Dhaqan, diin iyo anshax maxaa isku soohay?

W/Q: Kudil Waaq
Diimaha 0
1.5k
·

7/9/2020

Dhaqan, diin iyo anshax maxaa isku soohay?

C aqiidooyinka ba’an ee diimaha laga dhaxley waxa kamid ah in garashada
dadku dhantaallantahey, oo hadduusan jirin dastuur rabbaani ah oo dadka celiya
dhaqan xumo walba lagu kacayo. Odhaah hore baa waxey leedahey, “ Intaad nin
xagato, dabadeedna fiirso bahal dhiigaya.
” Waxa loola jeedaa, anshax
wanaagga iyo xadaaradu waa uun maqaarka sare ee ku dahaadhan waxshinimada iyo
qubxiga dadka gunta uga jira, caqliguna u horseedo. Wax cusub maaha in diimuhu
intay dabciga dadka soohdimeeyaan, wixii wanaagsan Allah u nisbeeyaan, inta
xunna insaanka qoorta u sudhaan. Hase yeeshee, sida dunida maanta la joogo ay
marag u tahey, diimuhu ma laha qiil ay ku shaabadeystaan anshax wanaagga.
Xeerarka iyo shuruucda u qaydanna waxa hoy u ah hab fakar-dhaqameed duug ah oo
maanta in aynu maaweelino dib-dhac iyo foolxumo inagu tahey.

Ilaahey oo Muuse milkinaya xeerarka ay tahey in bulshadu isku dhaqdo (The 10
commandments).

I.

Diimuhu waxey ku andacoodaan inay marjac u yihiin anshaxa (ethics),
la’aantoodna aysan jirin wax bulshadu iskaga gaashaanto cawaannimada iyo
fuxshiga. Dooddan se marka loo kuur galo lugo ay isku taagto ma laha, xitaa
haddii wadaadada qowlkooda loo tixraaco. Tusaale ahaan, Muslinku waxey
aaminsanyihiin in Allah waxa wanaagsan dadka faro, wixii xunna reebo. Laakiin
hadduu isla Allah go’aaminayo waxa “wanaagsan” ama “xun”, waxa nuxur beelaya
wanaagga/xumaha. Haddii kufsiga la fari lahaa, kaalmadana la reebi lahaa,
kufsigu “wanaag” ayuu noqon lahaa halka kaalmaduna noqon laheyd “xume.”
Muslinku laakiin warkan uma cuntamayo, oo wuxu la soo boodayaa “Allah siduu
wax xun u fari karaa?” Su’aasha ka habboon se waxa weeyaan, “Maxaa u diidaya?
Soo siduu doono yeele maaha?”

Mufakiriin ka tirsanaa muctasiladii hormuudka u aheyd xadaaraddii miigganeyd
ee ka jirtey dunida Islaamka xilligii khilaafada cabbaasiyiinta, ayaa iyaga oo
u jaamo idlaystey inay ka jawaabaan su’aasha ah: “Ilaahey ma wuxuu faro ayaa
wanaagsan, mise wixii wanaagsan ayuu faraa?”, waxey dooddoodu isugu soo biyo
shubmatey in mandiqqa lagu shaandho-miirayo anshaxa, ee xumaha iyo samaha lagu
kala soocayo, ka madaxbannaan yahey Allah. Sidaas darteedna ay jiraan waxyaalo
uusan Allah u badheedhi karin sida beenta iyo gafka. Haddii kale oo la dhaho
marba wuxuu Allah faro ayaa wanaagsan (arbitrary), wax wanaag ama xume la
dhaho ma jiri karaan. Waxa bartan baylah ku noqonaya sifada “wanaagga” ee
Allah isku sunto. Intaa waxa dheer, waxey ka dhigantahey bulshada Muslinku waa
sidii dameeri dhaan raacdey oo kale, oo kolba dhinacuu haatuf uga heeso u
karaar jabsha. Midey noqotaba, ma jiro caqli isku soohaya diimaha iyo anshaxa
suuban.

II.

