Dhalinyaro shakisan miyaa?

Maqaalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaad ka akhrin kartaa dhammaadka
qormadan.
Maqaal uu qoray
Cabdiraxmaan Cabdishakuur (Gudoomiyada xisbiga wadajir) ayuu ku sheegay in ay
jiraan dhalinyaro isaga tagtay diinta, xildhibaanno iyo wasiirro shakisan.
Isaga oo arrintu heerka ay mareyso ku tilmaamay (Phenomena) ama wax aan caad
saarneyn. Abdirahman inkasta oo uu mushkiladda u tiiriyay in ay tahay wax ka
dhashay fashilkii xarakaatka islaamiga ah iyo tafsiirka macangagnimada ku
dhisan ee kooxaha xagjirka ah, xalkana uu u arkay in la helo dad la mid ah
sheekh Xaamid Alqazaali oo sida uu tilmaamay waqtigiisii ka hortagay
falsafaddii Giriiga ee sida ba’an loogu saamoobay, hadana waxaa aniga ii
muuqata in Cabdiraxmaan iyo qolyaha la mid ka ah ee og waxa socdaa ay haddana
iyagu iska sii indha tirayaana ama aanay hoos ugu dageyn waxa jira.
Dhaqdhaqaaqa jira ee uu xusay saaxeebkeen ma ahan mid ka dhashay fasir
qallafsan iyo mid jilicsan toona ama falsafadda shisheeye oo lagu saamoobay
ayna tahay in loo helo wadaad aftahan ah sidii Al-Qasaali.
Runtu waxa ay tahay in dhibaatada jirtaayi aanay ka imaaneyn fasiraad qaldan
oo diinta la huwiyay laakiin dhammaan kooxaha islaamka kuwa hore iyo kuwa
danbaba laga soo billaabo saxaabadii oo birta isaga aslay annaga ayaa saxan,
Ahlusunno, Shiico, Khwaarij, iyo guud ahaan kooxaha islaamkuba ay yihiin dad
aan waligood hoos si dhab ah ugu eegin waxa ay isku heystaan iyo sababaha
keenaya dabar go’ooda iyo in ay ku guul-darreystaan ahdaaftii ay dhigteen.
Aragtideyda oo ka dhalatay dul istaagga nusuusta diiniga ah sida ay u
qorantahay kana maran aragtida qaddaasadda iyo dabaggalkeygii taariikhda
islaamka waxaa iiga soo baxay in mushkiladdu tahay naska qudhiisa ee ayba
dabiici tahay in isaga sida loo fahmayo la isku khilaafo.
Doodda anigu aan qabo oo aanan hoos ugu sii dagayn hadda balse waqti kale
imaan doonta ayaan rabaa oo kaliya in aan tilmaamo in inta aan ku
wareegsaneyno fasirka diinta ayaa la qalday ay uun la mid tahay sheekadeennu
gorayadii madaxa bacaadka ku aasatay.
Cabdallah Al Qasiimi
Tusaale qofka aaminsan in Cabdalla Al qasiimi oo ahaa oday 90 jir ah kana
gaaray aqoonta diinta in lagu magacaabo Ibnu-Teymiyihii waqtigan ma noqon
karaa wiil fahamka diinta laga qalday ama iska indha tira odayaashii waaweynaa
ee waxtarka u lahaa xitaa xadaaradda islaamka sida; Ibnu Siinaa, Ibnu Nafiis,
Al farabi, Al Khawarizmi, Ibnu Khalduun, Ibnu Rushdi, Abu Al calaa Al macarri
iyo kuwa kale oo badan oo laakiin kala heer ah xagga fikirka dhammaantoodna
lagu tilmaamay culimo malaaxida ah in aan indhaha ka qarsanno mushkiladdii ay
ka hadleen isla ayadii oo maanta ku hubeysan aragtiyo cilmi ah oo waqtigu daah
furayna kaga gaabsanno hadallo dadweynaha lagula hadlo uma arkayo in ay
xallineyso halista aad dareentay.
Maqaalkan uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur boggiisa Facebook ku daabcay qaabkan
hoose ayuu u dhignaa.
“Maalmahan waxaa soo kordhaya dhallinyarada Soomaaliyeed ee diinta ka
baxaya, kuna dhiirranaya in ay warbaahinta xiriirka bulshada si furan uga
doodaan. Dhallinyarada caddeysanaysa waxay u badan yihiin kuwa qurbaha,
waxaase jira dhallinyaro badan oo diinta ka shakisan oo gudaha dalka ku nool,
laakiin sababo amni darteed aan caddeysan karin fikirkooda.
Waxay dood la xiriirta jiritaanka Eebbe iyo run ahaanshaha risaalada Nabiga
(SCW) ina dhexmartay dhallinyaro iyo masuuliyiin xildhibaanno, wasiirro iyo
safiirro ka mid yihiin. Markii arrinku dhowr ruux dhaafo waxaa loogu yeeraa
(phenomena) ama (ظاهرة.), mana ah wax qarsoomi kara.
