Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Dhaqamada Soomaalida

W/Q: Shaafici Xasan Maxamed
Dhaqanka 7
15.9k
·

10/4/2018

Dhaqamada Soomaalida

S oomaalida waxaa ugu badan xoolodhaqata oo beeraleyda, kalluumaysatada
iyo dabatadu haddii la isku daro waa dad yar, isla markaas magaalooyinku waa
dhaqan cusub oo aan lagu sheegi karin caado soomaaliyeed. Beeraleydu waxa ay u
badan yihiin koofurta webiyada u dhow, kalluumaysataduna waxa ay u badan
yihiin gobolkii weynaa ee Bari la oran jirey oo uu gaadiidka baddu dhaqan u
ahaa, halka ay dabatadu yihiin dad yar oo meelo ka la duwan lagu arki jirey.

Xooldhaqatada oo ah dadka soomaalida ugu badan oo ku baahsan geyiga oo dhan
waxaa dhaqamadooda wanwanaagsan ka mid ah sooryaynta martida, xiriirinta
sokeeyaha, xushmaynta xididka, daacadnimada aan been la sheegin iyo
deeqsinnimada. Waxaa kale oo dhaqankooda ka mid ah qaddarinta aftahmada oo
qofba midka uu ka codkarsan yahay buu ka sarreeyaa, waxa ayna leeyihiin
maansooyin miisaanno ka la duwan leh oo hodan ah iyo ciyaaro dhaqan oo badan.

Raacatada dhaqamadooda xunxun waxaa ka mid ah dilka iyo dagaalka uusan dhiigga
dadku qiimo weyn lahayn, dhaca inta dad la boobo lagu faano oo gabayo laga
tiriyo, qabyaaladda reer reer la isu necbaado, dumarka oo la ka la iibsado ama
godobtir loo bixiyo, dadka dagaallada lagu qabto oo la xasuuqo iyo gudniinka
gabdhaha oo aad u foolxun.

Martida markii la sooro hanbo ayaa laga sugaa, waana dhaqan xun in cunto ay
dad reebeen la cuno oo weliba soomaalidu cuntada faraha ayey ku cunaan, waana
yaqyaqsi wax ay dad faraha geliyeen in la cuno. Waxaa kale oo xun in qof
weelka uu ku istijoodo uu wax ku cabbo oo waxaa fiicnaan lahayd in uu qofku
qaato labo weel oo uu mid wasakhda isaga mayro, midna uu wax ku cabbo. Waxaa
kale oo dhaqan xun ah in dadka hortooda lagu cadaydo ama lagu rumaydo, taas oo
magaalooyinka u soo gudubtey oo aad arkaysid wadaaddo masaajidda dhexdooda ku
cadayanaya. Waxaa miyiga ka jirta in hal qaaddo ama hal fandhaal ay dad badani
raashin ku cunaan oo afka wada geliyaan, waana dhaqan xun. Caanaha hal weel
lagu wadaagaa in ay xun tahay iyo in kale la ma caddayn karo. Miyi iyo
magaalaba soomaalidu marka ay wax cunayaan oo calalinayaan afka isku ma
qabsadaan ee waa ay ka la qaadaan, waana dhaqan ay neceb yihiin bulshooyinka
caalamku. In sanka faraha la geliyaa waa dhaqan xumo iyo cudur oo faruhu waxa
ay xanbaaraan bagteeriya badan, waxa aadna arkaysaa soomaali badan oo sanka
fareeya.

Dhaqamada yaabka leh waxaa ka mid ah in cuntada oo dhan karinteeda iyo
samaynteedu ay dumarka soomaalida u gaar yihiin, waxaana magaalooynka ka jira
in dharka dhiqiddiisu ay tahay hawl dumar. Run ahaantii raggu waa ay u baahan
yihiin in ay bartaan hawlahaas oo in ay shaqooyinka guryuhu haweenka gaar u
ahaadaan ma aha dhaqan suubban. Ragga soomaalidu markii ay qurbe tageen waa ay
ku dhibtoodeen hawlihii guryaha, waayo dhaqan ay barteen ma aha. Qof kastaa in
uu nolosha barto oo uu isdebbiro ayaa fiican, waxaana magaalooyinka soomaalida
dhooban rag badan oo aan shaah karin aqoon.

Soomaalida dhaqamadooda yaabka leh waxaa ka mid ah in ay dhammaantood isku si
u fakaraan oo qof mid kale ka aragti duwani uusan jirin. Dabcan in qabiilooyin
la ka la difaacdaa aragti ma aha, taas keli ah bayna soomaalidu ku ka la
tagaan. Waa dad kulligood isku si ah oo aan aqbali karin wax yar oo ka la
geddisnaan ah, waxaana keentay in ay dhaqan ahaan isku mid ahaayeen iyo in
aysan bulshooyinka kale dhex gelin ee ay iyagu isdoontaan. In aysan bulsho
midabbo ka la jaad ah lahayni waa astaamaha dibudhaca iyo ilbaxnimo la’aanta,
waxa aadna arkaysaa in qofkii soomaali ah oo wax cusub ku fakara in la dilo
loo dhow yahay. In aynu wax kasta ka midaysan nahay wanaag ma aha ee waa
xumaan iyo liidasho, waayo doodo ma jiraan. Bisayl badan bay bulshadeennu u
baahan tahay.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...