TOL WAXA LOO YAHEY NIN GOOMMOON GARASHADII, IYO NIN GARDARRAN QABASHADI

Reer miyigu marka ay qof ku sifeynayaan “tolnimo”, waxa jiro shuruudo u xeeran
beel kasta oo la rabo in qofkaasi kasoo baxo. Waxa kamid ah shuruudahaas in
qofku kaalmeeyo xubinka beesha ka tirsan ee baahidu hayso, midka gardarro ku
indho adeygana u naqo, oosan ka yeelin inuu dhaawac gaysto. Sidaa darteed,
shakhsiga raba inuu tolkiisa wax la qaybsado waxa ku waajiba inuu shuruudahaas
buuxiyo, islamarkaana hanto sifada “tolnimo.” Bulsho walba waxa u dajisan
xeerar sidan oo kale qaabeeya habkooda dhaqan-dhaqaale, kana saacidda bulshada
daboolista baahiyaha duruuftu keento.

Yoolku siduu rabo ha noqdee, xeerarka ay bulsho leedahey waxey mar walba ka
turjumaan mabaadi’da laga tilmaan qaadanayo kolka xeer-dajinta iyo xaqsoorka
lagu hawllan yahey. Soomaalida reer miyiga ah mabaadi’dooda waxa kamid ah
maah-maahda odhaneysa, “tol waxa loo yahey nin goommoon garashadii, iyo nin
gardarran qabashadii.” Mabda’an xeerarka uu ugogol xaadhayo cidda ay
saacidayaan waa tolka, oo kooda baahiyeysan si wadajir ah ayaa loo kaalmeyn,
ka gardarro ku dhaqaaqana si wadajir ah ayaa loogu caqli celin. Laakiin reerka
colaaddu ka dhexeyso ee nacabka ah, mabda’an kama soo horjeedo in inta guluf
lagu qaado, dabadeedna xoolo iyo hantidooda lasoo jabsado. Muhiimaddu waa uun
in xoolahaas lasoo jabsadey tolku isku anfaco.

Marka Baadi goob loogu jiro caddaalad iyo nidaam laga dugsado xaqdarrada, waxa
la raadinayaa waa mabda’ haga xeer-dajinta iyo nidaamka xaqsoor ee bulsho
leedahey. Mabda’ duug ah oo laga dhaxley bulshooyin jahli iyo duruufo adag ku
sugnaa, sharciyada ka dhalan karaa waa kuwa si lamid ah mar walba ka turjuma
jahli iyo nolol cidhiidhi ah. Bulshadeennu iyada oo og in dhaqan reer guuraa
uusan la jaanqaadi karin dunida maanta, maxaa ku hawley inay mabaadi’ reer
guuraa, diin iyo dhaqan midkey rabaan salka haku hayeen, ay shaati casri ah ku
qasbaan?

III.

BILLOW AADMIGII AAN U DHASHAAN,
YARA KU DHAAMAAYE,
[DHURDUHU] GEEDIHII DHULKIYO HAWLKARNIMO,
IGAGA DHEEREEYE

Soomaalidu waa dad ay ku jirto qab ka itaal weyn iyo isla qummani xad dhaaf
ah. Iyaga oo maanta indho fiiqan ku daalacanaya sida habsamida leh ee dunida
badideedu u meelmarisey mabaadi’da lagu dhawrayo xuquuqda insaanka, oo
qaarkood la cajabsan yihiin anshax wanaagga bulshooyinka horumarey, haddana
kolka la dhaho xeerar gaalo laga soo xigtey ha la dardar galiyo, sidii xoorkii
ayey cadho inay la bakhtiyaan waxyar u jirsanayaan. Markey dhago shisheeye
inaga maqan yihiin, wadaad wahaabi ayeynu afka u dhiganeynaa oo la rabaa in
mugdiga laga siraadsado. Kolka beesha dunidu indho gaar ah inagu haysana,
bootar iyo makeup ayaa dhaqankii lala daba tumanyahey. Jahwareer ayaa
bulshadeenna dalambaabiyey, oo dhinac waynu ognahey haddii horumar la rabo
bulshooyinka loo baahanyahey in la tusaaleysto. Dhinacna qab iyo caqiido
qallafsan baa lafaha inagaga jirta oo nidaamkii anfaco loogu hagaagi lahaaba
diin haddeyna is hardin, soomaalinimo ayeyna is cafineyn.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...