Waxaa iyana dhinac socota afkaarta diinta ee xagjirka ah ee kooxaha qarxiska
iyo qoorgooyada sida Al-shabaab iyo Daacish ay wadaan ama kuwa aan gacan ka
hadalka aheyn laakiin xagjirka ah sida Al-saaciduun Bil-xaq iyo kuwa la mid ka
ah.
Dhinaca kale waxaa soo baxay dhallinyaro aan aqoon badan diinta u lahayn oo
isku deyaya in ay farriimo Koo-kooban oo dabacsan oo qosol iyo si maadaysi leh
diinta u gudbiyaan.
Natiijada Ilxaadka ama diin ka baxa, iyo in dadku u jabaan dhallinyarada
farriimaha dabacsan ee maadeysiga leh la yimid waxaa qayb weyn ka ah fikirka
gurracan iyo falalka argagixiso ee ay ku kacayaan kooxaha xagjirka ah oo
dadkii diintii nacsiiyey.
Waxaa kaloo qayb ka mid kooxaha Islaamiyiinta kala duwan ee Soomaaliya ka
jiri jiray laakiin haatan nuxuusay sida: Al-itixaad, Al-islaax, Al-waxda, Aalu
Sheekh iwm ee ka soo qalin daartay Ikhwaanul Muslimiinka Masar ama Salifiyada
Sacuudiga. Kooxahaas waxay la yimaadeen hal ku dhigyo waaweyn, waxay abuureen
baraarug cusub oo dhallinyarada lagu kalsooni gelinayo in Islaamku xal u yahay
nolosha aduunka iyo dawladnimada. Waxay sameeyeen dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed,
sidoo kale waxay isku dayeen in ay iska dhiciyaan ama ka hortagaan afkaarihii
iyo aragtiyadii galbeedka ee ka soo burqanayey (Modernity, الحداثة), ama
Aqoonta Casriga.
Raggii waaweynaa ee afkaarta Islaamiyiinta keenay waxay taageerayaashoodii u
sheegeen in ay aqoonta casriga qaybteeda Sayniska iyo Tiknoolajiyadda qaataan,
laakiin ay iska ilaaliyaan qaybta falsafada, fikirka iyo aqoonta aadanaha la
xariirta. Dhallinyaradii ay fikirkaas ku abuureen markii ay u daaddageen
falsafadii sayniska iyo Tiknoolajiyada ee ay Modernity ama Casriga , badwayn
ayey ku dhexdhaceen, waxaana ka hor yimid su’aalo badan oo aan jawaab loo
haynin oo maanwareer ku riday. Waxay kaloo xaraakaadkii Islaamiga ku
fashilmeen in ay u jawaabaan nolosha iyo xaalada murugsan ee dalka ka taagan,
taasoo hanjab ku riday dhalinyaradii ay gacanta ku hayeen. Culimadiina
intoodii badnayd waxay noqdeen maadiyiin aduun bursi ku jira. Waxay galeen
ganacsi, NGOs iyo qaar maamulada iyo dawladahii dalka soo maray isku dhiibay.
Waxaa gebi ahaanba meesha ka baxay afkaartii iyo mabaadi’dii qurxoonayd oo ay
dhalinyarada u sheegi jireen.
Waxaa kaloo iyana soo baxday in dhallinyarada qurbaha ku dhalatay iyo
waalidoontada ama cullimada Soomaaliyeed ee casrigan joogta aysan isla
jaanqaadi karin.
Waalidku haddii uu dadaalo wuxuu ubadkiisa geyn karaa malcamad iyo Masjid,
balse waxaa soo baxday in dhallinyaradii aysan jawaabo u heli karin su’aalaha
kaga imaanaya falsafada iyo climiga ay Iskuullada iyo jaamacadda ugu tegayaan,
gaar ahaan kuwa liddiga ku ah diimaha.
Falalka gurracan ee kooxaha argagixisada ah, u daaddegga falfasada aqoonta
casriga ah iyo iyadoo aysan jirin culimo ama mufakiriin Soomaaliyeed oo
arrinkaas dhallinyarada ka horreeya oo cullimadii ay u bateen wacdi iyo waano
ku celcelis ah, waxay keentay in la waayo cid si caqli ah dhallinyaradii u
qancisa, keliya habaar iyo aflagaaddana dusha looga rido.
Imaam Abuu Xaamid Al-ghasaali ayaa xilligiisii waxay muslimiintu ku daateen
barashada Falsafada. Taasi waxay dhashay in diintii la xaqiro hoosna loo
fiiriyo cullimadii, cidii aan falfasafadda barana caamada lagu xisaabo. Al-
ghasaali wuxuu billaabay in uu Falsafada u xeraysto, darso ka dibna naqdiyo oo
dhaliilo. Wuxuu qoray buuggii caan baxay ee loo bixiyey (تهافت الفلاسفة),
Macno darrida Falaasifada. Waxaa la oran jiray Al-ghassali Falsafadii ayuu
cirka ka soo dejiyey oo uu dhulka keenay. انزل الفلسفة من السماء الي الأرض
Waxaan maanta u baahanahay Al-Ghasaali yaal badan oo aqoonta casriga ah inta
darsa, diintana yaqaan oo meel naga saara su’aalaha waaweyn ee jawaabaha
waafiga ah u baahan. “
— Dhammaadka hadalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida