Dhalinyarada iyo wadaadada

DH allinyaro aad u badan oo ubaxii ummadda ah baa qolal mugdi ah ugu
xeraysan wadaaddo aan dadkeenna u hayn wax horukac ah oo bulshada ku qulaamiya
kutub waayo hore dhimatay oo xataa ay boqorrada carabta ee diracyada waaweyni
ka qubaysteen. Dhallinyaradaasi u ma qalmaan in ay hoos joogaan wadaad damiin
ah oo ku habsaamay aragti meyd ah, ummaddana raba in uu ku jiido god madow iyo
hul uu isagu ku jiro, waxa ayna faca korayaa u baahan yihiin in ay helaan
ilays fakar oo ay ka magangalaan aragtiyaha gaboobey ama dhintay oo lagu la
dhex meeraysanayo. Markii ay ummaddu wax u fakara weydey bay dad badan oo
dayacmay waxa ay iska ag fariisteen wadaaddo maangaab ah oo la moodo in loo
abuuray dullaynta iyo habsaaminta maskaxda ummadda.
Soomaalidu waa dad oo ka ma marna in ay yeeshaan qofqof aqoon iyo fakar leh oo
dareemi kara sida ay wadaaddadu ugu ciyaarayaan fahanka bulshada, laakiin
dadka fakarka leh waa la baqsaday oo waxa ay u qaateen in qofkii wadaaddada ka
hor yimaada la dilayo ama la takoorayo oo ay dhibaato gaarayso. Labo arrimood
baa halkaas ku jira oo midda kowaad waa in aysan wadaaddadu hayn aragti nuxur
leh oo haddii ummadda wacyi loo samaynayo ay aragtida wadaaddadu tahay wax
tabar daran oo aan lugo adag ku taagnayn, midda labaadna waa in qofkii
aragtidiisa darteed loo dilaa uu yahay qofka ugu geeri fiican oo in ay dhowr
wadaad dadka baqdin geliyaan ay liidnimo tahay.
Sideedaba markii ay dunida danbaysa aragtiyo isku hardiyaan laga ma maarmo in
ay dad ku dhintaan ama ku dhibtoodaan, in uu qofku in uusan dhiman ku
mashquulaana waa miskiinnimo oo qof naftiis waxaa ka weyn darxumada ummadda
laga saarayo. Adduunka soo ma marin qof aragti muhiim ah keenay ama dad
fakarkood beddeley oo baqdin uu in la dilo ka yaabay u joojiyey faafinta
mabda’iisa togan, qof dhimashadiis iyo noloshiisna waxaa ka dhumuc weyn danaha
bulshada loo hayo iyo aayaha hummaagga dadweynaha. Baqdinta ka sokow waxaa
laga yaabaa in qaar badan oo fakarayaa aysan lahayn codkarnimadii ay dadka ku
saamayn lahaayeen, qaar kalena waxaa laga yaaabaa in ay la tahay in aan waxba
laga qaban karin dhaqamada jahliga iyo khuraafaadka ah ee xididdaystey,
laakiin waxaa in la ogaado mudan in ay qof ama labo beddeli karaan dhaqanka
iyo fakarka caalamka oo dhan, isla markaas bulsho aysan iyadu isbeddelin ee ay
qof ama labo aalaaba dooriyaan sidii la ahaa. Waxaa la hubaa hummaagga ay
jahliga iyo wadaaddada khuraafaadka rimani mugdiga ku haystaan in ay oodda
jabsanayaan haddii ay helaan ilays fakar iyo nuur aqooneyd, waayo waxyaalaha
dadkeenna lagu maaweeliyaa ma leh jirrido iyo xididdo ad’adag oo ay isaga
difaacaan fakar iyo aqoon shiilan oo abaabulan.
Dhammaan xargaha ummadda lagu ceejiyey waa waxyaalo uu go’itaankoodu isha
baarkeeda yahay oo aan la loollami karin caqliga saliimka ah iyo aqoonta,
dhallinyaraduna inta la moodayo waa ay ka maskax iyo maan fudud yihiin oo
haddii ay baraarujin yar helaan iyaga ayaa ciyoon fakarka iyo doodaha
hoggaanka u qabanaya.
Baahida ugu beer iyo bog xanuun badan baa maanta loo qabaa in la isku hardiyo
kacdoomo fakar oo ay kumanyaal ku dhintaan haddii dhimasho la fursan waayo oo
ay wadaaddada gacanta fududi shanta ka hadlaan, waxaana la naawilayaa in ay
dadka aqoonta leh habbisada iyo quusta saarani ka haadaan oo ay dooduhu midig
iyo bidix isku labo rogaan. Haddii aan af iyo addin la isku tacaddiyin laga ma
yaabo in meesha hoose ee aynu joogno aynu madaxa kor uga qaadno, wadaaddada
maangaabka ahna waxa ay maanta la tahay in ay dadku yihiin wax ay quful ku
jebiyeen iyo wax iyaga ka baqaya oo aan oran karin ereyo khuraafaadkooda iyo
khashiinnimadooda mudmudaya. Waa la gaarey xilligii barqo wajiga la isku diiri
lahaa oo la isla jibaaxi lahaa xas iyo oodo dhiig leh si maskaxda ummadda
soofe loo mariyo oo looga dareero beenta iyo bugtada loo hoganayo.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida